Go’aanadii Gudigii Beelweynta Habarjeclo Waxtarkoogii Iyo Waxii Seegay!

Guddigii beelweynta Habarjeclo ee is xilqaamay waxa ay ku guuleysteen ;

1- Soo afjarida khilaafkii siyaasiga ahaa ee doorashooyinka Somaliland oo taagnaa mudo badan.

2- xalinta jabhadii buurta gacan libaax iyo dawlada oo dagaal ka dhexeeyey.
Labadaasi qodob midna umay raacin xeerar iyo dastuur ee waxa ay u kaashadeen in xal iyo xaagaan ku soo dhameeyaan iyaga oo kalsooni weydiistay dhinacyadii arimahani ka dhexeeyeen.

Gudiga Beelweynta Habarjeclo waxa seegtay nin habar dhashay hal ma seegi waayo e ;

1- In ay kalsooni weydiistaan ururada siyaasada oo ka mid ahaa daneeyayayaashii doorashooyinka oo aan lala tashan.

2- la tashiga Gudiyadii beelaha ee isku xilqaamay xaaladaha taagan sida gudigii salaadiinta ee isku dhafka ahayd oo ay hogaaminayeen suldaan xasan suldaan cabdilahi , gudigii beelweynta Arab, ururadii bulshada, iyo cidwaliba oo arinkaasi u kacday si aan go’aankooga waxba uga soo noqon.

Isku soo wada xoori cidii go’aankaasi ka biyodiidsan waxa xaq loogu leeyahay in laga baryo in ay arimaha la isla qaato u tanaasulaan sababta oo ah waxa ay iyagu cuskanayaan nidaamkii sharci ee dalka iyo dastuurkii qaranka.

MAXAA GO’AANADANI YEELI KARAAN MUSTAQBALKA DAMBE DALKA?

Go’aanadani waxa ay ahaayeen qaar inaga saaray caqabado iyo arimo lagu kala fogaa oo dhinacyada isku hayaa qolona sharciga adeegsatay iyo hay’adaha qaranka ee dastuuriga ah sida komishanka doorashooyinka, maxkamada sare iyo Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland, dhinaca kalena u arkayeen in meel dhexe la isugu yimaado oo iyaga loo jeedo.
Go’aanadani waxa muhiim ah in ay noqdaan kuwii ugu dambeeyay ee cid ka baxsan xayndaabka maamul dawladeed ee dalku soo saaraan si aanay horseed ugu noqon in marwalba sidani oo kale dhacdo waxaana lagaga hortagi karaa uun ;

1- In shuruucda iyo dastuurka dalka raaco oo waxii mad-madaw galona ( ambiguity) laga saaro .

2- In nidaamka doorashooyinka dalka dib loo habeeyo oo dhamaan doorashooyinka hal mar lawada qabto .

3- In aanay dalka dib uga dhicin mudo kordhin aan asbaabta dastuurku jideeyey wax aan ahayn aan ku imanin isla markaana xukuumad waliba ay qasab ku tahay in ay mudo xileedkooga sanadka ugu dambeeya doorashooyinka diyaariyaan.

W/Q: Mohamed Abdi Jama Dhimbiil