Muxuu Yahay Ololaha Lidka Ku Ah Heshiiska Ethiopia ee Gudaha Somaliland Ka Socda? – WARBIXIN

Gudaha Somaliland waxa ka socda olole ka dhan ah heshiiska iskaashi ee dhexmaray Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Dowladda Ethiopia, waxaana la tuhunsan yahay inay Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa dalal shiisheeye ay gacan ku leedahay ololahan oo loo adeegsaday shaqsiyaad u dhashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya oo taageero dhaqaale ka helaysa qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe, ayaa bilowday olole sal-ballaadhan oo ay ku car-qaladaynayso heshiiska is-faham ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Ololaha Dowladda Soomaaliya oo isugu jira dacaayado laga faafinayo hesiiska iyadoo la adeegsanayo warbaahinta kala duwan iyo Lacago tiro badan oo la sheegay inay bixiyeen dowladaha Qatar iyo Masar, si lagu ogaaday xogo laga soo xigtay ilo-wareedyo ka ag-dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Dagaalka ka dhanka heshiiska Ethiopia iyo Somaliland oo ay taageerayaan dowlado samayn ku leh mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaalida, ayaa la sheegay in loo adeegsanayo shaqsiyaad magac leh oo u dhashay Somaliland, kuwaas oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Xogtani waxay sheegaysaa inay jiraan lacago laga soo dhex-mariyey Shaqsiyaad isugu jira Culimo iyo Siyaasiyiin ku sugan gudaha Somaliland, kuwaas oo durba ka hawl-galay sidii ay u kicin lahaayeen bulshada isla markaana u gaadhsiin lahaayeen hawsha loo wakiishay.
Barnaamijkan lagaga soo horjeedo heshiiska Ethiopia iyo Somaliland, ayaa bilowgooda la dareemay Jimcihii shalay, iyadoo gudaha dalka laga dhaq-dhaqaaqjiyey madax-dhaqameedka, siyaasiyiin iyo warbaahin arritan si taban uga Hadlay.

Ololaha laga bilaabay gudaha Somaliland oo isugu jira mucaaradad laga soo horjeedo iyo dacwaayado laga faafiyey heshiiska Ethiopia oo warbaahinta la mariyey, ayaa daba-socday khudbad dheer oo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Jimcihii shalay kaga hadlay heshiiska.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii dalka dib ugu soo laabtay kaddib Socdaal maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia, waxa uu sheegay in heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ka kooban yahay 11 Qodob, waxaanu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan sharciga u marayaan dhammeystirka heshiiska iyagoo marka ay diyaariyaan horgeyn doona Goleyaasha Sharci-dejinta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Ethiopia wada-gaadheen heshiis is-faham oo Dowladda Ethiopia lagaga kiraynayo dhul-xeebeed cabbirkiisu yahay 20km muddo 50 sanno, taas beddelkeedana Ethiopia noqonaysa dalka u horrreeya ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Marka laga yimaaddo hadalka madaxweynaha. waxa Khamiistii iyo ilaa Jimcihii shalay bilaabtay olole ay gudaha dalka ka wadaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo fasiraad hadalka madaxweynaha ka duwan ka sheegay heshiiska, iyagoo feker ahaan ay is-shabahaan aragtida madaxda iyo siyaasiyiinta Somaaliya kaga fal-celiyeen heshiiska.

In kasta oo sharciga u dejisani dambiile u aqoonsanayo muwaadin kasta oo ka soo horjeesta Danaha Qaranka, haddana waxa suurto-gal ah inuu gudaha dalka ku sii xoogaysto duullaanka dibadda laga hagayo ee ka dhanka ah heshiiskan Ethiopia, kaas oo kacdoon majaro-habaabin ah ka dalka ka abuuri kara haddii aanay xukuumaddu qaadan tallaabada ku haboon.

By Somalilandpost Media Inc.