Hoggaamiyaasha Muslinkoow maxaad uga aamusantihiin xasuuqa walaalaheen reer Falastiin?

Maxaa idinku dhacay hogaamiyaashii Muslinkoow? Meeday geesinimadii lagu yaqaanay Islaamku? Meeday jidhkii keliya ee aynu wada ahayn? Aaway walaaltinimadii Islaamku? Aaway ilaalinta xuquuqda dadka Falastiin iyo muslimiinta kalee daafaha dunida lagu laynayo iyagoon waxba galabsan? Aaway joojintii dulmiga iyo fasahaadka lagu hayo muslimiintu? Aaway difaacii diintu? Aaway difaacii Masjidul Aqsa? Qadiyaddii Falastiin ma waxad faraha u galiseen reer galbeedka iyo Yahuud? Goormaynnu difaaci doonnaa walaalladeen Falastiin? Aaway sharaftii Islaamku iyo caqiidadii Islaamku? Aaway biniaadnimadii inaga dhaxaysay? Maalinta danbaysa ee Qiyaame maxaad ku jawaabi doontaan hogaamiyaasha muslinkoow?

Shacabka Muslimiintu meelkasta oo ay joogaan waa dad geesiyaal ah se hogaamiyaaloow idinka ka dhigay inay dareemaan in qaddiyadda Falastiin iyo dagaalka Falastiin yahay dagaal u dhaxeeya Israaiil iyo Falastiin. Walaalladeen Falastiin waa geesiyo garab waayey oo ka waayey walaalladooda daafaha dunida buuxiyey ee Muslinka ah!

Hogaamiyaashii muslinka ahow, waxad ka aamusteen walaalladeen, idinkoo ilaashanaya masaaliix aan meelna haysan, waxa aad saaxiib ka dhigateen Yuhuudda walaalladeen sannadka kasta gumaadaya. Ma aqaan waxaad uga baqaysaan difaaca Falastiin, keliya aan ahayn baqasho. Waxad tirtirteen wanaaggii muslinku lahaa. Walaalkaa difaaca sharaftiisa, naftiisa, maalkiisa, sowkii ahaa waajib. Hogaamiyaashii muslinkoow, ilaa goorma ayaad indhihiinna ku daawan doontaan tirtirka lagu wado walaalaheenna Falastiin? Ilaa goorma ayaad u hiilin doontaan walaaladeen Falastiin. Hogaamiyaashii Islaamkoow, cadaawadda ay gaalada iyo Yuhuuddu idiin muujiyeen dhagaha ayaad ka furaysteen indhahana waad ka xidhateen. Ma baqasho ayey idinka tahay? Mise Munaaqfaqnimo? Mise waxad rabtaan in Falastiinba lagu wareejiyo Yahuud? Haddii aad rabtaan in lagu wareejiyo ogaada in dhulal badan oo muslinku leeyahay ay qabsan doonaan Yuhuud.

Hogaamiyaashii muslinkoow, waxa laga murugoodo weeye in ilaa hadda aanu jirin hal hoggaamiye oo u hanjaba Yuhuudda iyo xulafadooda (Reer galbeedka) lama hayo hal hoggaamiye oo hiil u muujiyey, iska daa inay taasi dhacdee waxa hiil u muujiyey shacab iyo hogaamiyaal aan ahayn Muslin!

Hoogaamiyaashii Muslinkoow inbadan oo idinka mid ahi waxad noqoteen Hayin si aad kursigiina u ilaashataan, amarka reer galbeedku idiin yeedhiyo ayaad qabataan isku khajila. Waxad awoodi kari waydeen in walaaladiina la gumaaday ay waxay u baahnaayeen aad gaadhsiin kari waydaan idinkoo daawanaya.

