Kala Fogaanshiyaha Doodda Dadka Sool Bari & Koofurta Sanaag iyo Somaliland Inteeda Kale

Umadda Somaliland Dawladnimo iyo Qaran ayay doodoodu ku Salaysan tahay, Dadka Sool Bari iyo Koofur-ta Sanaag Dega oo ka mid ah Somaliland-na Doodoodu Qabiil iyo hayb bay Sal-ka Ku Haysaa!

Qabiil iyo hayb hadaad Maqasho Gacan-shisheeye ayaa meesha ku jirta, dano cid gaar ahi leedahay ayaa loo Fulinayaa, Umada Caqliga u Saaxiibka ah-na Taasi kama qarsoona, Caad iyo daah-na kama saara.

Waxa Tusaale kugu Filan Waqtigii Gumaystuhu doonayey in uu qabsado Waddamadii Afrika iyo Eeshiya Waxa uu Dadkii qaradahaa ku noolaa u kala Qaybiyay Qabiilo. Taas ayaa  sabab unoqotay  in uu  si Fudud u  qabsado oo u maamulo, Uma bili-liqaysto Khayraadkii Wadamadaas.

Waqtigan Casriga ah ee aynu joogno Malaga Yaabaa Odayada Duubka Xidhan in ay Umada u hor-seedeen Waddo aanay Dani Ugu Jirin oo Shisheeye loogu adeegayo, Colaado daaqa lagu kala caago iyo Dab aan Baq-tiyin-na ay Bulshada ka dhex-shidaan?

Tabashadu nolosha ayay ka mid tahay, Degaan iyo Bulsho-na Wax way taban karaan, Nabad iyo Samir ayaana lagu gaadhaa yoolka iyo doonida damaca aad lee dahay. Dagaalka iyo Gacan ka hadalku xal ma noqdo, Colaaduna Waa tii Nabad ku soo id-laata/Dhamaata Waqti kasta oo ay qaadato.

Haddii ay tabasho timi,  Waxa ay ahayd in Calanka dalkiina Somaliland aad faraska ku sawirataan, dood iyo Wado nabadeedna aad Wax ku raadisaan, Ma se ahayn in Calankii aynu Caradeena hore uga caydhinay ee buluuga xidigta leh ahaa aad Faraskii dar-wiishka inagaga sawir-taan, oo inaga siisaan.

Daraawaashi Waa Somaliland, Taariikh-da Daraawiish-na waxa iska leh Somaliland. Waxaan qabaa shaqsiyan Aniga oo ah Dhashii  Xirsi Af-diir in aanay jirin Cid iga Sheegan Karta Daraawiish iyo Taariikh-deeda. Ma mudnayn in aynu Curado ku wayno,  tabasho Wada hadal iyo Wado nabadeed lagu xalin-karo, Waxaan qabaa in laga baaqsan karayi, Dhinac-kasta.

Maahmaah baa tidhaahda Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa, Somaliland Waa dal Nabad ah, Waa Nidaam dhisan oo laysku bedelo Doorasho Xor iyo  Xalaal ah, Lagu kala guulaysto haldheeri. M ahayn  Mana Mudnayn Calankeenii Tawxiidka lahaa wax ka baxsan in aad Caradeena Somaliland keentaan.

Ma qabo in ay sax tahay, Qof maskaxdiisu xor tahay oo si wanaagsan u Fekerayaana in uu aqbali-karo ama u han-qal taagi karo Nidaam-ka Dad-qalatada ah ee Xamar ku Mag-caaban, Kaas oo ah nidaan Dawlado Shisheeye ay hadba cidii dano-hooda fulinaysa ay iyagu Cug-taan oo U cimaamadaan.

 

Dr. Maxamuud Saleebaan Ducaale Yuusuf

Isuduwaha Hay”ada Dhawrisra Tayada Gobolka Maroodi-jeex