Congress-ka Maraykanka Oo Dacwad ka Gudbiyey Ilhan Cumar

Washington (SLpost)- Guddoomiyaha aqlabiyadda Xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, Tom Emmer, ayaa guddi-hoosaadka anshaxa ee Golaha u gudbiyey qoraal uu kaga dalbanayo ciqaab anshax marin ah oo lagu soo rogo Xildhibaan Ilhan Cumar oo lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay dastuurka dalka Maraykanka.

Ilhan Cumar oo dhawaan khudbad u jeediyey Soomaalida Maraykanka, ayaa sheegtay inay madaxweynaha Soomaaliya ku garab-taagan tahay go’aanka uu ku cambaareeyey heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Xildhibaan Tom Emmer oo hoggaamiya mudaneyaasha Xisbiga Jamhuuriga oo haysta Aqlabiyadda aqalka Wakiillada, waxa uu gef sharci oo meel-ka-dhac ku ah mansabka ay ku fadhido iyo danaha Maraykanka ku tilmaamay hadalka Ilhaan Cumar ku taageertay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay ku xad-gudubtay dastuurka dalka Maraykanka ee ay u dhaaratay sidaa awgeedna ay dalbanayaan baadhitaan qoto-dheer oo lagu sameeyo tallaabada ay ku kacday maadaama hadalkeedu muhiimadda koowaad siinayey danaha Soomaaliya oo ay ku dhalatay.