Dhammaan waxaan salaamaya suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa banaan , iyo siddoo kale dhammaan ummadda soomaliyeed ee sharafta iyo karaamada iga mudan.
Qoraalkani wuxu hollanaya inuu Ka sakow nabadda iyo xasilloonida ka jirta geyiga Somaliland , tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland , 1991kii ayaa waxa magaalooyinka Somaliland oo idil laga tabeya baahiyaadka nolosha aasaasiga ah oo kamid tahay ; fursadaha shaqo abbuur , kobcinta dhaqaalaha , kor uqaadida heerka nolosha dadka danyarta ah , iyo sidoo kale baahi baaxad weyn leh oo loo qabo in maamul caddaalad ku dhisan la gaadhsiiyo deegaanada Somaliland. middaas oo ah arrin tobal- caaro ku noqotay shacbi-weynaha Somaliland .
daaha ka qaado siddii dadweynaha soomaliland ku dhaqan aan uga dhaadhicin lahaa in waxqabdka , horumarka , waxbarashada , iyo caafimaadku ay yihiin kaabayasha bulshada markastana mudnaanta koowaad la siiyo. Waana waajib dusha ka saaran hadba maamulka loo doorto meeshas , laakiin taas bilcagsigeeda tan iyo markii Soomaaliland dhidibada loo taagay waxa bedeshay in dhammaan dadkii oo dhan lagu mashquuliyo doorashooyin iyo diiwaan gelin joogta ah oo ay ku baxaan sannad kasta malaayiin dollar, misana dadkii laga dhaadhiciyey in dimuqraadiyada kor loogu qaadayo.
Yaab iyo amakaag! Maahmaah baa odhan jirtay : ‘‘ Dumar been baa lagu soo xero galiya runna waa lagu dhaqa’’ . Reer galbeedka iyo haay’adaha bixiya deeqaha doorashooyinka lagu qabanayo, waxay madaxda soomaliland ku maaweliyaan in aqoonsi caalami la siin doono haddii doorashooyinku si xor iyo xalaal ah udhacaan , kaaga sii daranta isla jeerkaas doorashooyinku qabsooman ee la kala adkaado waxa jaan iyo cidhib meel ay dhigeen la waaya ,kooxihii is daba yaacayey . markaas waa dimuqraadiyad aan cidna kuu ogeyn.
Sannadii 2013 waxaa magaalada hargeysa yimid ganacsadayaal ka socda waddanka isutaga imaaraatka carabta kuwaas u dan lahaa maalgashi isugu jira dib uhabeyn iyo ballaadhin in lagu sameeyo marsada berbera. Wax yar uun kadib marka heshiiska wejigiisi hore hargeysa lagu gabo-gabeeyay , ayaa waxa lagu ballamay kulamada danbe inay ka dhacaan magaalada dubai .
Maalintii ay ku eekayd ballantu ayaa wufuud ka socota Somaliland u baqooleen xaggaas iyo dubai . Ergo matalaysa Somaliland oo ku lebisan calanka Somaliland ayaa iska xaadiriyey madashii heshiisku ka qabsoomi lahaa. kadib markii la isugu yimi goobtii qandaraaska lagu kala saxeexan lahaa ayaa waxa Nimankii ganacsatada carbeed ahaa isha qac ku siiyeen warqado ay kor iyo hoos kaga xardhan yihiin sumadda iyo calanka Somaliland, isla markiiba intay kor uboodeen kaceen kuye ; ‘‘maxay ahaayeen waraaqahan jamhuuriyadda soomaaliland ku xarriiqan yihiin ? miyaydaan ka tirsanayn jamhuuriyada federaalka soomaliya ? annagu maalgelin intaas leeg suurtogal maaha innaanu gelino berbera oo Somaliland ku abtirsanaysa’’.
Laakin se waan awoodna berbera oo soomaliya ah maadama somaliya ay tahay waddan dunida ka tirsan , hadhow tana haddii hantidayada khasaare soo gaadho magdhow aan uga heli karayno.
Inta shirkii lagu kala dareeray ayaa ninba jihada gurigiisa dhabadda saaray . kadib markii wufuudii Somaliland cagaha soo dhigteen madaarka caalamiga ah ee hargeysa waxay ummaddii ugu khudbeeyen in heshiiskii la isku afgaran waayey , khilaaf ku qotoma siddii loo maamuli lahaa ballaadhinta dekeda berbera.
