Qisooyin Murug Badan Oo Ku Saabsan Tahriibka! – W/Q: Fu’aad Abdisalam

Salaamu Laahi Caleykum 

Ugu Horeyn Ilaahey  Ayaa Mahad Oo Idil Iska Leh Kaas Oo Biniaadamka Barey Qalinka Iyo Wax Aaney Aqoon U Laheyn , Waxaan Qalinka U Qaatey Maanta Dhawr Qiso Oo Xanuun Badan Igu Beerey Noloshadeyna Saameyn Ku Yeeshey Kuwaas Oo Uga Soo Joogey Kuna Saabsan Tahriibta Ama Dhalandhoolka  Ku Noqdey Bulshadeena Dhiiga Baxa Balaadhan Naf Iyo Maal Badan Inaga Haligey.

Sideynu Wada Ogsoon Nahey Tahriibku Waxaa Uu Noqdey Sanadadii U Danbeysey Mid Dhibaato Weyn Bulshadeena Ku Haya Kaas Oo Sababey In Xoogii Iyo Dhalinyaradii Badhkooda U Tacabiraan Dhul Shisheeya Iyagoo Dhib , Rafaad , Geeri Iyo Xanuun Kasta u Maraya Iyadoo Dhulkoodii Iyo Dalkoodii Hooyana Uga Baahi Badan Yahey , Tahriibku Waxaa uu Saameyn Balaadhan ku Yeeshey Geedi Socodka Nololeed Ee Bulshada Soomaliyeed Guud Ahaan Iyadoo  Boqolaal Dhalinyaro Ah Oo Dadka Iyo Dalkuba Sugayey Ay Ku Haligmeen Dhul Shisheeya , Saxare Iyo Bad Weyn Iyagoo Dhib Iyo Dhakafaar Qaba .

Hadaba , Waxaan Dul Istaagi Doonaa Qisooyin Koob Koobnaa Oo Ku Saabsan Dad Tahriibey Oo Noloshu Na Kulmisey Kuwaas Oo Runtii Igu Noqdey Boog Iyo Dhaawac Igu Yaal Oo Mar Walba oo Aan Maqlo Ama Aan Arko Dad Dhalandhoolaya Si Fudud I Damqada .

Qisada Koowaad Waxey Aheyd Bilowgii Sanadkii 2009 Markii Ay Ka Ambobaxeen Khartoum Caasimada Sudan Dhalinyaro Badan oo Soomali Ah Kuwaas oo Ku Sii Jeedey Safar Dheer Oo Ilaa Libiya Ay Ku Gaadhayeen , Safarkaas Ayaa Ahaa Mid Dhib Badan oo La Sii Marayey Dhul Balaadhan Oo Saxaro Lama Dagaan Ah u Badan Waan Furaha Iyo Mid Ka Mid Ah Alaababada Rajada Ee Duulka Tahriibaya , Ka Dib Diyaar Garow Badan Mid Ka Mid Ah Gaadhigii Ay La Socdeen  Dhalinyaradii Tahriibeysey Ayaa Isagoo Maraya Duleedka Umdurman Goor Habeenimo Ah Ku Gudoomey , Shilkan Baabuur Ayaa Madaama U Dhacey Goor Habeenimo Ah Waxaa Yareyd In Ay Helaan Wax Gargaar Iyo Caawimaad Degdeg Ah Taasi Waxey Keentey In Khasaarihii  Uu Kor u Kaco , Allah Ha U Naxariistee Waxaa Goobtaas Ku Geeriyoodey Sagaal Wiil Oo Somali Ah Iyo Dhawaac Badan , Salaadii Subax Ayaa La Igu Soo War Galiyey In Shilkaasi Dhacey Taas Oo Warwar Badan Igu Keentey Madaama Dadkii La Socdey Qaar Ka Mid Ah Aan Aqoon U Lahaa , Waxaa I Kala Cadaatey In Yar Ka Dib Xajmiga Khasaare Ee Dhacey Iyadoo Jaho Wareer Iyo Murugo Badan Ka Muuqdey Ardeyda Jaamacadaha U Joogtey Khartoum , Maalin Ka Dib Shilkaas Foosha Xumaa Ayaa Mar Labaad Waxaa Muruga Inagu Sii Kordhiyey Markii Aanu Tagney Xabaalihii Lagu Aasayey Marxuumiintii Shilkaas Ku Geeriyootey , Ilaahey Dhamaantood Ha U Naxariistee Waxey Aheyd Maalin Madow Oo Soo Martey Guud Ahaan Somali Gaar Ahaan Jiilkii Joogey Sudan Oo Naxdin iyo Anfariir Weyn Ku Reebey Geeridaa Naxdin Badan !!

