Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo Aqoonsi Caalami Ah ku Heshay Tayada Adeegyada ay Bixiso

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Casriga ah ee SOMTEL ayaa ku guulaysatay Abaal-marin Caalami ah kaddib markii loo aqoonsaday Shirkadda sannadkan ugu wanaagsan shirkadaha isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee soo kobcaya qaaradda Afrika.

Abaalmarintan oo ay bixiso hay’adda Cambridge IFA oo ka shaqeysa maamul-wanaagga adduunka, ayaa Sannadkan lagu qabtay Dalka Philippines, waxaana shirkadda uga qayb-galay qaar ka mid ah masuuliyiinteeda oo la maamuusay.

War-saxaafadeed shirkaddu ku faahfaahisay muhiimadda Abaalmarintani leedahay, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan ku faraxsannahay in shirkadda Somtel ku guuleysatay “𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐛𝐜𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚dh𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒” oo ah abaal-marin caalami ah, sannadkan ka dhacday wadanka Philippines.

Abaalmarintan oo ay bixisay hay’adda 𝐂𝐚𝐦𝐛𝐫𝐢𝐝𝐠𝐞 𝐈𝐅𝐀, oo ah 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.

Abaalmarintan qiimaha leh waxay aqoonsan tahay Somtel DahabPlus iyo eDahab iyo dadaalkayaga ku aaddan horumarinta adeegyada isgaadhsiinta iyo dijitaalka ah ee gobolka.

Waxay ahayd dhawaan markii shirkadda Somtel noqotay 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐭𝐚𝐲 𝟓𝐆 𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

Somtel, DahabPlus, iyo eDahab waxay hoggaanka u hayaan tiknoolajiyadda iyo adeegyadda digital ka ee casriga ah kuwaas oo kor u qaadaya dhaqaalaha isla markaana kobcinaya ganacsiga gobolka.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.