Beesha Caalamka oo Baaq U Diray Daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Saaxiibbada Beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa bogaadiyey muddeynta xilliga doorashooyinka madaxtooyada iyo Axsaabta Siyaasadda oo la go’aamiyey inay dalka ka qabsoonto 13-ka Bisha November 2024-ka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa 20-kii bishan April ku dhawaaqay wakhtiga ay ku qabanayaan Doorashooyinka isa-saaran ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, waxaana go’aanka guddiga qalinka ku duugay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo wareegto uu saaray 21-kii bishan April ku ayiday wakhtiga Komishanku u muddeeyey Doorashooyinka.

War-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen waddamada Denmark, Midowga Yurub, Germany, Norway, Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa lagu sheegeen inay soo dhaweynayaan cayimaadda rasmiga ah ee wakhtiga doorashooyinka Somaliland ee Guddida doorashooyinku soo saareen.

“Waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan xaqiijinta in doorashooyinka Somaliland qabsoomaan 13 November 2024-ka,” sidaa  ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha Caalamka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Waxaanu mar kale ku celinaynaa inaanu muujinno sida ay nooga go’an tahay in aanu la shaqeyno komishanka.”

Beesha Caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somalilad, waxa ay daneeyeyaasha doorashooyinka ugu baaqeen inay ka wada shaqeeyaan hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo la ixtiraamayo wakhtiga loo cayimay iyo jadwalka doorashooyinka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net