Dowladda Turkiye oo War Ka Soo Saartay Ujeeddada Markab ay leeyihiin Oo Booqasho ku tagay Muqdisho

Turkiye's TCG KINALIADA Corvette at Mogadishu Port. @Turkiye Embassay

Muqdisho (SLpost)- Dekedda Magaalada Muqdisho waxa Khamiista maanta ka goostay markab-dagaal Turkigu leeyahay oo 23-kii bishan booqasho ku tagay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasibad lagu soo dhaweeyey markabka ka hadlay, ayaa markabka ku sheegay mid Dowladda Turkiye ugu talo-gashay inay ku ilaaliso xeebaha Soomaaliya isla markaana uu qayb ka yahay hordhaca heshiis iskaashi oo labada dowladood dhexmaray.

Haseyeeshee, Dowladda Turkiye oo war ka soo saartay ujeeddada socdaalka Markabka, ayaa sheegay inuu qayb ka yahay dabbaal-degga maalinta madax-bannaanida iyo xuska Carruurta dalka Turkiga, waxaanu hadalkani meesha ka saaray sheegashada madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya.

Markabka oo lagu magacaabo TCG KINALIADA (F-514) oo lagu far-sameeyey dalka Turkiga, ayaa maanta soo gebo-gabeeyey booqashadiisa dalka Turkiga, waxaanu dib ugu laabanayaa hawlishiisa kormeerka badda iyo booqashada dalalka ay saaxiibbada yihiin, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Dalka Turkiye oo ah waddanka labaad ee ugu ciidamada badan Gaashaan-buurta NATO oo uu ka tirsan yahay, ayaa horaantii Sannadkan heshiis dhinaca iskaashiga Militariga la saxeexday Dowladda Soomaaliya oo ay soo food-saartay cabsi dhinaca ammaanka ah kaddib markii Somaliland iyo Ethiopia kala saxeexdeen heshiis is-faham oo Xukuumadda Addis Ababa fursad u siinaya saldhig ay Ciidamadeeda Baddu ka hawl-galaan oo ku yeela xeebaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net