Waxa I soo jiitay Qaabka ay Doodda u Qaybinaysay

 

Waxan jeclaystay sida farshaxanimada iyo cod karnimada leh ee ay u daadahaynaysay, marnaba kamaan xiisa goyn dhagahayguna way sii jeclaysanaayeen marba marka ka dambaysa.

Inkasta oo ay doodu ahayd mid xaasaasi ah, hadana waxaa xiisa gaar ah u sii yeelayay habka uu wariyuhu u daadihinaayay dooda, haddii ay tahay qaab su’aaleedka, cod karnimada, dhexdhexaadinta, iyo waydiimaha ay afkooda kala baxaysay ka qaybgalayaasha dooda.

Hadaba waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u helay dhagaysiga doodan oo ka baxaysay idaacada VOA-da qaybteeda afka Soomaaliga gaar ahaan barnaamijka falanqayta todobaadka Jimcihii Shalay,taasi oo ku saabsanayd khilaafka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye. Doodan

 

oo ay isku arkeen xubno fikirka siyaasadeed aad ugu kala tagsan sida Xuseen Axmed Caydiid oo ah Wasiirkii hore ee Cadaalada, Jaamac Shabeel oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo Maxamed Xaaji Maxamuud oo ah nin aqoon yahan ah ayaa waxa daadihinaysay Weriye Sahra Ciidle Nuur oo ka tirsan Weriyayaasha VOA-da oo runtii soo bandhigtay Kartida, hibada iyo cod karnimada uu ILAAHAY u siiyay daadi-hinta doodaha noocan oo kale ah oo noqonaysa mid runtii aad u meeqaam saraysa marka la barbar dhigo doodaha ay daadihiyaan Weriyayaasha dhalinyarada ah ama dhigeeda ah ee aynu ka dhagaysano ama ka daawano Wakaaladaha wararka ee ku baxa Af-ka Soomaaliga sida idaacadaha iyo Telefiishanada.

Qalinkii Cabdinaasir Xasan Diiriye

Email: Sahaf001@gmail.com