Taageerayaasha UCID ee GUULSAMEEYAYAASHA ahaa, Maxaa u Bannaan!

.

Xisbiga UCID halka xaalkiisu marayo, laba dhinac ayaan ka eegey. Waa mar ee “Xarafkii Alif Lagu Sixi Waayey, Waakaa AlBaqra Kaga Daba Yimi”. Hoggaanka xisbiga UCID mey yeelin taladu xiligii ay la taagneyd. Iminkana kii doonaa ha badiye, natiijadii la rabey marna soo bixi meyso.
.
Waa ta labaad ee, muddo ayaan maqlayey hadalada madaxda xisbiga UCID sida Feysal, Jamaal iyo Cali Gurey iyo kuwa kaleba, waxa an u fasirtey iney intooduba kala socoshadan door bidayaan isaga oo mid walbaa dan gooni ah ka leeyahay!!!
.
Aniga aragtideyda aniga uun igu kooban, Feysal iyo Jamaal xisbiga doorkan ayey uugu eegtahay oo midkoodna ma sii joogayo xisbiga doorashada kal danbe dabadeed. Mase hubo. Aniga oo weli rumeysan inu xisbiga UCID bilowgii ahaa xisbi labada xisbi ee kaleba ka harqad fiicnaa oo ahaa xisbi taageerayaal isku dhafan iyo dad badan oo niyadda ka jecel oo horumarka “progressive people” ah heysta, hadana jaceylkaa iyo taageeradaa kumuu guuleysan inu u bedelo cod uu ku hanan karo hoggaanka dalka.
Taasaa keentey inaanu xisbigu weli ka gudbin kaalintiisii saddexaad (No.3) markaa loo eego sida sadexda xisbi u kala taageerayaal badanyihiin.
.
Feysal xisbiga meel fiican ayuu soo gaadhsiiyey. Arimaha uu xisbiga ku soo badbaadiyeyna waxa ka mid ahaa isaga oo kolba meel aan laga fileyn wax ka eegayey. Waxa ka mid ahaa markii ay xisbiga isku qabsadeen isaga iyo Mudane Cirro oo laga baqey in xisbigu baaba’o, ayuu markiiba xulafo la galay Jamaal iyo colkii UDUB ka soo baxay. Taa lafteedu xirfad siyaasadeed oo wanaagsan ayey aheyd, oo waa muhiim in marka wax kaa hor yimaadaan inaanad daawan oonad sugin sida ay wax ku dhamaadaan, balse ay muhiim tahay inad hadba dhinac u rogto oo aanad sugin inta xisbigu kugu dumayo.
.
Jamaal Xisbiga waxa uu ku soo kordhiyey firfircooni iyo iney dad badan oo dhalinyaro iyo reer magaal u badani u arkaan in UCID yahay xisbi meteli kara danahooda. Waxa uu xisbiga UCID taageerayaal badan ku leeyahay qurbaha oo ay dad badani ka taageersanyihiin. Taageeradaasi iyo soo jiidashada shakhsiga Jamaal ku sameeyey dad badan, uuma muuqato iney soo kordhisey cod u dhigma oo xisbigu hoggaanka ku hanan karo. xagal daaca u weynina waxa uu ka yimid, iyada oo aanu xisbigu la iman isteraatejiyad soo jiidan karta qofka caadiga ee dalkeena jooga, kuwaasi oo ah kuwa uugu badan ee codka doorashada bixinaya.
.
Marka xaal halkaa marayo ee wakhtiga Feysal iyo Jamaal u hadhsanba yahay sannad iyo wax la mida, iyagiina ay u sii muuqato sida ay u eekaan doonto natiijada doorashada soo socotaa, waxa mid kastaa isku deyeyaa inu la yimaado dariiqa uugu faa’iidada badan ee u bannaan, amaba ka uugu niyad jabka yar ee uu sannadka u hadhey ku dhameysan karo.
.
Arintu ma taagna inu Feysal oo keli ihi xaalad abuurey, balse muddo dheer ayey socotey oo xisbiga hoggaankiisu marna jaanta islamey qabsan. Waxey u eekaayeen niman midna dhaanto ciyaarayo midna botor tumanayo iyaga oo hadana hal gole ciyaarta looga tumayo.

