Sal-guurka Habkii Dhaqan ee Guurtida iyo Salaaddiinta Somaliland

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Intii uu dalka ka hirgalay nidaamkan la yidhaahdo “dimuqraadiyaddu”, waxa soo baxabaxay ifafaale iftiiminaya sal-guur ku habsanaya habkii dhaqanka ee aynu ku xallin jirnay khilaafaadka siyaasiga ah soo dhex gala goleyaasha qaranka, oo aan ugu dambayntii odhan karo waxa uu sakaraad noqday sannadkii 2009 oo ay waddanka hadheeyeen siyaasado murugsan, ku-jiq-sii, is-marin-waa iyo cakirnaan sababtay in aynu qarka u saaranno rabshado hor leh, oo sababay dhimasho, dhaawac iyo in loo baqdo aayaha qaranka. Gaar ahaanna waxa aan diiradda saari doonaa is-beddel taban oo muuqda kuna yimi waxqabadkii golaha guurtida iyo madax-dhaqameedyada gaar ahaan salaaddiinta.

Haddii aan ku horreeyo umuuraha aynu kaga samatabaxnay habka dhaqanka waxa ka mid ahaa: Daminta colaaddii Burco 1992, colaaddii Berbera 1992, Heshiisyadii ka dhacay Awdal 1991, dagaalladii Hargeysa iyo Burco 1994-1996, heshiisyadii Sanaag ee 1991, heshiiskii lala galay wefidgii uu hoggaaminayay AHN Garaad Cabdiqani 1990-kii, qabashada shirkii Boorama ee uu talada ku wareejiyay AHN Cabdiraxmaan-Tuur laguna doortay AHN Cigaal, shirkii Hargeysa ee 1997 dib loogu doortay AHN Cigaal iyo guulo kale oo badan.

Sanadkii 2001, markii lagu dhawaaqay ururrada badan waxa qacdiiba oogmay khilaaf u dhexeeyay xukuumadda iyo salaaddiinta oo sababay xadhig, kaas oo loo aananaynayo in abaabulka salaaddiinta ay ku lug lahaayeen Xisbiyo Mucaarid ahi, taasna waxa xalkooda ka qayb galay Guurtida. Dhacdadaasi waxa ay ibo-fur u ahayd salaaddiintii ummadda u dhaxaysay oo u xuub-siiban raba Xisbiyo, kuna milmaya hirdanka loollanka maamul ee siyaasiyiinta u dhexeeya.

Sanadkii 2003, waxa dalka ka dhacday doorashadii madaxtooyada oo ay muran ka abuurmay, mar kale guurtidu isu-soo dhawaynta mucaaridka iyo muxaafidka kaalin mug leh ayaa ay ka qaateen.

Sannadkii 2005 waxa dalka ka dhacday doorashadii Baarlamaanka oo aan odhan karo waa dhacdadii siyaasadeed ee ugu dambaysay, ee lagu xalliyo ergayn, guurtinnimo iyo dhexdhexaadin ku salaysan tanaasul iyo wada hadal, oo ay door libaax ka qaateen Golaha Guurtidu.

Kolkii uu 22/July/2004 geeriyooday AHN Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxa golaha guurtida guddoomiye loo doortay Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa muddo kooban kaddib  bilaabmay guurtidii oo siyaasadda dhex qaadday, axsaabta ku milantay, noqotay garabyo badhna muxaafid yihiin badhna mucaarid yihiin. Golihii lagu tilmaami jiray mid dhaqan, waxa ay qaybo badan oo ka mid ahi isu-rogeen siyaasiyiin. Sidee ayuu gole aan midaysnayni u ergayn karaa?. Taasi waxa ay yaraysay kalsoonidii loo hayay guurtida.

Hagaaska Guurtida waxa aan ka madhnayn geeridii ku timi ruug-caddaayo badan oo ka mid ahaa hal-doorka waayo-aragga ah hormoodka u ahaa golaha Alle ha u naxarsiito’e sida:

  • Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed,
  • Sheekh Muuse Jaamac Goodaad,
  • Maxamed Cismaan Libaaxo,
  • Sheekh Jaamac Sabban iyo
  • Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf  Sheekh Madar iyo rag badan oo kale

Kuwaas oo beddelkoodana aan lagu soo xulin karti iyo hawl-karnimo, laguna keenay dhaxal.