Waxa la yidhi wa’ayo waayeel ? waa innaga oo aan is yeel-yeelayn! Haddii aynaan is yeel-yeelayn Waa been aan sal iyo raad toona lahayn iyo dhabar-jab joogto ah oo ay siyaasiyiinta Somaliland ku hayaan ummaddan , waxayna weji gabax ku tahay dadka reer berbera ee horumarka iyo dhismaha laga hortaagan yahay muddada 25ka sano ah , annigu waxaan hubaa in haddii afti laga qaado dadka ku dhaqan berbera ay 85% raalli ka ahaan lahayen haddii shirkadaas carbeed usoo bandhigi lahayd qorshaha dib u hagaajinta dekeda berbera oo ay odhan lahayd ku qaata magaca dawladda soomaliya . Nasiib darrose ay garan waayeen siyaasinta Somaliland matalaysay.
Waxa la yidhi: ‘‘ maalintii intay ishaadu gaadho ayaa la hadlaa habeenkiina intay gacaantaadu gaadho’’ aan kala hufo haddana kala haadiyo ; waxa wareysii xiiso badan laga qaaday wasiirkii horre ee arrimaha dibada soomaaliya fowsiya yusuf xaaji aadan qabille , wareysiga ayaa siddan u dhacay‘‘ Marwo fowsiya intii aad haysay jagada wasiirnnimo maxaad u qabatay deegaanka aad ka soo jeeday’’ ? Waxay ku falcelisay siddan: “ waxaan fulinay mashruucyo badan laakiin waxa ugu muhiimsana waddo isku xidha magaalooyinka ceerigaabo iyo burco oo ah qandaraas ay dawladda shiinuhu ugu deeqday waqooyiga soomaliya , laakiin nasiib darro waxa baajisey Soomaalilaand iyagoo ku andacooday in dawladda somaliya ay faro gelin ba’an ku hayso’’
Alla yaw kala warrama haddaad ogaan lahaydeen rafaadka iyo dhibta ay qabaan dadka ku safra wadadan waad quusan lahaydeen , haddii loo sheegi lahaa xaqiiqada dadka reer miyiga ah ee deegaanadaas ku dhaqan in Somaliland ay diidey qorshe loogu dhisi lahaa wadadan silica ku haysa ay berri hore jihad ku qaadi lahayen hargeysa. Ahey way iyo ciil , imtixaanka ummadeyda haysta badanaa , immisa Eegga maalin kasta dad nool ku dhinta waddooyinka duugoobay ee degmooyinka Somaliland ku yaal. Meeday dawlad ku sheegtii loo doortay innay arrimahaas wax ka qabato. Dadkaygoow haddaydaan I maqlin maanta oo aydaan runta daaha ka rogin, Alla igu ogee waxba yaan af-gobaadine aramaa qarxi doonta. Arma la noolaadaa oo badh innaga hadhaa ; la arki doonee siday ku danbeyn.
Ileyn nin daad qaaday xunbo cuskay , markii la baal maray deeqdii wadada lagu fulin lahaa ayay madaxdii soomaliland is habar-wacdeen , markaasay islaamihii yidhaahdeen dahabka iibiya , qurbajoogtiina lacagihii ka furteen . Waxaan odhan laha: ‘‘midho geed saaran , kuwo guntiga kuugu jira looma qubo’’. Kaaga darranta markaasay lacagahii isla jeerkaas la ururshay shakhsiyaad gaar ah jeebkooda ku dhacday.
Aan sii iftiimiyo hadimooyinka laga galay shacabka ku dhaqan somalilaand. waxa la yidhi: ‘‘ qufac iyo qosol midna lama qarin karo’’ waxa siddoo kale dawladda Somaliland baajisey mashruc kale oo shirkado ingiriis ahi saliid iyo batrool kaga soo faaqi lahayen deeganada bariga Somaliland . balse mar kale waxa hor istaagtay Somaliland . waxay xaqiijiyeen ilo wareedyo goob joog ahaa in halka sartu ka qudhuntay ay tahay kaddib markii Somaliland laga codsaday in mashruuca lagu maalgeliyo magaca jamhuuriyada somaliya balse ay ku gacan saydheen.
