DHAXALKA BUUGGA HORTAY-JIRE: Taariikhdii Berbera iyo tixihii Cali Jaamac Haabiil (Gorfayn)

Buugga Hortay-jire waa dhigane ay ururiyeen, safarro bandanna u galeen Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad) iyo Maxamuud Cabdrisaaq Baaruud.

Waxana tifatiray oo habeeyey isla markaana isku dubbariday dhabarkana u ritay oo habeenno badan u soo jeeday waqti bandanna galiyey Maxamed Sharma’arke. Waxa daabacday Shirkadda Sagaljet. Dhiganahani waxa uu ka kooban yahay 312 bog. Midabka dhiganahani waa akhtar-jabis. Jaldigiisa  hore waxa ku sawiran 5 awr oo safar oo 4na sidaan safar iyo hal awr oo madhan  waxana hogaanka u haya nin sidoo kale isla jaldiga hore waxa ku sawiran, sawir taariikhi hore ah oo laga qaaday magaalada Berbera. Jaldiga xaggiisa danbee buugga waxa ku sawiran noobiyadda maraakiibta hagta ee ku taala raasiga Berbera.

Dhiganahani waxa uu ka koobanyahay saddex hormo, oo habaysan hormada koowaad waxay ka hadlaysaa si kooban haddaynu u sheegno; Taariikhda Cali Jaamac Haabiil oo faahfaahsan, Xilligii ay Soomaalidu la wareegtay maamulka Berbera, Noloshu siday ahayd xilligii Cali Jaamac Haabiil, Xidhiidhka ay la lahaayeen reer Berberi adduunka intiisa kale siday uga dhiidhiyeen dadka reer Barbari guumaystihii Ingiriiska, ka dhiidhintii ay ka dheedhiyeen reer Berberi duullaankii Turkigu ku soo duulay dekadda Berbera, heshiishkii ay la galeen reer Barbari Ingiriiska.

Hormada labaadna waxay ka hadlaysaa, colaad maanseeddii baaxaadda weynayd ee dhex martay Cali Jaamac Haabiil iyo hoggaamihiyii Daraawiishta Maxamed Cabdalle Xasan. Iyo halganadii Soomaalidu ay la gali jireen ingiriiska iyo talyaaniga

Hormada saddexaadna waa qubane  waxayna ka hadlaysa gabayo duurxul ah oo ay soomaalidu isku tirin jirtay ama u gabayo iyo geeraarro ku salaysan nabad iyo jacayl, col iyo colaad, farxad iyo murugo, dullaan iyo diirnax.

Waa dhigane u qoran hab cilmiyeysan oo ku salaysan baadhis taariikho hore u dhacay oo isku sidkan.

Ururinta dhiganahani waxay qaadatay muddo badan iyo safarro dhaadheer si loo sugo keydka taariikhda iyo tixaha ku duugan waxana ku qoran 31 gabay iyo geeraarro iyo maansooyin iskugu jira sidoo kale waxa ku jira gabayo badan oo xidhiidh la leh gabayada Cali Jaamac Haabiil iyo taariikhda dhiganahan ku duugan. Suugaanta kale duwan ee Cali ka tegay waa kuwo aad ka dhex akhrisanayso jaadadka kala duwan ee nolosha inta uu qofku noolyahay soo marta inta badan kuwaasi oo ay ka mid yihiin; dagaal, nabad, farxad, murugo, guubaabo, garnaqsi, garawshiiyo, kaftan, dood, hogatusaalayn, iska caabbin gumeyste, waaya-sheeg, halxidhaale, iwm.

Waxa ku duugan kayd faro badan oo taariikho aad qaarkood dhagta aad ka maqashay qaarkoodna aanad maqal meel lagaga warramayana aanad arag. Buuggani waxa uu daaha ka rogayaa tilmamaha qofka wanaagsan ee gobta ah lagu yaqaan. Sidoo kale buuggan waxa uu ka sheekaynayaa taariikhda berbera iyo noloshii Cali Jaamaca Haabiil xilligiisii sidii loo noolaa dadkuna u wada noolaayeen una wada ganacsan jireen.

