Aniga oo ku hadlaaya Magacayga Rashid Garuf, ka xaaskayga Sakin Ali Mire iyo dhamaan magaca reer Cabsiiye iyo magaca reer Ali Mire:
Waxa aanu halkan tacsi uga dirayaa dhamaan Ehelkii,Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay
joogaan gude iyo dibadba; ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ku geeriyooday maanta Hargeysa.
Marxuum Axmed Maxamed Aadan waxa aanu illaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii Janno ka waraabiyo; Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii,
iyo dhamaan shicibka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin.
Rashid Garuf
Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC