CISMAAN IBRAAHIN WARSAME (HURRE WALAN-WAL): QALCAD DHAQAN OO DUNTAY

“Saddex Raggu Ka Faano, ayaan Ku Faanaa, Saddex Raggu Ku Faano’se Igama Reebto,” Sidaas waxa yidhi Hurre Walanwal.

Waa 15.12.2023 Maalintu Jimce tahay Amin Salaadii Casar dabadeed ayaan Baraha Bulshada ka halacsaday Warka Geerida AHN Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame oo Hure Walanwal loo yaqaanay.

Geeridu Waa xaq nafwaliba dhadhamin doonto. Balse waxaa Inaga Baxay Matxaf dhaqan oo dhamaanteen aynu marag ka nahay inuu Qalcado badan ka koobnaa. weliba Macluumaadka ku duugnaa In yar oo fara ku tiris ahi sii hayso

Balse maxaynu u dhignaa Boqolaalkii Sheeko dhaqameed ee marka uu sida Farshaxanka ah u tebinaayo. aan qofna is dhaqaajin jirin. iyo suugaantiisii Hido iyo dhaqanka ahayd.
Ilaa Daqiiqadii warkiisuu soo dhacayna Boqolaal kun oo Fariimood ayaa hawada ku jiray, waana geeri dadka Afsoomaaliga ku hadlaa ay ku fasireen Inay demisay shumac weyn oo Dhaqankii iyo Suugaantii Af soomaaliga dam ka yidhi…

Inkastoo dad badan oo ay isku dhowaayeen aan dhowr Jeer ka maqlay inaanu Waxbarasho iyo Tacliin Iskuul lahayn.waxaase Mucjiso iyo lama arag ahayd Madal kastoo laysku arko khabiirka, aqoonyahanka, Siyaasiga iyo Nin walboo wax is bida, ayaa weedha AHN Hurre ka saamayn badnayd. Horaana loo yidhi CILMIGU WAA CAQLI LA URURSHAY. Alaha Raxmaanka ahina wuxuu siiyey mawhibat qaali ah oo uu Aragtidiisa ku fasiri karo.
Markaan soo koobana waxaan odhan karaa wuxuu ahaa Xeel dheere aad u aaminsan dhaqankeenii qabka ku dhisnaa Ee Reer guuraageenii hore lahaayeen.
Waraysi uu Siiyey Weriye Abiib Iimaan Xasan. Sanadkii 2007 Wuxuu ku sheegay arin dad badan oo maqlay yaab ku noqotay waxaanu yidhi
Saddex Ragu ka Faano ayaan ku Faanaa Saddex Ragu ku faano’se kagana hadho.
Wuxuu yidhi Saddex baan ku faanaa
1. Fool Xumo
2. Gaabni
3. Odaynimo
Balse Saddexdaa Anoo isku Og marka Inan Rag Saddex u baxo kagama hadho waana
1. Deeqda
2. Doodda
3. Dagaalka.
Halkaana waxaa Ka cad heerka ay gaadhsiisnayd Kalsoonidiisu. Hees ku jirtay Silsiladii dhexmartay isaga iyo Cambaro Axmed Nuux. Waa taariikh 60 Sano ku dhow laga joogee, waa kii lahaa
“Waa Gaaban Yahay Mooyee, Geel Male Malugu Yidhi
Waa Foolxun Yahay Mooyee Waa Fule Malagu Yidhi.”
Waxaynu ka baran karnaa Kalsoonida dhibic walba oo dhiigiisa kamid ah ku jirtay. Kalsoonidiisuna waxay dib ii xusuusin jirtay dhacdo sanadkii 1998kii Maalin anagoo joognaa Huteelka Hargeysa Club. ayaa Mid Baarlamaankii xiligaasi kamid ahaa Nin Colkayagii Saxaafada ah ku yidhi “Waar kii Laangaabka ahaana xaguu ka yimi” Ninkii hadalka lagu yidhi intuu qoslay ayuu ku jawaabay Hadaad Reer Fara leh oo maal badan ka dhalatay. Cilmina aanad lahayn. Aqoon gaab, Laangaabka waxbartay kun Jeer ka hooseeyaad tahay.
Ragayagii madasha Fadhiyey ayaana Qosol Jaanta wadhay. Duqay meel noo dhow ku shaahaynaayey oo Sheekh Ibraahin, Xaaji Cabdi Waraabe, iyo dhowr Oday oo kale kamid ahaayeen Hadalka labada Nina maqlaayey ayaa badhkood Shaahii ku saxday. waxaana kasoo yeedhay Qoodhya xero Ninka waad ka badisay iyagoo aad uga helay kalsoonida Ninka Dambe.

Gabagabadiina waxaan leeyahay Allaah haw Naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha Iilka Neecaw udgoon iyo Haku siiyo Naruuro Aamiin Aaamiin.
Qalinkii Cali Mahad Yuusuf