Taariikh Nololeedkii Allaha u Naxariistee Dr. Cumar Cismaan Raabe – W/Q: Cumar Rooble Cidheere

Dr. Cumar Cusmaan Raabe waxa uu ku dhashay Djibouti sannadkii markuu ahaa 1946kii, isaga oo aad u dhallinyar ah ku biiray halgankii gobanimo-doonka Djibouti, waxanu si adag uga hor yimid maamulkii gumeystaha Faransiiska ee Djibouti. Xarakaadkiisii gobanimo-doonka waxa aad u dhibsaday Cali Caarif Burhaan oo ahaa Guddoomiyaha Golaha xukuumadda Djibouti ee 1960kii – 1977kii, kadib weerar fashilmay oo lala beegsaday Cali Caarif, Cumar Cismaan Raabe oo 1966kii labaatan jir ah, ayaa la xidhay isaga oo lagu eedeeyey in isku daygaa dilka ka dambeeyey waxaana lagu xakumay dil. Ka dib markii loo dacwooday waxaa laga baajay dilkii oo loogu bedelay xabsi daa’in waxaana loo taxaabay xabsi ku yaala France.

raabe

Markii uu siddeed (8) sanadood ku xidhnaa France, waxa lagu furtay safiirkii faransiiska u fadhiyey Muqdisho oo ay af-duubeen dagaal yahaniintii FLCS oo ahayd Jabhadda Xoreynta Xeebta Somaliyeed. Markii la soo sii daayey wuxuu ku soo biiray FLCS wuxuuna doorkii ugu weynaa ka qaatay geeddi socodka halgankii keenay xorriyadda Djibouti ee ay waday jabhaddii FLCS.

Bishii April, 1977kii waxa Paris ka dhacay shirkii dawladda Faransiisku ay ku aqbalashay gobanimada Djibouti waxaana miskii wada xajoodka laga reebay FLCS oo ahayd jabhaddii faransiiska ku kaliftay in uu deg deg u bixiyo xorriyadda. Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo ay ahayd in uu FLCS uga qaybgalo miiska wada xaajoodka waxaa loo taxaabay xabsiga Muqdisho si loo suurto geliyo qorshaha dawlad ka kooban Cafar iyo Ciise ee la rabay in Djibouti laga hirgeliyo waxaana la soo sii daayey sannad ka dib markii nidaamkii la rabay ka hir galay Jamhuuriyadii cusbayd ee Djibouti.

1978kii Dr. Cumar Cusmaan Raabe iyo Axmed Diini waxay gilgileen xukuumaddii Xasan Guleed, kadib markii ay damceen in ay xusbi mucaarad ah furtaan, tallaabadaas oo keentay in labadoodaba la xidho, Dr. Cumar si sharci darro looga qaado warqadihiisii muwaadinnimo ka dibna laga masaafuriyo dalka, masaafuriskaas oo markii hore geeyey dalka France ka dibna Kanada (Canada) oo uu ka furay dugsi diinta islaamka lagu barto oo la magac baxay Dugsiga Ibnu Batuuta ee Ottawa.

Wuxuu ahaa nin aad u taabacsan una difaaca midnimada ummadda somaliyeed, taasoo uu cadaawad fara badan ku mutaystay wuxuuna wax ka qoray arrimaha siyaasadda Geeska Afrika gaar ahaan kuwa Djibouti, Ethiopia iyo Somaliya. Buugta uu qoray waxaa ka mid ah buugga caanka ah ee la yidhaahdo Le cercle et l’aspiral oo uu kaga hadlayo taariikh nololeedkiisi iyo isbeddeladii siyaasadeed ee ka dhacay Geeska Afrika iyo adduunka carruurnimadiisii ilaa xilligii uu buuga qoray oo ahayd 1980kii.

Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo ah halyey ka baxay ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ifka kaga tegay xaaskiisa Zeynab Maxamuud Wacays, hal wiil (Libaan) iyo saddex gabdhood (Idil, Ayaan iyo Kaaha). Cumar Cusmaan raabe allaha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday Qaarhira Arbacadii, 17kii April, 2013 isaga oo ah la taliyaha Madaxweynaha Djibouti iyo Agaasimaga guud ee Macadka CERD.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

W.Q: Cumar Rooble Cidheere