Fariinta Wacyigelinta Degmo-doorosho Bedelka iyo u Adeegista Dadkii Kaadhadhku Ka Lumeen ee Is-diiwaangeliyey 2016

 

Fariinta Wacyigelinta Degmo-doorosho Bedelka iyo u Adeegista Dadkii Kaadhadhku Ka Lumeen ee Is-diiwaangeliyey 2016

Muwaaddin Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxa uu Bulshada ku war-gelinayaa in 15-ka bishan Febraayo 2021, 12 goobood oo Dalka oo dhan ah laga bilaabi doono degmo doorasho beddel loo samaynayo Dadkii sida rasmiga ah uga guurey deegaannadoodii hore ee ay iska diiwaangeliyeen 2016-kii.

Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka Qaranku waxa uu kugu wargelinayaa inuu u sameyn doono Kaadh-beddel loo samaynayo Dadkii ay ka lulmeen Kaadhadhka codbixinta doorashada ee ay qaateen 2016-kii.

Dadka Kaadh-beddelka iyo Degmo-doorasho Beddelka loo samaynayo kuma jiraan Dadka is-diiwaangeliyey 2020/2021/, balse waxay ku kooban yihiin Dadkii is-diiwaangeliyey 2016-kii.

Haddaba, si aad u fahanto, ugana bogoto Shuruudaha iyo qaabka loo marayo degmo-beddelka iyo kaadh-beddelka, kilig-garee linkskan hoose oo ka bogo xogta ogeysiiska oo daawasho ah:-