Waxa ay kalsoonidii Guurtidu dhaadhacday markii ay 2006 gaadheen go’aan ah in ay isu kordhiyaan muddada xilka, maadaama oo aanu jirin xeer dhigaya habka loo dooranayo guurtida. Taas oo aanay ka maqnayn saamayn ay golaha ku lahayd xukuumaddii talada haysay, oo tala-galkeedu ahaa in aan guurtidu doorasho gelin, si aanay u soo bixin xildhibaanno u badan mucaarid oo isu-bahaysta xisbiga talada haya, si la mid ah golaha wakiilada. Qacdiiba waxa ku gacan-saydhay, sharci-darrona ku tilmaamay go’aanka muddo kordhinta Golaha Wakiillada. Halkaas labadii gole ee baarlamaanku waa isku seegeen.

Isu-muddo-kordhintaas 2006 ka bacdi, waxa soo baxay guurti u banbaxay wax ka geddisan dhaqankii xilkooda ahaa, una biyo-shubtay siyaasiyiin marba xisbi gala, marba urur la safan. Taasi waxa ay horseedday in ay lunto dhexdhexaadnimadii guurtidu, oo ay noqdaan dhinacyo micida isu lisanaya, is-muquuniya oo aan waxba isku raacin.

Waxa aan xasuustaa in sannadkii 2007 ay guurtidu ku guul-darraysatay waanwaan ay guddi ugu saareen xallinta muran ka oogmay laba xubnood oo guurtidu soo magacawday kana mid ahaa Komishanka Doorashada oo Wakiiladu ansixin waayeen iyo xadhigii Siyaasiyiinta Ururka Qaran oo Mandheera loo taxaabay.

Ergo ka kooban qaybaha bulshada sida culimada, abwaannada iyo aqoonyahanka oo isu xilqaamay gamaarinta is-maandhaafka aloosmayna looma hoggaansamin, waxaana si badheedh ah ugu wacad-furay xukuumaddii talada haysay.

Saladdiinta qudhoodu waxa ay awood iyo sumcad liiceen markii la maqlay Suldaan Hebelkii dhexda ahaa oo Xisbi Hebel ku biiray. Suldaan Hebel oo xukuumadda difaacaya reer Hebel-na duullaan ku ah. Suldaan Hebel oo mucaaridka ama muxaafidku caleemo-saareen, oo aan ku iman doonis shacab. Suldaan Hebel oo u ololaynaya ama ka ololaynaya muddo kordhin. Suldaan Hebel oo mashruuc iyo lacag ku qaatay barnaamij weecsan. Suldaan Hebel iyo Beeshiisu waa Xisbi Hebel. Ma ummad dhan ayaa Xisbi wada geli karta?. Suldaan Hebel oo leh Xisbi maanaan gelin. Suldaan Hebel oo leh Reer Hebel halkaa ha ka baxaan. Hebel oo Suldaan sheegtay, kuna dedaala ka hadalka siyaasadda si loo barto.

Waxa guurtidii si weyn loo saluugay markii ay muddo kordhin u sameeyeen Xukuumadda 2008, taas oo ay ka wacnayd in laga wada tashado, oo ay ka arrinsadaan xukuumadda, axsaabta qaranka, goleyaasha baarlamaanka iyo qaybaha kale ee bulshadu. Waa markii koowaad ee aan maqlay guurtida oo laaluush qaadatay si ay barnaamij u hirgeliyaan. Waa markii koowaad ee aan maqlay ninkaas guurtida ah ayaa maaliyad rushayn ah bangiga ka soo qaaday.

Mashruuci halkii buu ka sii socday, guurtidii oo la qaybiyay qabiil qabiilna loola shiray ayaa mar kale muddo kordhin la isku muquuniyay samaysay 2009.

Taasi waxa ay maan Barray iyo maan Bilaal ka dhigtay Xildhibaannadii guurtida, axsaabtii mucaaridka iyo muxaafidka. Dhacdadaas ka dib guurtidi waxa ay noqotay mid aan lagu aamini karin aayaha bulshada.

Maan arag mana maqal, guurtida oo ka hadashay qasyo dhawr ah sida Riiggii Hargeysa 2008, rasaastii lala beegsaday Guddoomiyeha KULMIYE 2009, Falkii foosha xumaa ee Guddoomiyeha UCID lagag sameeyay Wajaale, iyo magac-beddelidii Degmada Cabdi Iidaan ee rabshadda unugtay. Xildhibaan kastaaba waa siyaasi danayste ah, oo tiisa mooyee aan tu kale eegin.

