Waddada Ceerigaabo: Balanqaadkii M/weynaha + Ansixintii Miisaaniyada Iyo Kala Qaybsanaantii Mudanayaashii Reer Sanaag – By Liban Mawel Shire

“Wixii aanu wadada ceergaabo dibada ugu keeni karno waanu ku dedaaleynaa, balse waxaaan idiin balan qaadayaa in miisaaniyadayada sanadka 2012ka aanu  ku xuno wadada ceergaabo” ….Sidaa waxa yidhi m/waynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo socdaalkiisii u dambeeyey ee uu ku tago gobolka sanaag, isagoo dadwayne aad u tiro badan fagaaraha beerta nuura ee magaalada ceergaabo kala hadlaya horaantii sanadkan.
Marka balanqaadka m/waynaha laga yimaado bulshada reer sanaag waxay in dhaweydba dhawrayeen qadarka lacageed ee ugu jirta miisaaniyada qaranka, balse waxay taasi cadaatay manta markii shirgudoonka golaha wakiiladu iyo koox mudanayaal ahi ay si jujuub ah isla markaan aan la isu joojinayn lagu afduubay ansixintii miisaaniyada qaranka.
Ma xuma in la ansixiyo miisaaniyada qaran waliba iyadoo ay mudo dhaaftay waqtiga ay golaha hortaalo, takale golaha wakiiladu isagaa awood u leh ansixinta, diidmada iyo wax ka bedelka miisaaniyada qaranka sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland.
Curinta miisaaniyada qqaranka waxa awoodeeda leh wasaarada maaliyada ka dibna waxa wasaaradu hokeenaysaa golaha wasiirada awooda ansixinta koowaad iska leh ta labaadna golaha wakiilada.
Hadaba hadaan halkaa dul istaago m/waynahe qaran wixii afkiisa ka soo baxa ee balanqaad ah  waa digreeto sidaa awgeed wasaarada maaliyadu
balan qaadyo hore oo m/wayne axmed siilaanyo umadiisa u balanqaaday waa lagu xusay miisaaniyadaha qaranka.
Hase yesshee laba arimoodba waan diiday waxaanan u arkay mid m/weynaha iyo qaybo ka mida bulshadiisii sida reer sanaag la isaga horkeenayo:- ta hore wasaaradii maaliyada ee aan miisaaniyadii qaranka ee sanadkan 2012la li xisom ba;amqaadloo ,/waynaha ee reer sanaag, kaas oo ku yimi codsigii beelaha reer sanaag. Iyo balanqaadyo dhawr ah oo m/wayne axmed siilaanyo uu wadadaa si u balanqaaday shacbiga reer sanaag waqtigii halgenka isbedel doonka lagu jiray oo dhawr jeer m/waynuhu socdaalo ku tagay gobolka sanaag, isagoo xiligaa ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye. Talabaad waqtigii miisaaniayda qaranka ee sanadkan 2012 ka goloaha wasiiradu ansixinayey oo m/wayne axmed siilaanyo safar dalka dibadiisa ugu maqnaa isla markaana waxa shirkaasi golaha wasiirada ee lagu ansixiyey msiisaniyadan gudoominayey m/wayne ku xigeenka Somaliland mudane c/raxmaan c/lahi ismaaciil(saylici) waana ka diiday m/wayne ku xigeenka iyo golihii wasiirada ee ansixiyey miisaaniyada kuwaasoo ka ilduufay balanqaadkii dhexmaray m/waynaha iyo shacbiga reer sanaag.
Guntii iyo gabagabadii way dhacday il duufka wasaarada maaliyadu, way dhacday il duufka golaha wasiiradu, way dhacday badheedhka mudanayaasha golaha wakiiladu, balse waxaan liqi kari la’ahay mudanayashii golaha wakiilada ee ka soo baxay gobolka sanaag oo mawqif midaysan ka yeelan kari waayey sidii miisaaniyada qaranka loogu dari lahaa wadadaasi ceergaabo, isla markaana iyagoo midaysan ay golha ugu dalban lahaayeen in miisaaniyada wax loogu daro wadada ceergaabo sababtoo ah goluhu awood buu u leeyahay waxa ku darista miisaaniyada qaranka.
Marka laga yimaado mudanayaasha kale ee laga soo doortay goboloada kale ee dalka balse xildhibaanadii ka soo baxay gobolka sanaag. Waxa fadhigaa goloaha joogay toban mudane oo ka soo kala baxay sadexda xisbi ugu dambayn hadaynu eegno siday u kala codeeyaan.
A.  magacyada mudanayaasha ansixiyay miisaaniyada ee ka hor yimi wadada ceergaabo:-
1. C/Raxmaan Yuusuf Cartan
2. Ibraahim Carale Ruush
3. Maxamed Cismaan Bulqaas
4. C/Raxmaan Maxamed Talyanle
5. Cali Bare
B. Magacyada Mudanayasha Golaha Dibada Uga Baxay Iyagoo Ka Biyo Diidsan Markii Wadada Ceergaabo Laga Reebay.
1. Ibraahim Jaamac Cali Rayte
2. Saleebaan Bukhaari
3. C/Qaadir Jaamac Xaamud
4. Baar Siciid Iyo Xildhibaan Maxamed Saalax Jibriil Oo Isagu Si Toos Ah U Diiday Ansixinta miisaanyada isagoon fadhiga dibada uga bixin, kaasoo ka biyo diiday markii wadada ceerigaabo laga reebay miisaaniyada qaranka ee sanadkan 2012ka.
Maqaalkaygani wuxuu si toosa ula hadlayaa shacbiga reer sanaag oo aan u sheegayo in aan iyaga iyo m/waynahooda aan la isku dhufan, eedaha arinkaasina waxan dusha ka saarayaa mudanayaashii la soo doortay gobolka sanaag oo mawqif la’aani ka dhex jirto.