Hogaamiyaashii Muslinkoow, waxad difaaci kari waydeen xaqii dumarku lahaa, waxa aad ku mashquusheen ka sheekaynta xaqa dumarka lagu leeyahay. Hogaamiyaashii muslinkoow, waxad mooggan tihiin in dagaalkani aanu Qasa oo keliya ku eekaan doonin, ee uu wada saamayn doono dhammaan shucuubta islaamka.

Hogaamiyaashii Muslinkoow, Maraykan iyo reer galbeed, waxay garab istaageen Yuhuud waayo waa walaalahood, se hogaamiyaashii Muslinkoow baqasho aad ka baqaysaan kuwaas ayaad wax ficila u samayn waydeen. Ogaada in Rabbi arrintan idinka xisaabin doono. Hogaamiyaashii Muslinkoow, waxa aad in badan oo idinka mid ahi noqoteen dad afka iyo dhagaha ba laga awday. Miyeydaan ka baqayn in Rabbi idin rogo wuu awoodaaye, waanuu awooddaa Rabbigeen in uu keeno adduunka kuwo idin  baddela oo xoreeya Falastiin. Arrintu Qasa ka weyn Muslinoow. Arrintu ka weyn Masjidu Aqsa, haddaad wax fahmaysaan ood indhuhu idiin furanyihiin.

Hogaamiyaashii Muslinkoow, waxad mooggan tihiin in aad khadka uga bixi doontaan, siday hoyaamiyaal badan oo Islaam ahaa khadka uga baxeen oo halyeeyo iyo hormood u ahaa waddamada Islaamka, waxad mooggan tihiin sida hoyaamiyaal badani shacabkooda lagu diray ee loo baabiiyey inaad u baabb’i doontaan, waxad mooggan tihiin saxariihii aad ka timaadeen badankiin in aad dib ugu noqon doontaan iyo musacalagaydii aad hilibka ka dhigan jirteen, cuni doontaan oo ay idiin gali doonto, cuntada nooc kasta leh eed hareeraraha iska dhigteen haddii aad sidan wax ka baddeli waydaan.

Hogaamiyaashii Muslinkoow, haddaydaan degdeg ugu hiilin walaalladiin, waxa dhacaysa in idinkana sidaas si la mid ah loo burburiyo guryihiinna iyo dalalkiinna, haweenkiina, carruurtiina iyo duqaydiina la laayo nololna loo diido. “Balaayo intay kaa maqantahay walaalkaa bay ku maqantahay.” Balaayo madax la qaybtay leedahaye mijo la qabto ma laha.” Hogaamiyaashii Muslinkoow, Qaddiyada Falastiin waad fudaydsateen in ka badan 70 sanno  ayey sidaas ku sugan yihiin, oo si joogto ah loo dilaa ubadkooda, caarkooda loo kufsadaa oo guryahooda loo baabb’iyaa. Hogaamiyaashii Muslinkoow, intaad idinku isku jeedaan ee qaarkiin laynayaan shacabkooda ee ay qixinayaan suurtogal maaha inaad difaacdaan Falastiin.

Hoyaamiyaashii Muslinkoow ha ka tegina dunida idinkoo dulaysan waayo maanta idinkaa isduleeyey. Haddaad dhiig in uun idinku jiro fasaxa geesiyaasha shacabkiina ah ee aad horjoogtaan si ay u soo difaacaan walaaladeena Falastiin.

Hogaamiyaashii Muslinkoow, halkaad u tartami lahaydeen difaaca, u hiilinta diinta, iyo dadka muslimiintee la gumaadayo maalin walba, ayaad u tartantaan dhisidda fooqyo dhaadheer oo berri ka maalin laga tegi doono, soo dhawaynta ciyaaraha adduunka, iyo wax la mida oo aan macne weyn samaynayn. Hogaamiyaashii Muslinkoow, waxad mooggan tihiin in diintiinna, noloshiinna iyo sharaftiinnuba ku xidhan tahay ilaalilanta iyo difaaca Masjidu Aqsa iyo dadka Falastiin guud ahaanteeda.