Isku-wada dar oo guurtida iyo salaaddiintu waxa ay ku guul-darraysteen in ay xalliyaan khilaafaadkii siyaasadeed ee bannaanbaxa iyo geeridaba dhaliyay 2009, ee ka curtay laalistii amakaagga iyo amar-ku-taaglaynta ahayd ee Diiwaangelinta Qaran. Mucaaridki dhegaha ayay ka awdeen madax-dhaqameedka. Muxaafidkuna hore ayay seetada u goosteen, una yaqiinsadeen in aan “dooh” la odhan karin.

Wadahadal iyo waanwaanba waynu ku ku guul-darraysannay. Hal-doorku dhexdhexaadinta wuu ka gaabsaday, illeen qof ergo-diid ah cidi iskuma hawlaysee. Raggii Aadan Baxnaan ka midka ahaa ee heshiiska sameeyayna wixii ku dhacay waa la ogaa. Saxaafad, salaaddiin iyo bulsho si togan heshiis u wadday “yaad u waddaan” baa la yidhi. Buuqeenni iyo sawaxankeennii ayaa circka isku shareeray. Jaarkoo dhan ayaa ka ciidmay.

Kolkaynu is-af-garan-waynay, waxa la inoo yeedhiyay lix qodob. Dibadda ayaa xalkeenna looga gurmaday. Waxay yeedhintaasi in yar ka sokaysay xukuumadaha yabyabka ah ee Soomaaliya loogu sameeyo meelo ay ka mid yihiin Jabuuti, Imbagaati, Eldoret iyo Carta. Xilligii aynu ka jilicsanayn ee 1991-1997-na innaga ayaa dhammaysan jirnay. Dimuqraadiyaddi dawgaas gurracan ayay inala martay. Haddii muran kii ka xooggani yimaaddana, Alle ma keeno e, yeedhin kale ayaa imanaysa. Ee dalka ma dibaddaa laga xukumaa mise gudaha? Is-maqalki miyuu dhintay? Dhaqanki miyuu tawafay? Sidaynu u noolayn karnaa Habkii Dhaqan ee Xallinta Khilaafaadka? Sidee ayaynu Guurti Xooggan u dhisnaa? Sidee ayaynu siyaasiga “dooh” u odhan karnaa, dabarna ugu samaynaa, si aanu inoogu durdurin? Sidee ayaynu aqoonyahanka u siin karnaa fursad ay wax ku qaban karaan xilliga muran?

Xalka Soo-noolaynta Habkii Dhaqan ee Xallinta Khilaafaadka

Ugu dambayn haddii aan aragtidayda gaaban ka dhiibto Xalka Soo-noolaynta Habkii Dhaqan ee Xallinta Khilaafaadka, waxa aan soo jeedinayaa qodobadan:

  1. In la sameeyo hab iyo nidaam lagu soo doorto Golaha Guurtida oo gaws-adaygay muddo kordhin. Waxa fiican in aan Guurtida loo dooran Habka Wakiillada, oo ku salaysan Axsaab. Gobol walbana ay iska soo sharraxaan hal-doorka u qalma guurtinnimadu, oo ay kala saaraan guddi dhexdhexaad ah oo ka kooban Komishanka, aqoonyahanno, culimo iyo inta looga marag yahay in aanay eex iyo qabyaalad ku garsoorin.
  2. Waa in la beddelo habka dhaxal-tooyada ah ee lagu hantiyo kuraasta Guurtida. Waayo inta badan dadka dhaxalka ku yimi ma aha kuwo leh astaamaha guurtinnimada.
  3. Guurtida iyo salaaddiinta waa in laga mamnuucaa in ay si toos ah iyo si dadban u galaan axsaabta. Qofka siyaasad u banbaxayana waa in uu ka tanaasulo xilka ummadda ka dhexeeya, oo uu isaga oo keligii ah, hankiisa caddeeyaa.
  4. Muddo-kordhintu waa in ay ku salaysnaato wada tashi ka ballaadhan inta ay hadda gacanta ugu jirto, waxna laga weydiiyo goleyaasha qaranka, axsaabta, xukuumadda, garsoorka, aqoonyahanka iyo hal-doorka bulshada.
  5. Waa in la sameeyo guddi gaar ah oo ka kooban qaybaha kala geddisan ee dawladda iyo bulshada, oo go’aanno dhexdhexaadin ah ka soo saari kara is-marin waaga siyaasadeed, oo xadhig ku xidha masuul kasta oo raba in uu shacabka ku durduriyo.

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

Hargeysa, Somaliland

saedmgahair@hotmail.com