CUMAR XASAN ROORAAYE: Fannaankii Ka Gudbay Xannibaaddii Kacaanka Iyo Xayiraaddii Idaacadda Dawladda – Qormada 2aad

Waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi lasoo bandhigay oo uu Aktarka koowaad ka  ahaa heesaha ku jirayna ay kamid ahaayeen.

“Ama waa lay dooran ama daadku I qaaday”. Dulucda fariinta ay  tebinaysayna waxay sawir cad ka bixinaysay xubnihii u haliilayey inay awooda qaranka gacanta ku dhigaan. Iyo jahawareerka bulshadu ku sugnayd.

Taariikhahaas oo ku beegnaa xiligii dowladihii Rayidka ahaa ee ka horeeyey Inqilaabkii Militeri ee 21.Okt.1969.

Curashadii Nidaamkii  Askarta oo  meelaha uu bilowgiiba horumarka ka sameeyey Fanku kamid ahaa, waxaa la dhisay Tiyaataro iyo xarumo lagu soo bandhigo Riwaayadaha iyo bandhig faneedyada,

Inkastoo gardaadintii Kacaankaasi Fanku qayb weyn ku lahaa Heesaha Amaanta  iyo suugaantii loogu sacab garaacayna ay  joogto ka noqdeen Idaacadihii Dowlada,  balse  qaladaadkii dowladaasi ku kacday   cidii ugu horeysay ee farta ku fiiqda waxay ahayd  Bahda Fanka.

Markaynu dib u milicsano Bilowgii todobaatanaadkii oo fanku  uu gaadhay halkii u saraysay, waxaa xiliyadaas caan noqday Riwaayado isdaba joog ah oo Kooxaha kala duwan ee fanku soo bandhigeen,  AHN Cumar-Rooraaye wuxuu kamid ahaa Haldoorkii ka qaybgalay masrixiyadahaas.

Kuwoodii ugu magac weynaa sida 1-Dirqi maaha Jacaylku oo uu sameeyey Abw. Maxamed Aadan Dacar, 2-Wad iyo Wacad oo uu lahaa AHN Cismaan-Askari, 3-Xuud Baa Liqay Jacaylkii Fikradii AHN Maxamuud C/laahi Singub, 4-Xuskii Jacaylkii AHN Singub sameeyey, 5-Xorriyo AHN Singub uu iska lahaa, waxa kale oo uu metelay markii labaad Riwaayadii Ninba Tima xamar oo xili ku siman 1983kii Jabuuti lagu dhigay. Waxaanay wada jilayeen AHN Nadiifo Xaaji Axmed,

Allaah haw naxariistee Marxuum Cumar-Rooraaye waxa kale oo lagu xusuustaa,  heeso kamid ah suugaantiisa oo uu ku sifaynayo Waajibka Askariga  iyo kaalinta uu Qarankiisa ugu jiro, waxaana tusaale inoogu filan heesta

—–Anigu dablaan ahaanayaa

Naftayda waan la doodayaa,

Raaxada waan u diidayaa

Weliba waan sii dadaalayaa

Aabo dulqaad baan kaa rabaa

Hooyo ducaan kaa doonayaa

Danta dalkaan u daalayaa

Dirays inaan xidhaan Rabbaa

Cadowga daafacaan Rabaa

Dagaalka waan u horseedayaa.

Heestan oo kamid ahayd Riwaayadii Wad iyo wacad, oo uu iska lahaa AHN Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari), waxaa si fiican looga fahmi karaa hawsha Askariga.

Marka taas laga gudbo   Waxaa kale oo jirta laba heesood  oo mid uu isagu keligii ku luuqeeyo waxaana ereyadeeda kamid ah

“Waxaan ahay Askari

Amarkii la ii diro

Anigu waan ka adagahay

Heestan oo aan filayo in laga heli karo Kaydkii hore ee Idaacada Radio Hargeysa. Mudadii ay Somaliland jirtay waxaan daawaday 2.2.1999 Xaflad ka dhacday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu maamuusaayey aas-aaskii Meleteriga.

Waxaa kale oo kamid ah Heesaha Ciidamada ee AHN Cumar Xasan Rooraaye caanka ku ahaa hees ay si talantaali ah u wada qaadaan Fanaanka  Salaad Maxamed Shardi (Salaad-Derbi). Waxaanay aad uga bixi jirtay Idaacadii Raadyow Muqdisho.

Ereyada heestana waxaa kamid ah

“Mar hadaan  daljire ahay

U diyaara Nacabkii

Mar hadaan daljire ahay

Dugsanaaya shacabkii

Anigoo dagaalamaaya

Dalkayaga xumo u diidan

Oo wanaag ku diriraaya

Haku daato dhiigaygu.

Heestan oo iyadoo qaab kale loo tumayo,  aan maalin ka dhegeystay Radyow Hargeysa.waxa si gaar ah uga daba jiibinaya Hablo fannaaniin ah. Labada jeer ee aan maqlay waxay ahayd mid aad u sarraysa marka ay ka baxayso Idaacaddii Muqdisho.

Waxa kale oo ka mid ah suugaanta  dhinaca ciidammada ee ku suntan  AHN Cumar Xasan  Rooraaye,  hees talantaalli ah oo ay wadajir ugu luuqeeyaan 1-Axmed Cali Cigaal, 2-Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan Rooraaye.

Heestan oo ay si cajiib ah u kala roganayaan Afartaa Fanaan oo saddex ka mid ahi geeriyoodeen waxaan filayaa in xiligeedu ahaa intii uu socday Dagaalkii 1977.  Qisada ku duugan waa  sheeko u dhigan Laba  wiil oo  barbaartii  Ciidanka ahayd ka mid ah,   markii ay dagaalka kasoo noqdeen  iyagoo guushii xambaarsan, ay  is arkeen laba hablood oo sheeko guur ka dhaxaysay, intii ay Dagaalka ku maqnaayeena Inamadu ,

Habluhu waxay aad uga wer-werayeen, sida xaaladu ku dambayn doonto iyo Inay nolol isku arki doonaan Gacaliyeyaashoodii wacadka guur u dhexeeyay,  farxaddii kulankooda ayaana midhaha heesahan lays weydaarsanayaa. Xaqiiq ahaan xikmadda heestan waxay markhaati cad ka tahay halku dhig waayahaas ay Hablaha geyaanku marka ay ragga kala xulanayaan caan noqday oo ahaa…

W/Q: Cali Mahad Yuusuf

La Soco Qaybta 3aad……