Wasiirkii Gaashaan-dhigga Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Is-casilaad Tuhun Ka Dhashay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa caawa shaaciyey inuu iska casiley xilka uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo deegaan ka soo jeeda Gobolka Selal, waxa uu iscasilaaddiisa ku sababeeyey inuu ka soo horjeedo Heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Wuxuu ku dooday inay madaxweynaha isku khilaafeen xukuumaddu ku doonayso inay qaybo xeebaha badda Somaliland ka kirayso dalka Ethiopia oo uu ku tilmaamay cadowga Somaliland.

Ex-Wasiir Caateeye ayaa bilihii u dambeeyey ka maqnaa saaxadda siyaasadda marka laga yimaaddo shir beeshiisu dhawaan ku yeelatay Gobolka Selal, waxaana aad u koobnayd inuu ka muuqdo dhaq-dhaqaaqyada iyo hawl-maalmeedka shaqo ee Golaha Wasiirrada Somaliland.

Go’aanka Is-casilaadda Wasiirka, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta Golaha Wakiillada la keenay Mooshin xildhibaannada qaarkood ku codsadeen inay Golaha horyimaaddaan masuuliyiinta Qaranka u qaabilsan hawlaha Amniga si wax looga weydiiyo dhacdadii Ciidanka Qaranka JSL kaga soo baxeen deegaannada Bariga Gobolka Sool.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka mid ah Wasiirrada ugu cimriga dheeraa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Shaqada la bilaabay toddoba sanno ka hor.
Mr Cabdiqani Caaateeye ayaa hore u soo qabtay Xilka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Somalilandpost Media Inc.