Buuggan waxad ka dheehanaysaa inay Berberi ahayd dhulkii uu gabaygu miran jiray ee suugaanta hoyga u ahayd, Berbera waxa ku yaala dekadda Afrika ugu wanaagsan uguna faca weyn oo ay iskugu iman jireen dadyow kala duwan oo daafaha dunida ka kala yimi halkaas oo ay isku dhaafsan jireen ganacsiyo kale duwan. Tani waxay horseeeday inay Berberi horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh ku tallaabsato.

Sidoo kale kaalinta ay farduhu kaga jireen nolosha dadkeennii hore, waxay ku qiimayn jireen waxkasta oo qiime ahaan goynaya. Heer waxa la gaadhi jiray marka inan (Gabadh) laga soo doonanayo reerkooda in wiilka soo doonta lagu xidhi jiray in uu keeno faras  weliba nooqa ugu qiimaha sareeyey markaas ama guurkeeda ka laabto.

Heer waxay gaadhi jireen dadkeennii hore hadday rabaan inay faras soo iibsadaan cidda ay ka soo iibsanayaan ku xidhi jireen mararka qaar inay kadin  (Boqol) geel ah keenaan oo ay ku beddeshaan, farduhu xayawaanka kale way uga soocnaayeen dadkeennii hore waxanay u samayn jireen gabayo iyo geeraaro ammaan ah

Gabayada ku jira buugga waxa  ka mid ah; gabayga baroordiiqda ah ee uu Cali Jaamac Haabiil u tiriyey markii loo soo sheegay geeridii saaxiibkii Xirsi Cilmi Goonle. Geeridaasi Cali waxay ku noqotay filanwaa nabarweyn oo meel ka gaadhay damqasho bandanna way ku reebay. Cali Jaamac muu ilaawin wanaaggii saaxiibkii  Cilmi intii uu noolaa.

Gabaygan waxaan uga soo soocday gabayada kale ee ku jira buuga; waa gabay uu Cali Jaamac Haabiil saaxiibkiisii rag uga soocnaa, ee kaga jiray nolosha Cali kaalin mug iyo maamuus leh baal dahaba leh wuxu ka qaatay noloshiisa guud iyo tiisa gaar ahba. Waxa uu Waa gabay ka soocan gabayada kalee ku duuggan buugga. Waxa uu ku bilaabay sidan:

 

Faaraxoow galgaladkaan dhigiyo, gama’ la’aantayda

Gogoshaan ku jiifsaday hurdada,goodkii igu yaacay

Gasiinkii la ii dhigay waxaan, gawska uga daayey

Dar guryihii ka yimi baa war baas, iila soo galaye

Geeridii xirsay sheegeyeen, gacal ha waayeene

Goblamooyin waxay ii wadeen, guuldarriyo hooge

Gabbal baa u dumay reerihii, Geliga booc yiile

Abidkii rag waa go’ijiree, tani se waa gaw e

Lix haloo u wada gaar ahaa, gocanayaa mooyi!

 

Mid weeyee haddii lays galoo , geel la kala qaado

Gurmad noqonayaa iyo annagu, guuto bixinnaaba

Waxay gole fardoodaba halkii, rag isku soo gaadho

Giiryaalihii fule kolkuu, gelelef rooraayo

Rogaalkuu giraangirin ogaa, gocanayaa mooyi!

Gar adkaatay xaajada gurracan, guurti kala maagtay

Oy guudcaddiyo feeniyeen, odayo la gaata

Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa

Wax la wada gorfeeyaba halkii, laysu geyn waayo

Gaagaabsayaa iyo badheedh, geeshi hadalyaaba

Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi

 

Geb hadday martidu soo tidhaa, goor uu nala joogo

Godka lagu janneeyoow hadduu, goosan la carraabo

Garab-saar rag weeye hadduu, gogosha soo qaado

Gasiinkii la soo dhigay haddaad , gal iyo daad mooddo

Bakhayl baa gamiimane intuu, gaadhka ka qoslaayo

Godolkuu ku haasaawin jiray gocanayaa mooyi!

