Guulaha Warbaahinta Al Jazeera

Labaatan iyo siddeed sanno ka hor baa la bilaabayaa mashruuca dawliga ah ee warbaahinta Al Jasiira. Qadar waa mid ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dunidaba ugu yar dal ahaan iyo dad ahaanba. Shabakadda Al Jasiira ayaa se ka dhigtay dal ka mid ah quwadaha saamaynta ku leh dunida guud ahaan iyo gaar ahaan shucuubta carabta.

Juquraafi ahaan, Qadar labada quwadood ee Bariga Dhexe ku loollama ayey dhexda ugu jirtaa; Iiraan oo xagga badda ah iyo Sucuudiga oo ay xagga dhulka kaga dheggan tahay. Tiro ka yar saddex malyan oo kala badh aan ahaynba Qadariyiin dhalad ah ayaa dalka dad u ah. Dhaqaale ahaan ceelasha shidaalka carabta ayey la qabtaa awood se ciidan, juquraafi iyo mid kale oo dublumaasiyadeed sideeda uma lahayn sida Iiraan, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar. Sida ilmaha xaafadda u yar oo reerka taladiisa aan wax ku lahayn se sida loogu taliyo ay tahay in uu u raaco oo kale bay ahayd dalka Qadar. Waa se ka hor intii aanay abaabulin mashruuca Aljasiira oo Qadar ka dhigaya awood dublumaasiyadeed oo Bariga dhexe ka arrimisa.

1996 ayaa Amiirka Qadar Xamiid Bin Khalifa oo sannad ka hor uun awoodda kala wareegay aabbihii uu la yimi riyo ah in Qadar noqoto hoggaanka Carabta iyo Muslimiinta iyo in aanay ahaan meel Sucuudigu ku amarkutaagleeyo oo sida uu rabo ka yeelo. Heshiisyo uu saldhigga ciidan ee ugu weyn Bariga dhexe Maraykanka ku siinayo ayuu la galay. Balse taas Kuma uu koobnaan, in habfekerka dhaqan, dhaqaale iyo aragtida dunida iyo tan carabtaba ay saameyn weyn ku yeeshaan ayuu ka xadhko xidhay.

Amiir Xamiid iyo wiilkiisa Tamiim ayaa fekraddan si yaab leh uga shaqeynaya. Ceelasha shidaalka carabta gacanka oo dhanbaa leh oo ka lacagaystay. Bal se Qadar lacagtaas kuma ay baashaalin kaliya, warbaahinta Aljasiira ayey u maalgaliyeen si buuxda. Kuwayt, Sucuudi, Imaaraad, Liibiya, Masara ama Baxrayn kama karti iyo saamayn badnayn Qadariyiintu ka hor Al Jasiira. Balse hanka ah in ay dhegaha, indhaha iyo garashada bariga dhexe qabsadaan ayaa kala faddilay.

Maanta, 28 sanno ka dib waa mid ka mid warbaahinta ugu ballaadham ee ugu saamaynta badan dunida, waa Midda ugu weyn carabta, Bariga dhexe iyo dunida Muslinka. Al Jasiira waxa ay leedahay kanaallo ku baxa Carabi iyo Ingiriisi oo ay ka mid yihiin Aljasiira English, Aljasiira Carabi, Aljasiira Mubaashar, Aljasiira Balkans iyo Aljaseera. Shabakadda Al Jasiira waxa ay leedahay kanaallada ciyaaraha ee BeiN Sport oo laga daawado ciyaaraha.

Warbaahintii guunka ahayd ee BBC, CNN iyo Channel 4 ayey tartan la gashay. Halis weyn bay u arkeen reer galbeedku in cod sidan u dheer oo aanay mamulini hawada soo galo. Ugu yaraan dhegaha Carabta ha laga qabto ayey ku taliyeen, Al Carabiya ayaa ay abaabuleen oo ku Soo dhiseen, waa se ay ka socon wayday. Intii Carabta ay u maqnaayeen ayey Aljasiira furaysaa Kanalla Aljasiira English oo Maraykan iyo galbeed dhegooda u socda. Si xawli ah bay u korodhay Aljasiira ilaa ay muddo kooban kaga mid noqotay lixda warbaahinood ee adduunka ugu saamaynta badan.

