Sheeko-murtiyeedda Sooyaalka iyo Maansada Soomaalida

 

Murtidu waa erayo rib ah amma badhax la’. Si kale; murtidu waa mucda xusuusta qofka ku hadha ee carrabkuna soo dhufan og yahay. Inahaas iyo inta kale ee dadka iga aqoonta badani ka odhan karaan

ayaa murti la’ yidhaahdaa. Inta badan murtida iyo maahmaahda la ma yaqaan ciddii curisay, waxa se la’ is la garanayaa inay tahay waaya’aragnimo dadkii hore la ga dhaxlay. Dhanka kalena; odhaahda,maahmaahda,halhayska,halkudhegga iyo maansadu ba waa ay ka la’  murti badan yihiin. ”Adduun I khatal” waa odhaah-murtiyeed la ga soo qaato sheekadii dheerayd ee la ga soo weriyey nin Aadan Galaydh la odhan jiray oo reer Hawd ahaa. Sidaas bay murti oo dhammi u madhxisaa afka. Xeeldheerideeda ayaa hadalka caadiga ah la gaga soocayaa oo murti ka dhigaysa haddii kale, akhristaha/dhageystaha ku ma ay soorteen xiisaha badan  ee uu dhegta ugu sii raaraaciyo.

Ta se aan u socdaa waa sheeka-xariirada khiyaalka ah ee runta loo ekaysiiyey iyo murtida kale ee nolasha soomaalida ku taxaluqda dhan walba. Labadaa qaybood iyo sida ay maansada ugu dhex soohmeen ayeynu halkan wax ka ga odhan doonnaa. Dugaaggu waa noolaha kolka duunyada la dhaqdo la ga yimaaddo ugu dhaw bani aadanka. Waa oodwadaagta cunnadu innaga wada dhaxayso ee lidna ku ah habsami u socodka shaqadeenna.

Tixahan hoosta yaallaa waa sheeka-xariirada murtida iyo meexaanta ba leh:

-Habar dugaag baa hal dishoodey.Libaax oo kaynta ugu tunweyn baa waraabe ku amray hilbaha qaybi. Dhurwaa waxu soo jeediyey laba isleeg in loo ka la hilbaysto,waxa se kulmay dharbaaxadii bulbullaha iyo isha dhulka la ga soo dhigay. Deetana dawaco ayuu surta yar ee dhuuban soo qabtay libaaxu ku na yidhi: bal adna dayooy. Isku may dhibin ba dawaco ee waxa ay tidhi: kuye laba waaxood kolka neefka la ga dhigo waax waa ku gu adi ,waaxda kalena kolka laba falliidh loo ka la qaado falliidh waa dhankaaga.Libaax oo la dhacsan talada dayo ku tee yaa ku baray qaybta?. Dawacaduna waxa ay ugu warcelisay “ishaa Cali ka laalaadda. Si kale na waa loo sheegaa oo ah; inay habar dugaaggii ay qadisay la doodeen dawacada. Sidan dambe ayuu Xuseendhiqle maansada ku hidiyey.

Waxu yidhi:

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoom dhan baan nahaye

markaasuu qabbaabaalihii, qoonsadoo dilaye.

Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye.

Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga.

Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

qummud iyo baruuriyo leggiyo, qawdhihii kuruska

kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado.

Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

badh baa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaaryare

Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye.

Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

qaddaarkii Ilaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey?

waar ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

… … … .. …. … … …        ….

-Waraabaa beri intuu dadkii uu xoolaha baadida ah ka cuni jiray u yimid ku yidhi waar yaadhaheen magacii waraabe waan iska beddelay waanan toobad keenaye Aammin iigu yeedha.

Nin baa isagoo ujeeddadiisu tahay inuu waraabe ka shifo hilbo qalan ku yidhi ilaali. Maxaa se ka dambeeyey? Aynnu Ibraahingadhle u dayno:

Waxu yidhi:

Waraabaa ayaan yidhi:

“haddaad igu ogaydeen

baadida Islaamkiyo

anoo aaran geel cuna

iimaan la’aantii

Allaa iga hadeeyoo

istaaqfurulla baan idhi

Aammin baanan ka la baxay

magacii inkaarraa”.
Isagoo ujeedda leh

orgi baa nin gawracay

indhashuu u sudhay laan

waa ammaanadaadee

sii ilaali buu yidhi

ninka aammin sheegtow

isaguna awaal socoy.

