Xirsiyow Waxba Haysku Qaadin Wadooyinka – W/Q: Xuseen X. Badmaax

Xirsiyow waxba haysku qaadin wadooyinka shacabka jeebkood iyo xoogooda ku hagaajisanayaane hoos u dhaadhac oo ka hadal afduubka aad ku samaysay go’aankii shacabku ku dhawaaqay 18 May 1991.Xageed ku tuurtay gooni isu taagii iyo madaxbanaanidii Jamuuriyada Somaliland.

Codkii dheeraa ee aad ku hiiraabaysay intaad tv-yada soo fadhiisatay maxaa hoos u dhigay,sawtaad si taxane ah ugu celcelinayseen guul ayaanu ka soo hoynay shirkii Turkiga,sawtaad ku hadaaqaysay hawada labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland waxa laga wada maamuli doonaa xafiis laga furi doono Hargeysa.Taasi saw may ahayn( waxa aanu aqbalay inaynu nahay gobol ka mid ah Somaliya.)Ogow arrinkaasi inuu ka mid yahay dhawr jeer oo aad ku fashilantay ka mid noqoshada midnimada Somaliya.Ogow haduu soo dhacayo inaanu shacabkani ka laabanayn go’aankooda,jiritaanka madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na tahay lama taabtaan.

Haa oo waa kaa cadeeyay wasiirka hawada ee Somaliya,isagaa toos u cadeeyay Federaalkaad aas-aasayseen sidii saalo sakaaro,ilayn dadka waxaad u haysataan inay sida dawlada aad ka tirsantahay dhukkan-yihiine.Xirsiyow waxba haku meeraysan siyaasiyiin ruug cadaaya caydooda ee ka hadal dhibaatooyinkan ay gadh-wadeenka ka tahay dawlada aad ka tirsantahay ee uu hogaanka ka yahay adeerkaa madaxweyne Axmed-siiraanyo ee dalka ku habsaday.Waa maxay geed ismarisku,maxaad uga hadli wayday 16ka qodob ee ay soo jeediyeen siyaasiyiintii dalka ugu cuslayd.Ma waxay kugu noqdeen sun aad liqi kari wayday,arrin ma waxa aad ka taqaanaa gacanta wax halagaga qabto.Waar hooy joog dalkani ma qaadi karo banaanbaxyo ooda goosta eh,ma qaadi karo shacabkani jaran-jarooyin waa hore laga soo gudbaye.Xirsiyow wanka wayni wax ma arko ilaa la gawraco.

Umaan haysan beel dhami inay cayda isku raacdo,waxan se bartay Xirsiyow degaanka aad ka soo jeedaa inay ka siman-yihiin.Ka darane inta cayda tv-yada la soo fadhiisatay waa wada masuul qaran! Uff baa lagu yidhi waxa laga hayaa madaxweyne Axmed-siiraanyo,Khaainul wadan ayaad tahay adigaa lagaa hayaa,waa basaas faarax(MP) ayaa laga hayaa.Waxaad se marti u tahay geedka ugu da’da weyn dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo caydiinu waa hal bacaad lagu lisay.

Hal ma ku idhaa Xirsiyow hadaad dhego leedahay,waa la waayay nin rag ahi walaal wax uu ku dhaamo ee cagta maad u dhigi.Hayskuna toosin shacabkan harraadan 22ka sanno e.

Waxa aan ku soo afjarayaa:

allahayow yaa yidhaa nalama daaree dooji reera
dulmi iyo wiil nagu durduriya horaanu u diidnee jooji daan-daansiga
dagaal mooyee ma naqaan darajooyinka nololeede
ma doonyaad ku rari daarahan dhaadheer.

Yarkan intuu dihday yidhi anigaa dalka xukuma
Yarkan doobyay ee yidhi duco anigay dabar iigu xidhantay
ma dooxii burcuu u haystaa dawladnimada

Xuseen Xasan Badmaax
Hargaysa/JSL