Qisada Labaad Waxey Tahey Habeen Ayaa Goor Fiid Ah Oo Cadceedu Xagaas iyo Godkeeda u Sii Siqeyso Waxaanu U Carowney Goob Naloogu Tilmaamey In Ay Joogaa Koox Tahriibayaal Ah Oo Maalin Ka Hor Soo Gashey Khartoum Sudan , Hadafka Aanu u Soconeyna Ay Aheyd Iyado Wiil Ardey Ah oo Qol Wadaag Aanu Aheyn Mid Ka Mid Ah Ehelkiisu Ku Jireen , Waxaanu Xoogaa Tilmaan Ku Socono Waxaanu Gaadhney Guri Ka Kooban Afar Qol Oo Ay Ka Buuxaan Dad Isugu Jira Rag Dhalinyaro Ah , Odayaal , Dumar Iyo Islaamo Waayeel Ah , Markaan Gurigii Hore u Galney Ayaa Waxey Indhaheygu Qabteen Hooyo Aan Dadeeda Ku Qiyaasey Konton Jir Da’a Iyo Rafaad badan Ka Muuqdo Oo Ku Dhex Jirtey Raxan Haween Ah Oo Qol Isku Urursadey , Waxey Inagu Noqotey Fajiciso Iyo Amakaag In Gabadh Intaas Leeg Ay Dhalandhooleyso Intaasna Safar Soo Gashey Wuxuu Dareenku Iyo Biniaadamnido I Siin Weydey In Aan Ka Xog Wareysto Xaaladeeda Guud Ahaa Iyo Sababta Ku Kaliftey In Ay Masaafo Intaa Leeg Soo Gasho Waxaase Iga Sii Darneyd Markii Aan Ka War Heley In Ay Sii Socoto Ilaa Ay Yurub Gaadho Waxaase Hoos Isku Weydiiyey Da’da Ay Tahey Iyo Haduu Allah Cimri Siiyo Intey Yurub Ku Qaadan Doonto ! Waxaase Ogaadey In Tahriibku Noqdey Mid Bulshada Dhamaan Qeybaheeda Kala Duwan oo Dhan Saameyn Ku Yeeshey ..

Qisada Saddexaad ,  Waxaan Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Si Sudfo Ah u Galey Guri Ay Joogeen Dad Tahriib Ah Oo Mudo Kooban Joogey Halkan Khartoum , Ka Dib Waxaan Indhageygu Qabteen Hooyo Somaliyeed Oo Wajigeeda Iga Muuqatey Xanuun Iyo Rafaad Badan , Waxaase Iga Sii Darneyd Markii Aan U Sii Fiirsadey In Ay Tahey Hooyo Uur Leh Waliba Ilmo Ilaa Todobo Bilood Ah Uurka Ku Sida , Subxaana Allah Muddo Week Ka Badan Ayey Jidhka Ugu Soo Jirtey Iyadoo Ceynkaas Ah Oo Dhib Kasta Ay La Kulantey Waxaa Ka Muuqdey Dhiig La’aan Iyo Xanuun Badan Ilaa Ay Lugaha Iyo Jidhkeeda Qeybo Ka Mid Ah Barar Qariyey , Waxaa Ag Fadhiyey Nin La Iigu Sheegey In Uu Odaygeedii Yahey Oo Safarka Ku Wehelinayey Waxaa uu Ahaa Qof Calool Jilicsan Oo Naxariis Badan Se Awood Iyo Itaalkiisu Halkaas Dhigey Mar Walba Wuu u Dadaalayey Wixii Dawooyin Ah Ee Ay Awoodeen uu La Dabo Taagnaa , Ka Dib Maalmo Ka Dib Ayey Safarkoodii Halkii Ka Sii Wateen Iyadoo Maalin Danbe La Ii Sheegey In Gabadhii Ku Umushey Jaziirada Malta Oo U Dhaw Dalka Talyaaniga . . .