Aayaha iyo masiirka dadka somiland waa midd haadaan kusii dhacay , geed baa hadlay oo yidhi : ‘‘ gudineey imaad goyseen, haddaan badhkay kugu jirin’’ hagardaamooyinkan kor ku xusan oo dhan waa midd shacabka Somaliland ka raalli yihiin . sababtoo ah waa ummadd tasowday ushana loo qaban waayey , indheer-garadkiina ka seexday.
Nabadda iyo ray-raynta Somaliland ka jirtaa waa midd hambalyo iyo bogaadin mudan , balse waxaan hubaa in haddii Somaliland ogalaan lahayd in mashruucyada ay ku qaatan hab maamul gobolleed oo kale ay ka horumar sanaan lahayd dhul badan oo asaageed ah.
Arrinta kale cajiibka ah ee ku tusinaysa hillowga dadka reer Somaliland u qabaan wax qabad waarra ayaa ah in xilliga la qeybinayo deeqaha waxbarasho ee adduun waynuhu ugu deeqo soomaliya ay ardayda reer Somaliland ee dhammaysata waxbarashada dugsiyadda sarre lagaga qaddiyo sababo la xidhiidha in ay yihiin waxyaabo soomaaliya ay faraha kula jirto. Middaas oo keenta in kala badh ardaydu ay badaha liibya iyo talyaaniga ku madhaan . inkastoo kooxo masuuliyiin isku sheega ay soo qaadaan wax ay ugu yeedhaan saamiga ardayda waqooyiga haddana waa la billiliqaysta. Markaas sheekadu waxay ku dambeysaa (hadduu sii go’ay).
Musuq-maasuqa iyo dulmiga Somaliland dul-hoganaya waa midda sababtay cadhada eebbe. Taa waxa caddeyn kara abaaraha baahsan ee ka dilaacay deeganada miyiga , iyo ogaansha la’aanta ka haysata ganacsatada iyo dawladda Somaliland. abaaraha ka jira meelaha qaar ayaa dad iyo duunyo baabi’iyey. haddana meelo kale ayaa laga soo sheegaya in dekedo cusub laga hirgelinayo middaas oo ah kaaf iyo kala dheeri. Waxa la yidhi :‘‘Oodo dhacameed siday u kala horreeyaan baa loo kala guraa’’
Guntii iyo gebogabadii ‘‘ hadal Nin yidhi ma wadda odhan’’ waxaan ku gubaabinaya madaxda iyo shacbiga waqooyiba in horumarka, kobcinta dhaqaalaha , caafimaadka iyo waxbarahada oo kor loo qaada ay yihiin astaamaha ugu tunka weyn ee muujiya dawladnimada. Kolkaas waxa qurux badan haddii aanay jirin dawlad awood dhaqaale u leh inay shacabka u dhisto kaabayasha dhaqaalaha sidda maalgelin loo sameeyo dadka raba in ganacsi abuuran iyo farsameynta billicda waddanka , bilmatal in waddooyin wanaagsan la dhiso ayaa ah waxqabad ay dawlad dunida laga aqoonsayahay oo keliyaata fullin karto. Haddiise Somaliland tabar u yeelan weyday taabo gelinta mashruucyadas waxa la gudboon in la aqbalo saamiga Soomaaliland ku leedahay deeqaha caalamku ugu deeqo soomaaliya , siddoo kale waa in dawladda somaliland bandowga ka qaado shacbigan dulman , unna ogalaato inay walaalahooda kale ee soomaaliya wax la qeybsadaan.
Ugu dambeyn , qodobka dhaliyey arramida weyn ayaa ah kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac. Waxaan ku soo khatimi lahaa haddaan labada dhinacba waa (somaliland & Somalia) aysan isu tanaasul xilkasnimo ku dheehan tahay isu muujin. Dharaar ba iman doonta haddaan Eebbahay caymin afku hadalka daayo. Dharaar ba iman doonta Eegga haddii aan shacabka loo naxariisan ibtillo dhici doonto.
Abdirahman Abdillahi Aden
Author & horn of Africa Activist
Documentalist and Academic researcher
Email. C_raxmaan2007@hotmail.com MOBILE NO : 00251924854063.