Tiro ka badan saddex kun oo qof (3,000) ayaa ka hawlgala, in ka badan 140 oo dalalka dunida ah baa laga daawadaa, qiyaastiina waxa la sheegaa in 270 million oo guri laga fiirsado. Barnaamijyo xiiso leh oo Ingiriisida iyo Carabidaba ku baxa ayey Soo daayaan sida: Aljasiira Documentaries, Head to Head, Hard Talk, Upfront, Inside Stories iyo kuwa Carabida sida Ma Waraa’al Khabar, Fooqa Suldah, Itijaahul Mucaakis, Lil qisati baqiyah iyo kuwo kale. Wariyeyaasha caanka ka ah dunida wararka, baadhisaha iyo sheekotabinta ayaa u shaqeeyay sida Faysal Qaasim, Axmed Mansuur, Malika Bilaal, Mahdi Xasan iyo qaar kale. Kanalkeeda ciyaaraha waxa ka Soo caanbaxay daadihiyaasha baraamijyada ciyaaraha ee Cisaam Shuwaal, Raauf Khaliif, Khaliil Baluushi iyo qaar kale kale oo saamayn ku leh xiisegalinta kubbadda cagta iyo dhegaha malaayiin Carab iyo Soomaali ah.

Inta Qadar dal ahaanteed u ixtiraama waxa ka badan kuwa u maamuusa maaddaama ay Aljasiira dawladda Qadar leedahay. Dhacdadii dunida ka yaabisay ee sannadkii 2017 ay dawladaha carabta xooggoodi ku go’doomiyeen Qadar ayaa tusaale weyn oo awoodda diblumaasiyadeed ee shabakadda Aljasiira dalka Qadar u goysay ah. Sucuudi, Baxrayn, Imaaraad iyo dalal kale oo carbeed ayaa goaansaday in aanay wax macaamil ah la samayn Qadar ilaa ay qodobbo ay ku sheegeen xad gudub ay geysatay AlJasiira iyo Qadar ay ka laabtaan. Waxa ugu weynaa qodob dhigayey in Qadar ay xidho warbaahinta Al Jasiira! Waa ay diidday oo sanka taagtay iyada oo madaxa Ciidda ka ceshanaysa. Cir, dhul iyo badba waa ay ka godoomiyeen. Xidhiidh wal oo ganacsi, bulsho iyo dawladnimo iyo guud ahaan walaaltinimadii carabnimo waa ay ka goosteen. Caroogga wayn ee Aljasiira ayey si xirfad iyo ilbaxnimo leh ugu dagaalgashay. Dunidii oo dhan bay tustay sida walaaleheed uga gardaranyihiin iyo sida ay waajib u tahay in ay Isla yaabaan oo cunaqabtaynta uga qaadaan. Halkeedii baa la yimid oo si sharaf leh loogu soo celiyey wax walba sidoodii hore.
Machadka tababbarrada saxafiyiinta ayey leeyihiin, kaas oo Soo saara saxafiyiin khibrad sare leh oo ka hawlgala warbaahintooda iyo kuwa kale ee dunidaba. Ha noqoto kuwa Dijiitaalka iyo kuwa soojireenka ah ba.

In dal yar oo Qadar oo kale ahi martigeliyo koobkii adduunka 2022 ma ahayn hawl sahlan. Arrin saamayn ballaadhan, xodxodasho iyo ugu yaraan jaah laguugu soo istaago u baahan bay ahayd. Waxa la sheegaan in warbaahinta Aljasiira door ballaadhan ku lahayd in dacaayad walba oo laga fidiyo iyo mucaaradad kastaba ay ka miisaanto isla jeerkaasna ay sawir qurxoon ka bixiso dalkeeda iyo sida uu u mudanyahay in la martiyo. Saw dad badani uma ay muuqan kuwo leh.

“Qadar oo aannu labaatan sanno warkeeda aamisanayn , Hal bil waannu martiyi karnaa oo koobka dunida ku aammini karnaa.” Waa tabtii ay u dhacday, mid ka mid ah tartannadii ugu qaayaha badnaa ee koobka adduunka bay si la majeerto u martigelisay.

Aljasiira waa astaanta warbaahineed ee carabta iyo Bariga dhexe ugu weyn. Inta la garan karo in uu jiro qof Carab ah in la mid ah ama ka badan ayaa la yaqaannaa in ay jirto warbaahin Aljasiira lagu magacaabaa. Kuma ay iman khiyaali ee waa aragti dal oo loo malageliyey si ay u guuleysato; Si ilbaxnimo leh loo maamulay, loo maalgeliyey loona dhisay si hay’adeed oo aan qofeysnayn. Dalalka dunida wax isdhaafiyey ma aha awooddooda juquraafi, dhaqaale, tiro badani ama taariikhdooda, waa se aragtida hoggaankeeda iyo samaysashada yool cad oo ay ku xaqiijiyaan awoodda dal iyo dad ahaaneedba.

Qadar waxa ay dunida tustay in saamaynta dal dunida ku yeelanayaa aanay ahayn oo keli ah mid millatari, waxsoosaar, dhaqaale ama diineed balse ay noqon karto mashruuc si hagaagsan looga shaqeeyay sida shabakadda Aljasiira oo qof wal oo dakaas u dhashay ka dhiga mid dunida ugu faana oo u hanweyn.

W/Q: Saddaam Xuseen Carab,
Hargeysa