Intaas ka dib Farxiya oo ay nambaradu iskugu hagaageen ilawdayna in ay nasiib iyo qadarka Alle oo sidaas uu dhacay ku tagtay yurub ayay waxa ay la soo hadashay saaxibadeed Aasiya una sheegtay in ay joogto Sweden, lana qaabilay iminka lana siiyay guri aad uu wayn, xoogaa lacag ah oo ay ku noolaato kuna nooshahay nolol fiican. Aasiya markii ay maqashay weedhaha saaxibadeed ayaa waxa galay hami iyo tabaabusho.
Iyada(Aasiya) oo markasta ogayd xaalada ay reerkoodu ku sugan yahay, ayaa mar shaydaanka iska naarta marna waxa ay dib uu xasuusataa nolosha qoyskooda, iyadoo nafta ku habaysa heesta caanka ah ee uu qaado Hobolka Cabdinaasir Macalin Caydiid ee midhaheedu ka mid yahiin:
Dahab adan lahayn kutiraa
daldalo dahabadan lahayn
kutiraaa daldalo
Haka dayrin weligaa
Noloshaaa laderistahay
Ha udoodin abidkaa
Tu kaloo kudayashaa
Taa waxaa daliil u ah
oo Nooga digi kara
xadiith baa kusoo degay
Marun laysma garab dego
dad ma wada sinaan karo
Adduun waa isdaba maal
isdaba maaaaaaaaal
Waxa ku cadaatay tallo adduun waxa ay garanwayday meel ay wax ka bilowdo. Waxa ay la daristay warwar walaac iyo walbahaaar aan kala joogsi lahayn, taas oo gayisiisay mar marka qaarkood in ay faraha iskula hadasho waxa uu dumay habeenkii iyada oo soo dhaaftay malin aad uga duwan maalmahii caadiga ahaa.
Aasiya iyadu waa ay ka duwanayd jawiga ay ku jireen reerka intiisa kale, waxa ay kusugnayd xaalad ah (ma maqanahay ma jooga ma miyir kacay ma nagi yahay.), iyada oo dareenkeedu u sii jidayay saaxibadeed Farax ,waxa ay gashay hami aan kala go`o lahayn waxa ay sawiratay iyada oo gashay yurub badashayna nolosha qoyskooda .
muddo waxa ay ka meer meertaba maalintii danbe waxa ay go’aansatay in ay dhaqaajiso ,laakin waxa xanimaya duruufaha dhaqaale.waxase ka go’an in ay baxdo. Maalin maalmaaha ka mid ah waxa ay suuqa sariibada Burco isku arkeen labo hablood oo ay mid ka mid ah ay aad uu saaxibo yahiin mida kalena ay is waji yaqaan ahayeen .salaan iyo is qacan qaad ka dib waxa bilabantay waraysi dhinacyo badan tabanaya,waxaana ay isku afgarteen in ay is racaan ila iyo xafadahahoodi oo ku yalay xafada Qasabka.
Sidii sheekada loo waday ayaa waxa ay dhexgaleen Tahriibta iyo dhalinyarta Burco, muddo markii la faaqidayay ayaaa waxa la soo gaadhay xafadahii waxaana lagu balamay guriga Aasiya, maadaama uu ka yara cidla ama ka dad yar yahay guryaha labada kale, waxa laysku yimi 4:30 galabnimo. Waxaana dhex martay dood yar oo ku saabsan arimaah Tahriibta.
Aasiya ayaa tidhi “Nolosha wakhtigan waa ay adag tahay waxa kaliya oo nolol wanaagsan ku noolaan kara qofka Yurub loo joogo ee dollar ku socdo!”.
Saaxiibadeed Aamina ayaa iyaduna si lama filaan aha ugu soo jeesatay “Haa Aasiya, waa runtaa, cawiyo ayaan badanaa qof waa hore iskaga tagay qaaradan madow ee bilaa mustaqbalka ah(Africa)…..”
Caasha oo iyaduna sheekada sheeda kala socota ayaa ku tiraabtay “Maanta ayuunbaad macno ka hadasheen. sideedaba dunida sadexaad waxa joogi kara nin rasamaal ku haysta” waxa ay wax ka taab taab teen mushkilado yar oo markaa uu muuqanayay, sheekadoodana waxa ka muuqatay xooga xamaasad ah iyo qiiro u hilaw dhul shisheeye taas oo dhaxalsiisay in ay ka kolayaystaan dhulkooda hooyo. ugu danbayntii waxa ay ku heshiiyeen in ay Safar dheer kuwada rafiiqaan.
Waxkasta markii la qaadaa dhigay ayay Aasiya u sheegaysaa in hadii ay ka hadho ay reebeen duruufo dhaqaale,laakiin ay niyada kala socoto, ayna ka go’an tahay inaanay ka hadhin saaxiibadaheed . waxa ay u dul xaadhaysaa nolsoha iyo waayaha qoyskeeda oo wax hayntooda dhaqaale hoosaysay.
Aamina oo iyadu ka soo jeeda qoys ladan ayaa markiiba soo booday oo niyada ugu dajisay erayo kalsooni buuxda siiyay Aasiya, isla markaana uu damaanad qadaya arimaha ku noqday uur ku talada .waxaana ay uu balan qaaday in ay naf iyo maalba qaybsadaan oo ay ahadaan ul iyo diirkeed , far iyo faraati “ Haday midigtu kali tahay tahar kuma goyseen tisna kuma qadeen gacmo taakulayn bay tamar ku yeeshaan” . Inta ay ku jiraan dariiqa rajada ee ay hatan cagta sareen .
Caasha ayaa iyaduna aad ugu farxaday weedhaha ka soo yeedhay saaxibadeed ,iyada oo si muxubo ku jirto ku tidhi “saaxiibey waan ka filayay sidaas.”
Si kasta oo xalku ahaadaba waxa la so gadhay wakhtigii ay ka soo hayaami lahayeen hoygii ay ku dhasheen kuna barbareen , saacadu waa 8:15 subax khamiis ah tarikhduna ku suntan tahay 10/8/2006.
Waxa layskugu yimi istaanka Hargaysa iyada oo mid waliba gaarkeeda usoo qalab uruursatay salaan iyo is qacan qaad qaatay muddo 5 daqiiqo ah.isla markiiba waxa ay heleen gaadhi diyaar ah oo u sii jeeda xagaas iyo haragysa goor sheegtu waxa ay sheegaysaa 12 duhurnimo ayaa waxa la soo gadhay casimada haragaysa waxa ay isla qateen in ay arbeeko cawa seexdaan subaxana ka jarmadaan si ay uu beegsadaan baaburta hore ee kalahaada ,waxa ay raceen baaburtii wajaale isla markiiba waxa ay ku warageen gadhigii jig jiga u baxayay markii ay marayeen kantaroolka jig jiga ayaa nin itoobiyaan ahi ku yidhi “soos sawnaa fatashu” oo macne ahaan ah baadha sadexda hablood, ku darsoo hablahu ma yaqanaan afka xabashida . Oday aad moodo in uu yahay tarafig, ayaa ku yidhi “waxa uu idin ku yidhi isbaadha” Markaas bay dareemeen in ay so galeen wadan ajanib ah .
Intaas ka dib waxa ay uu soo ambabaxeen xagaas iyo Adis-ababa casimada carriga xabashida waxa ay raceen bas ay sarnayeen 27 rakaab ah oo badankoodu ahaa Somali iyo Itobiyaan, badanaa basaska Itoobiyaanka waxa lagu maweeliyaa heeso iskugu jira Somali iyo Itobiyaan, si aanay uu dareemin dhibaatada safarka. waxa uu dareewalkii ku tuuray hees Itoobiyaan inkasta oo aanay iyagu fahmaynin macnaha heesta rakaabkii kale ee saarna way la haysteen heesta waxa ayna ruxayeen madaxa. Aasiya iyo saaxibadaheed oo is leh mar uun muu idiin saaro hees Soomali ah, ayaa waxa si kadis ah uu soo gashay hees Soomali ah oo ku luuqeeyo Axmed Mooge Liibaan. Erayada heesta waxa ka mid ahaa:
Taariikhda dunidaa iyadoo is daba taal ninba meel ku tuurtee
Aniguna tusmaysto qayrkay halkuu tagay uu tabaabushaystee
I taageer alahayow arintaydan kala taal adaa toosin karaye
Heestaas oo samayn badan ku yeelatay oo aad moodo in ay si gaar ah uu tabanayso iyaga ayaa hadana waxa soo gashay hees jacayl ah oo ay ku luuqayso Kinisi Xaaji Aadan IHUN.
Xareeda laguma wacnaadoo
Abaartana lama xumaadoo
Aduun xumba maaha gudhayee
Haduu kuu xeel Furnaadoo
Xogtiisana ruux ku siiyoo
Xussuusta lagama gooyee
Xagaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin
Adiis-ababa waxa ay galayaan waagu marka uu dillaaco ee nin iyo geed la kala garto amaba eedaanka diiga. Aasiya iyo Saxiibadeheed waxay ku dageen huteelka la yidhahado Jaamac-Jiis ee ku yala xafada Bolli-Meykil, Adiis-Ababa .
Lasoco Qaybaha Dambe Ee Sheekada TABAABUSHAHII SAFARKEYGIYO IYO TIIRAANYADII KA DANBEYSAY
qoraha sheekada Ismail Hussein Ali
Khartoum – Sudan
tell 00249921268887
email inaxabeeb@hotmail.com