Wasiirka Duulista iyo Hawada; Adeer Fashil Ayaad Taagantahaye Iska Casil Xilka! – W/Q: Jaamac C/Laahi Biime

Waxaan Marka Salaamaya Dhamaan Ummada Reer Somaliland ee Ku Kala Dabaal Degaysay Aduunka Dacaladiisa Maalinti 18 MAY Waxaanan halkan ka Salaamaya Dhamaan Saxaafada Somaliland oo Dedaal aan yarayn uu Wada Dadkeeda.

Maanta oo aan jeclayn inaan Qalinka uu Qaata Arrimaha Ka socda Somaliland, ayaan Iska Hayn Kari waayay Wax Caqliga Ummada Reer Togdheer Ka Dhaadhici waayay, Iyado Horta Xukummada Somaliland ay Dhamaan Cadeysay Inay Dalka Somaliland Horumar ka Wado, Iyado aan Indhaheena Maalinba Maalinta Ka Dmabeyso Arkeyno Mashruucyo aan La Tirin Karin oo Xadhiga Laga Jarayo, ayy Xukummada uu Hogaaminayo Md Axmed Silaanyo Hirgelisay, ayaad Haddana Mooda Wasiiro Ka Tirsani Xukummadiisa aany Khibradaas Horumarinta La Wadaagin.

Waxa Maalinti 18 May ee Burco, iyado Habeenki Xaflad Halkaas Loo sameeyay Wasiirada Kaga Jira Xukummada Somaliland oo Halkaas ay ka soo Qayb Galeen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Duulista iyo Hawada, wasiirka Xnaanada Xoolaha iyo Masuuliyin aad uu Badani oo Ka Tirsan Xukummada iyo weliba Salaadin iyo Cuqaal badan oo reer Burco ahi, waxaana Halkaas Ka Madhnayn Maamulka Gobolka Togdheer, Dowlada Hoose ee Burco iyo Dhamaan Dadweyne aad uu Badan.

Haddaba Iyada Jilbaha La isko aasay oo Suaalo Badan laga Rabay Inay ka Jawaaban Wasiiradana Ka soo Jeeda Burco, waxa Horumarka Ka socda Somaliland Loogu Diiday Gobolada Bariga Somaliland sida Togdheer, Sanaag iyo Sool, ayaad Mooda inay Wasiiradi halkaasi Ku sugna Midna si Caqli Gal ah uga Jawaabi waayen..

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Md Maxamoud Xaashi Cabdi aya Isna Halkaas Laga sugayay Ino reer togdheer uga Jawaaabo waxo La Damacsanyahay Airportka Magaalada ee ay Sahqadiisi Tahay ino Dayac Tiro Funding’na uu Doono  sido uu Hirgelin laha, aanay Bulshada reer Togdheer uu istcimaalin Kari lahaayen.

Haddaba Wasiirka aya Ugu Jawaabay reer Burco wax aan Caruur 3 Jir Caqligiisa Geli Karayn Taas oo ah, Reer Burcoy, Airportka Magaalada Burco Idinka ayo inii Xidhanyahay, waxu sheegay Haddi La Dhisayo ay Ku Baxeyso Lacag Gaadheysa 500.000 Dollar, Taas oo ah Runti mid aan Kabi Karayn Taarka Lagu Wareejinayo oo keliya, waxaano Sheegay Maxamoud Xaashi Qurbo Joogiina iyo Ganacsatada reer Burco ha Iska Kaashadeen Intaas yar oo si La Inoogu Dhisi, Taas Salaadiinti iyo Odayaashi reer Burco Yaaab Ku Noqotay:

Wasiirkani waa Ninki Ku Bixiyay Magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera in Laga Dhiso Airportska Ku Kacaya 10 Millyan oo Dollarka Mareykanka, Lacgtaasi oo ay Bixisay Dalka Kuwait,  Lacagtaas oo Loogu Talo Galay in Loo Qaybiyo 6 Gobol ee Somaliland Iyado Gobolkiiba Laga Dhisi Kari Laha Airport Ku Kacayso 1 Millyan oo Dollar halka Caasimada ay Ku Kici Lahayd 4 Milyan oo Dolar, Laakin Caqligiiso waa siin waayay, oo Labadaas Magaalo oo keliya ayo uu Qaybiiyay oo aad Moodo iinay Somaliland Tahayba..

Wasiirka aya isna Ugu Hanjabay Guryaha Laga dhistay Agagaarka Airportka inay ka Dumin Doonan dadkaas Marka La Bilaabayo Airportka yare Caanteynka ah ee ay Ku Baxeyso 500kun oo dollar oo weliba laga soo Uruurinayo Jeebka Ummada Reer Burco.

Wasiir Maxamoud Xaashow Dalka Cadaalad Kuma Maamuleysid, Waxna Cadaalad Kuma Qaybinaysid, Haayadaha waxi kuugu soo Dhiiban Sommaliland waxaad iskaga Dhaadhicia Reer Hargeisa, Kaama Yaalayno hadaan Nahay Reer Burco inaad Dadkyaga Qadisid, waxaan Kuugu Baaqeyna Inaad Iska Casishid Xilka aad Gudan Kari weyday ee aad uu haysid Xukummada Somaliland ee uu Hogaaminayo Md Axmdd Silaaanyo.

Wa Billaahi Towfiiq

Jaamac C/Laahi Biime

London