Baarlamaanka Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Qadiyadda Somaliland

Washington (SLpost) – Guddiga xidhiidhka dibedda ee Aqalka Odayaasha (Senate) ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa Maamulka Joe Biden ku canaantay ku sii adkaysigiisa siyaasadda dalweynihii laysku odhan Jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Xidhiidhka Dibedda ee Golaha Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa sheegay in Siyaasadda Mareykanka ee “Soomaaliya mid ah” aanay ka tarjumayn Xaqiiqada dhabta ah ee xilligan jirta.

“Muddo sanado ah, waxaan ku boorinayey Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka inay wax la qabato Somaliland oo aanay iska indho-tirin horumarkeeda dimoqraadiyadeed,” Sidaa waxa yidhi Senator Jim Risch oo qoraal arrintan kaga hadlay ku baahiyey bartiisa X (Twitter), ayaa yidhi ”

Jim Risch waxa uu sheegay in Waddamada Yurub ee xulafada la ah Maraykanku ay hambalyeeyeen muddaynta doorashada Somaliland, laakiin uu Maamulka Biden ka aamusan yahay illaa hadda. “Axaabteena (Reer Yurub) way bogaadiyeen horumarka Somaliland ee doorashada, maamulku Maraykanku wuu ka aamusay,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’ maaha mid ka tarjumaysa xaqiiqada waxa meeshaas ka dhacaya”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka dareen-celiyey hadalka Jim Risch, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland uga mahad-naqayso taageeradiisa, “Senator James E Risch, anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland, waxaan jecelahay inaan kaaga Mahad-celiyo fariintaada taageerada ah” ayuu yidhi Md Saylici, waxaanu intaas ku daray, “Farriintaadu waxay iftiiminaysaa faraqa u dhexeeya Somaliland oo ah isha dimuquraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net