Maraykanoow, aaaway dimuqraadiyadii aad ka sheekayn jirtay? Aaway ilaalinta xuquuqdii aad ka sheekayn jirtay. Xuquuqdu ma in aad ku duusho muslimiintaa oo la dilo, la xasuuqo, la baabbi’iyaa? Dadka reer Falastiin waxad ka dhigteen guryahoodii xabaalo, Rabbi xabaalo madow ha idin galiyee. Waxad gubteen iyagoo nool Rabbi ha idin gubee. Waxaad burburiseen wax kasta oo suura galinayey nolol. Yuhuuday, waxa soo dhawaatay goortaad dhammaan lahaydeen. Waxaa soo dhawaatay goortii geed iyo dhagax kastaa idin sheegayey halkaad ku jirtaan. Waxa aad noqoteen martidii abid ugu xumayd dunida. Dunida waa la idinka nadiifin doonaa waayo waxad tihiin xashiish iyo uskag. Ma lihidin geesinimo aad kaga hortagtaan walaalladayo Falastiin. Fulaynimadiinu waxay keentay in aad sanadkasta weerartaan carruurtayada iyo haweenkayaga si aad uga aargoosataan Raggayaga geesiyaasha ah. Ma taqanaan wanaag wax la yidhaa, maba idinka sugayno inaad wanaagsanaataan waayo Rabbi ayaa noo sheegay waxaad tihiin hore iyo danbayso.

Yuhuudeey, waxa aad tirtirteen riyooyooyin badan oo ay walaallahayo Falastiin lahaayeen, waxa aad kala kaxayseen dad is jeclaa, waxad goblamiseen Alle ha idin goblamiyee aabbayaal iyo kumaan hooyooyin, waxaad rajo iyo agoomo ka dhigteen carruur aan waxba galabsan. Alle nolosha idinku gub. Ballana ma lihidin, waxad bacadka dhigteen malaayiin carruur iyo haweena, markaasaad halkay u qaxayeen intaad kaga daba tagteen aad gantaalo ku dhufateen Rabbi gantaaladiisa ha idinku dhufto isagaa awood badane ahe.

Yuhuuday, waxa aad ku noqon doontaan halkii la idinka keenay idinkoo dullaysan, waxad dib u raaci doontaan doontii la idinku keenay qarniyo ka hor. Waa la idinka qabsan doonaa dhulka aad qasabka ku haysataan idinka Rabbi. Yuhuudeey, cadow baad tihiin dhulka jooga, oo xun oo weliba kharriban dhulkana kharriba. Oo beerihii walaallayahoo Falastiin gubay. Rabbi ha idinka gubo beerihiina oo midh yaanu ka reebin. Yuhuudeey, Nebiyadii Rabbi ayaa idinka ammaan heli waayey oo aad layseen qaar badan. Nacdal Rabbi baa idinku taalaa intaad nooshihiin.

Marakaykanoow, waxad ka sheekaysaa, ilaalinta xuquuqda biniaadanka, xuquuqda aad ka hadlaysaa waa xuquuqda ninka cad. Laakiin inaad weerartaan dad deggen oo Muslin ah in aan wax xadgudub ah lagu samayn, in aad baabb’isaan rajadii ay lahaayeen, inaad baabb’isaan wax kasta oo suura galinayey nolol. Rabbi ku qabay. Yuhuud iyo inta la safka ah, afkay doonaan haku hadlaan, shaadhkay doonaana ha xiidhnaadaan Raxmaanka ayaan idinku reebnay.

Baydhanoow markasta waxad ku qudbadaysaa “Xamaas ma matasho Falastiin”. Waxad se ogayn in ay Falastiin Xamaas tahay, Xamaasna Falastiin tahay. Labada adiga ayaan illowsan in aanad metelin shacabka Maraykan. Waxaad u hanjbatay ciddii caawisa ee dagaalka soo  gasha inay ka shalaynayaan, balse garab istaaga walaalkaaga Yuhuudiga ahi waa Dimiqraadiyad iyo la dagaalan argagixiso. Rabbi ku qabay. Waxaad ku sheegtaa Xamaas argagixiso balse idinkaa argagixiso ah. Waa kuwaas maxaabiistii intay ilaaliyeen waxna u gaysan weliba qaarkood soo daayeen, duniduna  markhaati ka tahay. Rabbi xaabada naarta idinka dhig.

