Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Djibouti oo Codsi u diraya Wasiir Xirsi

Guddoomiyaha Jaalidda Somaliland ee JabuutiMaalmahan danbe waxaa warbaahinta madaxa bannaan naga soo gaadhaysa in Wasiir xirsi uu xidhay gabadh masaakiin ah oo siday warbaahintu sheegayso farriin u soo dirtay.  Farriintaasi haba ahaato af-lagaaqo ama cay’e.

Waxaa quruxbadan in wasiiirku isku dayo inuu muujiyo qaangaadhnimo siyaasadeed iyo xilkasnimo.

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ( nin xil qaaday eed qaad) anigoo gudoomiye jaaliyadeeda ah ayaa maaintii waxaa ii soo dhaca in kabadan 6 farriimood oo cay iyo cago-jiglayn iskugu jirta.

Sacaadatu wasiir waxaa loo baahan yahay inaad dhabarkeeda yeelato. Dulqaad ayaa lagaaga baahan yahay, marnaba yay ku qancin inta askari ee amarkaaga maanta qaadan karta hana ku tagri falin awoodooda .

Nin la yidhaa Johonn Wolfgang Von Goethe ayaa ku maahmahay ( What chance gathers she easily scatters, A greate person attracts great people and knows how to hold them together)

wasiir xirsi iyo dhammaan wasiirada kale ee xukuumada waxaan leeyahay fadlan sumcada noo ilaaliyaya oo dadkayga aan maanta somaliland dhex joogin dhag xumada naga kiin  soo gaadhaysa naga daaya. Waxaan ku jirna halgan qadiyada somaliland ah. Yaan cadawga somaliland kaftanka nagaga  helin ficil fool xun oo aad sammayseen.

Qoraa Nasser Ahmed ibraahim

( somaliland_author@yahoo.com)

Mob: 00253-76 41 24