Cali Gurey waa Guddoomiye ku xigeen Xisbiga. Hadana waa shakhsi xisbiga si uuga madax banana oo fikirkiisa shakhsiga ah ku socda oo ku hadla. Jamaal hadalkii uu laba maalmood ka hor yidhi, Feysal waxba uumuu hanbeysan oo Muse Biixi iyo Ina Aw Siciid wax xunba kamuu odhan ee hoggaanka xisbiga UCID ayuu wax u dhimey iyada oo dad badani hadalka Jamaal u fasirteen inu u jeedey in Xisbiga Kulmiye uu Guddoomiyaha UCID u adeegsanayo burburinta xisbiga. Jamaal marka uu hadalkaa yidhi waxa uu isu diyaariyey iska hor imaad isaga Feysal ah oo xaalku yahay “Waxba Dhawran Meynee, Allow Dhagaxyo Soo Daadi”. Hadalka Jamaal kamey muuqan inu rajo ka leeyahay tartanka madaxweynaha, balse waxa ka muuqdey nin tilmaamaya fashilka xisbigu halka uu ka yimid ee taladii ka socon laadahay. Waxey u eegtahay iney Jamaal u muuqatey inaan arin halkaa ka sii socon Karin. Waxa kale oo uu Jamaal si dadban fariin uugu dirayey taageerayaashiisa oo uu lahaa saaxiibayaal anigu waan dedaalee, gudo iyo dibadba weerar ayaa igaga socda oo fashilka xisbiga yaan aniga hadhow la i saarin.
.
Feysal waxa uu iminka sheegay inaanu Jamaal musharxba aheyn. Hadalkaasi waxa uu muujinayaa inaanu isaga laftiisu cidii uu doono ha soo sharxee u muuqdo inaanu rajo ka qabin in xisbiga UCID hoggaanka dalka hanto. Waxase uu u muuqdaa nin raba inta uu xisbigu weli qiimaha sii leeyahay inu si kale wax u rogo ama wareejiyo oonu sugin inta uu ku dul burburayo.
.
Feysal taariikhda waxa uu ku geli doonaa, hoggaamiye khamaarka siyaasadda ku fiican oo khatar ku qaata inu maalinba meel cusub wax ka eego oo yaqaan sida looga boodo maraakiibtu marka ay degeyso.

Jamaal waxa uu dhameystey jaamacad cusub oo ka dhineyd oo ah nidaamka siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka la isku daro shahadaada cusub ee uu ku qaatey ee ah duruustii uu bartey 6 dii sanadood ee u danbeeyey loona geeyo shahaadadihii hore ee uu waxbarashada ku soo qaatey, waxa u furan fursad uu dalka wax badan ku biirin karo mustaqbalka.
.
Arinku iminka uu dhaafey maxaa Feysal laga yeelayaa iyo maxaa Jamaal laga yeelayaa. Labaduba waa laba nin oo Bidaar leh oo karfeedh isku heysta. Koodii karfeedhaa u hadhaa, timo uu ku feedho ma laha. Waxa isweydiintu tahay, waxa ay yeelayaan taageerayaasha xisbiga UCID. Qofna jaceyl uuguma jiro ama uuma taagero shakhsi ama xisbi. Qofku waa GUULSAMEEYE, waxaanu rabaa inu codkiisu guul keeno. Haddii taageeraha ay u muuqato inaanu codkiisu guul keeneyn, dugsan maayo talo uu arko iney burbur soo waddo.
.
Maxaa markaa u banana taagerayaasha UCID? La SOCO