 

Markuu tegay Islaankii

in yar uun ka maqan yahay

agagaas dhurwaagii

ambaqaad tallaabada

hadba soo ogaal durug

eeg eeg hilbaha dagan

ursay jeenyihii hore

wuxu yidhi:”Udgoonaa”!

Amarrow markii xigay

af ballaadhan ka la qaad

carrab oomman soo saar

awlallada ka leefleef

wuxu yidhi:”Allay lehe

oon xalaala baan helay”!

aad buu cantuugada

adhaxda uga buuxsaday

kol ay araracdii tahay

alam sii laf iyo jiidh

in yar neefkii ka ma tegin.

 

Duqa imashadiisii

eedaysanii bood

ooddiyo dhirtii jiidh

eray baa se la ga helay

ku arooray maahmaah

isagoo ordaayoo

afarqaadayuu yidhi:

“Waxaad igu ogaataan

wixii aan ahaan jiray”.

…. ….. … …   ..

-[1]Libaax baa isna hal dib jirtay luqunta ka jabiyey deedna intuu ka haagay ayuu isaga huleelay.
Dhurwaa oo giddiga caawa muska ugu jiray inta libaaxu ka dhergayo ayaa lafihii feenfeentay.
Isagoon waxna cunin ayaa  raacatadii hashu ku dul dishay.Sheeka xariirtanna waxa labadan meeris ku yidhi Qaasin:

Hal libaax dharqadey uu jiidhkiyo dhiiggaba ka idleeyey

haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye..

……. …. .. .. ..  ..

-Haddaynnu dhanka dugaagga ka soo noqonno oo aynnu jalleecno dadka laftirkiisa.Wax jirta murti Hadraawi maansadan ku xardhay. Islaan iyo inanteedii oo awr dhaan ah wada ayaa awrkii haamihii ku galgashay. Islaantii baa Alla Cabdulqaaddir Jaylaaniyow awrka ila qabo ku qayshanaysa. Dhawr jeer oo hore na yartu  Cabdulqaaddirkaa awliyada ah way ka maqashay.Ee hooyo odagani ma muxuu innoo yahay?ayey hooyadeed warsanaysaa. Bal aynnu maansada ugu tagno iyoHadraawi:

Waxu yidhi:

Hawraar iyo sheeko

haween la ga reebay

beraa habar guurtay

hayaan rareygeeda

Culaab iyo haamo

waxay hilif saartay

haldhaa kici waayey

hiyeeda gadh jiidka

markuu hollan waayey

ayey hindiskeeda

halaanhal ku keentay

midaan kolla haabka

markaa la gu haynin.

Waxay tidhi:”Hoogey

hayaay Cabdulqaaddir

hareer qabo awrka”.
Markuu hayinkeedu

hagaag isu taagey

ayey tidhi:”Haakah”.
Hebloo gabanteed ah

hilowna besteeda

malaa u hanweynna

karaamadan hiirta

ku soo hormanaysa

hilmaamina weedy

wadaadka hoggiisa

ka soo hangallaystay

siduu ugu hiishey

ayaa tidhi:”Hooyo

muxuu horta sheekhu

inoo yahay haybta”.
Waxay tidhi:”Heedhe

Hibooy ratigeennu

markuu hinqan waayo

ayaan huriwaaga

haleel cuskadaaye

habeyn ma wadaagno

haddaan magaciisa

dantaydu higgaadin

ma soo hadal qaado.

….

Cabdixakiin M Maxamuud Marayare

Email: dheellitire@hotmail.com

Faahfaahin iyo tixraac

– [1] Muxaadiro uu Gaarriye Oslo ka jeediyey sannadihii ugu dambeey noloshiisa AHU ayuu ka ga hadlay dhawr murtiyood oo tani ka mid tahay.