Qisada Afraad , Waxaan Safar Kaga Soo Baxey Magaalada Jigjiga Anigoo Ku Jirney Safar Guuro Gal Ah Oo Ilaa Addis Ababa Ku Eekaa ,Dadkii Safarka Igu Wehelinayey Waxaa Ka Mid Ahaa Oday Da Ahaan Aad u Weynaa Oo U Eekaa Aabo Jooga Noloshiisa Ayaamihii U Danbeeyey , Socodka Iyo Hawluhu Waa Ku Dhib Iyadoo Fiiro Gaar Ah Aanu u Laheyn Intayada Fudud Mar Kasta Oo Uu  Gaadhiga Ka Degayo Ama So Korayo Si Aanu u Gacan Qabano una Caawino , Markii Aanu Goor Subax Ah Aanu Addis Ababa Soo Gaadhney Ayaanu Wada Quraacaney Labadayadu , Waxaan Ogaadey In Ay Tahey Markii Ugu Horeysey Ee Uu Addis Yimaado Hawlna Uu u Socdey Waxaa Uu IIga Sheekeeyey Isagoo Indhihiisa Ilmo Ka Muuqato Qisada Heysata Oo Aheyd In Wiil Uu Dhaley Oo Uu Ku Tabcey Noloshana In Badan Gacanta Ku Soo Hayey Ka Soo Tahriibey Ka Dib Lagu Xidhey Ethiopia , Meel Uu Ku Ogyaheyna Aaney Jirin Doonayayana Bal In Uu Hada u Hawl Galo Oo Dhamaan Xabsiyada Ethiopia Ka Soo Deydayo, Runtii Waxey Igu Noqotey Mid Xusuus Igu Leh Anigoo Is Weydiiyey Aabahaas Khasaaraha Uu Ka Joogo Nolosheesa Ilaa Maantana Oo Uu Da’daas Yahey La Tabaaleysan Yahey Nolosha Noocan Ah , Bal Tasawir Oo Sawiro Adigoo Qof Aad DHashey Ku Ogeyn Meel uu Ku Jiro oo Jeelasha Wadan Shisheeya Ka Baadhaya !!

Qisada Shanaad . Waxaa Igu Soo Dagey Mid Ka Mid Ah Asxaabteyda Oo Markaa Safar Dheer Ka Soo Galey Wadankii Hooyo Hankiisa Iyo Himaladiisuna Ay Aheyd In Uu Mar Uun Cago Dhigto Dhulka Reer Yurub , Waxaan U Soo Dhaweyney Sidii Mudneyn In Walaalkaa Oo Dhul Shisheeya Kugu Marti Ah aad u Qaabili Laheyd , Muddo Labo Bilood Ah Ayuu Nala Joogey Iyadoo Aanu Intaa Wadney Sidii Aanu Ugu Qancin Laheyn In Uu Waxbarasho Galo Oo Uu Ka Hadho Dhalandhoolka , Wixii Allah Qorey Ayaa Qorane Wuxuu Ku Adkeystey In Uu Safarkiisa Sii Wato Waxaanu Kama Danbeystii U Ambobaxey Xagas Libiya , Sidii Oo Kale Ayuu Mudo Joogey Saaxiibkey Libiya Iyadoo Markii Kacdoonadii Hubeysney  Ee Laga Soo Horjeedey Cornel Muamar Qadafi  Dalka Ka Qarxeen Uu Habeenki Danbe U Doon Ka Raaceen Xeebaha Libiya Isaga Iyo Koox Somali Ah , Doontaas Oo Ku Sii Jeedey Wadanka Talyaaniga Ayaa La Waayey Maalmo Ka Dibna La Ogaadey In Ay Ku Halaagsameen Bada Dhexdeeda , Waxey Aheyd Arrin Murugo Badan Iyadoo Saaxiibkey Iyo Tiro Dadkii La Socdey Meydkoodu Ku Soo Caaryeen Xeebaha Talyaaniga Halkaasna Lagu Aasey ! Inaali Laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun …

 Akhriste , Laga Yabaa In Aad Heyso Qisooyin Badan oo Ka Murugo Iyo Ciil Badan Intan Aan Soo Tilmaamey Balse Waxeynu Dhamaanteen Wada Ognahey Dhibaatada Baladhan Ee Dhalandhoolku Leeyahey , Dadkeenii , Dhalinyaradeenii Iyo Bulshadeeniina Dhibaatooyin Balaadhan Soo Gaadhsiiyey Iyadoo Maanta uu Noqdey Mid Taxane Ah Sida Filimada Musasalka Ah Oo Dadkii Ay Socdaan Maalin Walbaba Aaad Maqleyso Qiso Iyo Sheeko Murugo Badan Oo Dhacdey ,

Gabo Gabadii , Waa Dhiig Bax Balaadhan Oo Maanta Bulshadeena Heysta Wax Kastaba Ha Sababaanee Waxaase Iga Talo Iyo Tusaale Ah Dhalinyaro Ahaan In Qofkasta Oo Caqli Leh Aanu Naftiisa Ku Aaminin Tahriib Iyo Dhalondhool Dhul Shisheeye Wax Kasta Ha Qaadatee, Waxey u Ordayaan Dadku Waa in Nolol Ay Helaan Wanaagsan Waxaase Maanta Shaki Ku Jirin In Nolosha Yurub Taal Ka Dhib Iyo Rafaad Badan Tahey Tey Ka Ordayaa Ee Leh Xoriyada ,

Waad Mahadsantihiin

 Fouad Abdisalam Hassan

National04@hotmail.com