Xamaas waxay doonaysaa xoraynta Falastiin.Xamaas waxay doonaysaa xalka nabadgalyada reer falastiin oo waarta.

Xamaas wax aan ahayn dadka reer Falastiin oo hela nolosha ummadaha kale ku noolyihiin ma rabto Xamaas wax aan ahayn Nabad, deggenaansho , bashbash iyo barwaaqo ma rabto. Xamaas waa xalka dhibta haysata Falastiin. Xamaas waxay doonaysaa xoraynta masjidul Aqsa. Xamaas waxay doonaysaa in carruurta Falastiin  ku noolaadaan xoriyad iyo in aan la argagax galin. Xamaas waxay doonaysaa in dadka reer Falastiin dhammaan si deggen ay ugu tukadaan Masjidul Aqsa iyadoo aanay jirin cabudhinta iyo ciilka ay Yuhuud u qabto dadka reer Falastiin. Xamaas waxay doonaysaa in dadkii reer Falastiin ee qaxay xeryaha qaxootiyana ku jiraa ku soo noqdaan dalkooda oo nabad ah. Xamaas waxay doonaysaa dhallinyarada reer Falastiin in si xoriyada u dhigtaan waxbarashadooda, una tagaan dugsiyadooda iyo Jaamacadahooda. Xamaas waxay doonaysaa iyo in waayeelkoodu si deggen ugu cibaadaystaan masaajidadooda. Xamaas waxay doonaysaa in haweenka reer Falastiin ku noolaadaan nolol ta ugu deggen, ugu qurux badan uguna farxadda badan. Alle Farxadda yuhuuday idinka qaad.  Xamaas waxay doonaysaa u hiilinta diinta iyo dadka la xasuuqayo maalinkasta. Xamaas waxay gaashaan bir ah u tahay Falastiin. Xamaas guulaha ay ku taamayaan oo dhan way heli doonaan idinka Rabbi.

Hogaamiyaasha reer galbeedkoow waxad tihiin abeeso iyo laba wajiilayaal oo bilaa akhlaaq ah oon damiir iyo dadnimo lahayn Alle idin qabay oo biniaadnimada afka ka sheegta balse waxba ka aqoon. Dimuqraadiyaddaad sheegataan meeday? Dimuqraadiyadda aad sheeganaysaan waa xasuuqa Falastiin. Dimuqraadiyadda aad sheegaysaan waa argagax galinta carruurta yar yar oo reer  Falastiin. Dimuqraadiyaddiina aad sheeganaysaan waa duqaynta dhakhtarada dadkii aad duqayseen lagu dawaynayey. Dimuqraadiyadda aad sheeganaysaan waa  in aad qofkii ka hadla arrinta reer Qasa aad u hanjabaysaan, Rayi sheegistu ma ta qofkii soo hadal qaada Falastiin aad ku sheegaysaan argagaxiso baa? Idinka argagaxiso ah oo meelkasta baabiiyey dhiigyo-Cabyahoow. Ma fadhiyi kartaan ilaa aad umadda dhiigo daadisaan oo aad magacyo u bixisataan aad dhiigooda ku bannaysataan.

Xuquuqda aad ka hadlaysaan waa in dadka Muslinnimo loo dilo ee idinka idinla joogaa aad indhaha ku daawataan idinkoo wax tallaabo ah qaadin.

Hal magaalo oo yar oo dal islaam ah ku taalla, ayaad  iskugu tagteen dawladaha reer galbeed iyo Maraykanoow. Alle idin qabay, qalbi ma lihidine.

