Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska oo Soo Dhaweeyey Heshiiska is-afgarad ee Ethiopia Somaliland

BBC refuses UK Government demand to call Hamas terrorist

London (SLpost)- Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa lagaga hadlay Ammaanka Badda Cas iyo heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Raysal-wasaaraha UK oo Isniintii shalay ay xildhibaannadu su’aalo ku weydiiyeen, ayaa loogu baaqay inay bilowdo hanaankii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland maadaama lagu wado in Ethiopia noqoto dalka ugu horreeya Afrika ee Aqoonsanaya madax-bannaanida Somaliland.

Xildhibaan Alexander Stafford oo ka mid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, waxa uu Raysal-wasaaraha UK, Rushi Sunak ku yidhi, “Mudane Raysal-wasaare, marka koowaad waxaan idinku hambalyaynayaa doorkiina hawl-gallada lagu sugayo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Xuutiyiinta Yemen ku waxyeelaynayaan Maraakiibta Caalamiga ah”.

“Heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland wuxuu suurto-gal ka dhigay in Somaliland Aqoonsi buuxa ka hesho Dalalka Gobolka iyo Beesha Caalamka ee kale, si ay noqoto Dal Madax-banaan, taasina waxay caawinaysaa Nabadgalyada Dalalka Gobolka, Badda Cas iyo Gacanka cadan, markaa Aniga iyo Kooxdaydu waxaanu kuu soo jeedinaynaa (Raysal-wasaare) inaad idinka oo tusaale ka dhiganaya heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland aad bilowdaan hannaanka UK ay Somaliland ugu aqoonsato lahayd dal xor ah oo Madax-bannaan”.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Rushi Sunak oo hadalka qaatay ayaa weedho dublomaasiyeed kaga jawaabay su’aasha Xildhibaanka, waxaanu yidhi, “Xildhibaanku wuu ku Mahadsan yahay taageeradiisa Hawl-galladayada Badda Cas. Wixii kale Anaga oo raacayna siyaasadda Arrimaha dibedda, waxaanu soo dhaweynaynaa wax kasta oo wax ka taraya amniga gobolka iyo Badda cas, cid walbana wada-hadal ayaanu kala yeelanaynaa dhacdooyinka ka socda gobolka”.

Baarlamaanka Dawladda UK, ayaa hore loo horgeeyay Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kaasi oo ka gudbay dhegaysigii hore, waxaana xilligan la sugayaa dhegaysigii labaad oo uu aqalka Baarlamaanku go’aan kaga gaadhayo aqoonsiga Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Xildhibaanka Su’aasha weydiiyey Ra’iisal-wasaaraha oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Conservative-ka, ayaa ka mid ah xildhibaanno ka kooban axsaabta dalka UK oo u ololeeya Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Somalilandpost Media Inc.