Xaqiiqo-raadintii Midowga Afrika ee 20-Sanno Horteed Gar-waaqsatay Madax-bannaanida Somaliland

Guddi Xaqiiqo-raadin ah Oo Midowga Afrika u soo diray Somaliland Sannadkii 2005-tii, ayaa garowshiinsho lagaga bixiyey go’aanka ay Somaliland Sannadkii 1991-kii madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya.

Guddiga Xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika oo xilligaas soo saaray warbixin ay soo saareen ku sheegay inay Somaliland xaq u leedahay aqoonsi caalami ah oo ay beesha Caalamka ka hesho maadaama oo ay jiritaan qaladaad sharci oo ku lammaanaa midnimadii Soomaaliya iyo Somaliland oo aan wali sixitaan lagu samayn.

War-bixinta Guddiga Xaqiiqo-raadinta Midowga Afrika, waxa ay ku sheegeen in qaladaadka sharci ee midnimada iyo dowladnimadii wada-jirka loo dhistay oo sidii loogu talo-galay u shaqayn wayday ay Aqoonsi-raadinta Somaliland ka dhigaya qodob Cid Waliba ku qanci karto.

“Xaqiiqda ah in Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya aan waligeed la ansixin, markii uu dhaqan-galayna u shaqayn waayey sidii la rabay, waxay aqoonsi raadinta Somaliland ka dhigaysa Arrin taariikhi ahaan qiilkeeda wadata,” qoraalkaasi wuxuu ka mid ahaa warbixintii ay Somaliland ka diyaariyeen Guddi xaqiiqo-raadin ah oo Midowga Afrika u soo diray Somaliland 20 sanno ka hor.

Somalilandpost Media Inc.