Xuquuqda iyo xoriyatul qowlka  keliya eed aad taqanaan waa; Waa inay gabadhu xaq u leedahay inay waxay doonto samayn karto; Inay ilmaha caloosheeda ku jira  iska soo ridi karto hadday doonto, in gabadha muslimada ahi xijaabka aanay xidhan waayo wuxuu qarinayaa quruxdeeda; In ninku nin kale  guursan karo, in gabadhu gabadh kale  guursan karto; In ninku gabadh isku beddeli karo hadduu doono; In gabadhu hadday doonto iska dhigi karto nin; Iyo in  carruurta la baro dhaqankaas. In Quraanka kariimka ha  la gubi karo. Isku khajila hogaamiyaasha reer galbeedkoow, Rabbi idin dooriye dad ma tihidine.

Rabbow, adigaan kaaga dacwoonay dhibta lagu hayo walaalahayo, adigaan kaaga dacwoonay nolosha ay u diideen walaalahayo, adigaan kaaga dacwoonay xasuuqa lagu hayo, adigaan kaaga dacwoonay baro-kaca lagu hayo, adigaan kaaga dacnoonay cunto iyo cibaadaday u diideen, iyo inay adiga ku xusaan. Jeelka hawada u furan ee ay Qasa ka dhigeen. Adigaan kaaga dacnoonay. Rabbow adigaan kaaga dacwoonay laydhka iyo biyahay ka jareen. dhibkastoo ay ku hayaan. Rabbow Falastiin ciidamadaada kala duwan u soo dir eed adiguun aad ogtahay halkay joogaan.

Rabbow Munaafaqnimo, iyo kufri baanu kaa magan galnay. Rabbow cadowga Islaamka meelkastooy joogaanba naga qabo.

Rabbow waanu ka fognahay dhibaatooyinka walaaladayo lagu samaynayo meelkasa oo ay joogaan. Waxan ka murugoonaynaa dhiiga islaamka ee daadanaya. Rabbow naga qabo daalimiinta meelkasta oo ay joogaan iyo shaadhkastooy xidhanyihiin. Rabbow Faraj degdega oo ay ku farxaan u fur walaaladayo  reer Falastiin iyo muslimiinta kalee dhibaataysan meelkasta oo ay joogaa, Cirka iyo dhulkaba uga fur adigaa weynoo waaxidee. Rabbow Yuhuud iyo inta kalee la xulafada la  ah ee isa soo urursaday si ay u baabb’iyaan dadka reer falastiin kala tuur oo kala daadi qorshayaashooda iyo qalalaasahay wadaan.

Rabbow Falastiin iyo dhammaan waddamada muslimiinta oo dhan ka yeel waddamo aamin ah oo barwaaqaysan. Allahuma aamiin.

Ma aaminsani waligayna aamini maayo dawlad la yidhaa Israa’iil. Falastiin waxay ku taalaa wadnayaasha cid kasta oo damiir leh bini’aadnimada taqaana. Falastiin way jirtaa waanay jiri doonta inta ay nololi jirto. Falastiin iyo shacabkeeda u baqi maayo, haddii aynnu inagoo walaaladood ahi ka aamusnay u hiilin waynay Rabbi ayaa u maqan oo u hiili doonaa waayo hiilkii Rabbi wuu dhowyahay. Reer Falastiinoow ha quusanina walaalayaal guushii Rabbi way dhawdahaye. Dhibtaas aad ku samirteena waad helaysaan abaalkeeda. Muslinoow aynnu gacmaha is qabsanno aynnu difaaca diinteenna, difaaca innaga la ina gumaadayo maalinkasta meel uga soo wada jeedsanno. Waayo difaaca diinteennu waa difaaca sharafteenna iyo midnimadeenna.

 

W.Q: Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com

 

Fiiro gaara: Waan u ogalahay qofkii raba in uu sii faafiyo oo uu ku turjumo luuqad kale si ay farriintani u gaadho cid kasta oo ay  khusayso.