 

Gardarada sokeeyaha ragbaa gees biciid u lehe

Gudcurkiyo caddadu waa walaaal, kale se guul roone

Gaadiid la dhaanshuu ahaa, gibil ma-diidiiye

Guraduu na wada seexin jiray, gocanayaa mooyi!

 

All wuxuu Golxaalow ahaa, gedefka reeraaye

Galbeed iyo baraa laga yiqiin, gololkii dheeraaye

Magaciisu wuu gudubsanaa, gaal iyo islaame

Gaashaan biruu noo ahaa, gocanayaa mooyi!

 

Adduunyadan tan laga guurayee, gebagebaa joogta

Ee laga galbaday meesha iyo geerdii Muxamed (Calayhi salaatu wa salaam)

Anuun baa gubtahanyoonayoo, geesigii tebaye

Gartaa noqotay Eebbow ma jiro, garangar waartaaye

Allahaooy wax badan baan gafee, adigu hay goynin

Oo geesta nebigii i mari, maanta lays gurayo!

 

Waxyabaha aan ka ogaaday buuggan waxa kaloo ka mid ah dadka gobonimadooda iyo dunwanaagooda astaamaha lagu ogaado weligayna  aanan maqal. Waxa ka mid ah astaamahaas lixdan sifo ee soo socda, lixdan sifana waxay ahaayeen lix sifo oo Cali Jaamac Haabiil ku sheegay saaxiibkiisii nolosha ee ka hor geeriyooday ku astaysnaa

Lixda sifo waxay ahaayeen:

  1. Nin bushmeed
  2. Nin bireed
  3. Nin baahiyeed
  4. Nin busteed
  5. Beeldaaje, bahala-jire
  6. Qalanbaawi

 

Sidoo kale buugga waxad ka dheehanaysaa noocyadii guurka ee Soomaalida siday u kala bixi jireen waxana ay ka ahaayeen;

  1. Guurka tooska ah
  2. Boob (Guurka boobku waxa uu u kala qaybsami jiray la-tegid iyo dhabargaraac
  3. Dani ku badday
  4. Sahan dumar
  5. Bogsiin (Guurka bogsiintu waxa uu u kala qaybsami jiray Godobreeb iyo Ku-qaadasho)

 

Waxa kale oo jiray habka dumarka loo xulan jiray

Kuwaasi oo kala ahaa;

  1. Gaadasho (Xulasho)
  2. Togasho (Xujo)
  3. Xilasho
  4. Hiddaraac

 

Intan aynnu kor ku soo sheegnay faahfaahinta sharaxa midkasta waxad ka dheehan doontaa buugga si aqoon dheeraada aad ugu hesho.

Buuggan keliya lagama dhaxlayo maansooyin miid ah iyo mahadhooyin maankaga filanwaa ku noqonaysa balse waxa laga dhaxlayaa aqoon iyo iyo aragti fog oo oo ku gaadhsiinaysa taariikh 100 sano laga joogo. Taariikho safar kaa qaadan lahayd haddaad is odhan lahayd “Wuxuun ka soo baro” ama buugaag badan aad akhrisan lahayd. Buugga waxa lagu qoray afkeenna hodanka ah, waxa ku jira erayo aqoon dheeraada iyo iftiimin wacan ku siinaysa xagga ,luuqadda afsoomaliga ,dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta.

 

Talo soo jeedin:

Buuggan haddii loo samaynayo daabacaad labaad waxan soo jeedin lahaa

  1. Buugga waxa ku qoran erayo aanad si u fahmayn waxa looga jeedo si haddaba akhristaha ugu fududaato waxa looga jeedo waan in sharax dheeraad ah laga bixiyaa oo lagu sameeyo bogga xaggiisa danbe.
  2. Gabayada qaar waxa laga soo qaaday laba sadar oo ah hadba intii laga helayey waxa ila qumman in la iska daayo waayo mar haddaanay dhammaystirnayn ama qayb la helin way adkaanaysaa inaad ogaato waxa looga jeedo iyo sababta ka danbaysay gabayga.

Dhammaad

Akhris wacan

Faadumo Buuni

libaaxo37@gmail.com