Burco: Ganacsade Soo Bandhigay Muhiimadda ay Soomaalida u leedahay Magaaladii uu ku Dhashay Oo Hanaqaaday

Burco (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirshiid Maxamed Sicidi Ducaale, ayaa Xog-warran Cabdisalaan Hereri la yeeshay ku soo bandhigay Qiimaha ay magaalada Burco ugu fadhido ganacsiga deegaannada Soomaalida maadaama oo Xarunta Gobolka Togdheer ku taallo Sayladda Xoolaha ee ugu weyn gobolka Geeska Afrika.

Cabdirashiid Ducaale wuxuu xog-warrankan kaga war-bixinayaa taabbo-galka Ganacsiga Shirkadda Dahabshiil oo Aabihii Maxamed Siciid ka bilaabay magaalada Burco 1970s, xilligii uu isagu ka hawl-galay Shirkadda, Geeddi-socodkii taabbo-galka Ganacsiga Dahabshiil iyo Adeegyada ay shirkaddu xilligan u hayso bulshada.