Warbaahinta Carabta oo Taageertay Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo Heshiiska Ethiopia!

heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, Muse Bihi iyo Abiy Ahmed

“Soomaaliya oo Dal ahaan Midaysani miyey ka muhiimsan tahay Midowgii Soofiyeeti oo dhaxlay Boqortooyadii Ruushka ee Yurub iyo Aasiya ka talinaysay?”

London (SLpost)- Wargeyska Arab Weekly oo ka faallooda siyaasadda Bariga Dhexe iyo Dalalka Carabta, ayaa Warbixin qodo-dheer ka diyaariyey heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia iyo muhiimadda uu u leeyahay qaddiyadda 32-jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan oo uu qoray Tifaftiraha Guud ee warbaahinta Al-Arab Publishing Group oo Wargeyska Arab Weekly qayb ka yahay, waxa sidoo kale lagu dedafeeyey fal-celinta Soomaaliya ka bixisay heshiiska.

Waxay Warbixintu si qoto-dheer u faaqidday doodaha sharci ee taageeraya madax-bannaanida Somaliland iyo qodobbada daliilka u ah sida aanay sharciyadda caalamka u waafaqsanayn sharciyaddii lagu aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo lagu tilmaamay inay ahayd midnimo Macmal ah.

Dr. Haitham El-Zobaidi waxa uu warbixintiisa ku soo qaatay Qaddiyadihii lagu aasaasay waddamo caalamka ka tirsan oo madax-bannaanida qaatay wixii ka dambeeyey 1990aadkii oo ahayd xilli isbeddel weyn ku yimi Siyaasadda Caalamka, kaddib burburkii ku yimi Midowgii Soofiyeedka iyo waddamo badan oo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo Militari ahaanba ku tiirsanaa, kuwaas oo Soomaaliya ku jirtay.

“Dalal badan oo leh astaamaha Somaliland, ayaa samaysmay sagaashamaadkii kaddib markay sii shaqayn weyday midnimadii macmalka ahayd. Haddaba, Soomaaliya oo Dal ahaan Midaysani miyey ka muhiimsan tahay Midowgii Soofiyeeti oo dhaxlay Boqortooyadii Ruushka ee Yurub iyo Aasiya ka talinaysay? Mise Way ka muhiimsan tahay Yugoslavia ama Czechoslovakia oo qaaradda Yurub ka tirsanaa? Aan Xaqiiqada isweydiinnee, Soomaaliya miyay ka muhiimsan tahay Suudaan oo noqotay laba dowladood markii wada-noolaanshihii la waayay? Ka warran Eritrea oo Itoobiya ka go’day?” Sidaas ayuu Dr. Haitham El-Zobaidi ku sheegay warbixinta

Warbixinta oo Diiradda lagu saaray muhiimadda dhaqaale iyo amni ee heshiiska Somaliland iyo Ethiopia u leeyahay Gobolka, waxa lagu sheegay, “Marka ay iskaashadaan; Bogcadda istiraatijiga ah ee Somaliland oo ah marinka Badda Cas; Tirada Dadka, Kheyraadka Beeraha & Biyaha Itoobiya; Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Imaaraadka Carabta, waxay wax weyn ka beddeli karaan Xaaladda Gobolka”, Sidaas ayaa lagu heegay Warbixinta uu diyaariyey Dr. Haitham El-Zobaidi oo ah Tifaftiraha Guud ee warbaahinta Al-ARAB PUBLISHING GROUP oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka UK.

Somalilandpost Media Inc.