Xildhibaan Xariirow Goormaa la Guurayaa? Yaa se bixinaya kharashka Geediga Beesha? Mise Guurtidaa…!?

Cali Duul-duul

Cali Ismaaciil Carab (Duulduul)  4414633

Cali Duul-duul

Sida aan u malaynayo in qaar badan oo ka mid ah akhristayaashu la socdeen, waxa ku soo baxda ama ay baahiyeen, qaar ka mid ah wargeysyada iyo Telefishanada madaxa banaan ee dalku qoraal iyo arrimo uu ku andoocoonayay Xildhibaan: Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada. Xildhibaanku waxa uu warbaahinta ka sheegay baaq uu u jeedinayo beeshiisa oo lagu magacaabo, “Suulal-Madow oo ka mid ah beelaha Habar jeclo.”

Inay ka urursadaan wixii dhiil iyo dhac ka yaala gobolka Saraar, oo ay guraan gobolka la dariska ah ee Buuhoodle, hadalkaa xildhibaanka oo uu ku jiray awaamiir uu hay’addaha dawlada ee qaabilsan cashuuraha bariga ugu sheegayo inay jiwanada cashuurta ee beeshaas laga qaadayo ay waafajiyaan, kuwa gobolka Buuhoodle, halkaas oo ah meesha uu sheegay in beeshu u hayaamayso. Xildhibaanka ayaa geedi galinta beesha ku sababeeyay, tixgalin la’aan uu sheegay inay kaga timid dawlada dhexe, oo uu tilmaamay inay ku gacmo saydhay CV-yo iyo dalab shaqo qoris ah oo uu ka gudbiyay dad ka tirsan beeshiisa oo uu doonayay in la shaqaalaysiiyo.

Xildhibaanku waxa uu u sibir saaray, amarkaa deg deg ah ee ka soo baxay isaga, markii sida uu ku dooday uu ka war helay xogo, lagu kalsoonyahay oo cadaynaya in labada Masuul ee Wasiirka Duulista Hawada iyo Maareeyaha Wakaalada Madbacada qaranku xafiisyadaa ku wargaliyeen in wixii ku saabsan gobolka Saraar iyaga oo kaliya wax laga waydiin karo. Haddaba waxaan xildhibaanka xasuusin lahaa in gobolka Buuhoodle yahay gobolkayagi oo aanaan wax cuqdad ah ka qabin dagistiisa iyo ku noolaanshihiisa, oo walaalahayo iyo dad aanu wada dhalanay ay joogaan, sidoo kale gobolka Saraar ee uu ka guura na yidhi, ayaa isna ah gobolkayagii oo dhibaato iyo xumaan midna aanaan kala kulmin intaanu ku uumanayn.

Hasa yeeshee waxaan xildhibaanka waydiin laahaa oo aan uga baahanahay inuu naga shaafiyo, haddii guuristani tahay kama danbays, yaa soo saaray amarka lagu guurayo? Goormaa ugu danbaysa ee guuristu ku eg-tahay? Kharashka iyo hawsha ku baxaysa ayaa bixinaysa? Cidii dib uga dhacda ama xiliga loo qabtay ku guuri waydaa maxay mudanaysaa? Hantidii ma guurtada ahayd ee beesha maxaa loogu talinayaa? Ma loo diyaariyay dadku marka ay guuraan halkii ay degi lahaayeen? Gobolka Buuhoodle miyaa lagala soo xaajooday inay dad intaa leeg qaadi karayaan oo loo diyaariyay, kaabayaashii aasaasiga ahaa ee noloshu?

Dadka guuraya waxaa lagu yaqaanay inay hoos u guuraan, hasa yeeshee dadkan sidii Falaashihii Itoobiya laga qaadi jiray amarka lagu bixiyay, Yaa Jacfar Numayri ka noqonaya oo u fududaynaya inay guuraan? Gobolka laga guurayo ma lagala hadlay sida dadkani u guurayaan? Miyaa lagu wargaliyay xukuumadda, Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada iyo guddoomiyaha gobolka? Golaha wakiiladda ee uu ka tirsan yahay miyuu ansixinayaan, mise Guurtidaa joogta oo haddii muddo kordhin loo baahdo u samaynaysa? Miyaanay ahayn in xildhibaanku warsaxaafadeed ka soo saaro, oo uu ku cadeeyo astaamihii war-muurtiyeedyada ee ay ka midka ahaayeen.

 “Ku: socota: beesha Guuraysa, Og: cuqaasha, salaadiinta, aqoon-yanada iyo waxgaradka beelaha Somaliland. Og: Madaxweynaha, wasiirka duulista iyo Maareeyaha madbacada qaranka, Ujeedo:Ka guuris beeleed ee Gobolka Saraar iyo u hayaamida gobolka Buuhoodle. Aanay ahayn inuu soo saaro xildhibaanku? Su’aalahan iyo qaar kaloo badan waxa looga fadhiyaa inuu xildhibaanku faah faahin ka siiyo Beeshiisa iyo umadda inteeda kale, si meesha looga saaro dareenada ku xeeran.