Waa shirkad ka hawl gasha gud ahaan wadanka JSL sida Gobolada, Degmooyinka, Tuulooyinka iyo degaanada Xoolo-dhaqata iyo Beera-leyda, Sida ku cad magaca shirkadda QABYAALADA, waxay shiraddu ka shaqaysaa adeegyo aad u balaadhan oo macaamiisheeda iyo dhamaan bulshada reer Somaliland ka haqabtirta ,baahiyaha asaasiga u ah noloshooda,lagama maarmaankana u ah jiritaankooda,oo ay ka midyihiin, Dulmiga, Eexda, Sedbursiga, Dhiig- miiradka, Cunsuriyadda, kala-saraynta, Quudhsiga, Boobka, Dhaca, Sabool-nimada, Xadgudubka, Dilka,Laan -dheeranimada, Qabiil ku Faanka, Qoys dhowaysiga, Iiman-darada,Qoqobka, Beenta, Keligii-noolaanshaha, Tuugada, Munaafaqada, iyo Jahliga. Baahiyahan oo dhammantood tiir dhexaad u ah nolosha bulshada ku hadasha afka Somaliga, gaar ahaan ummadda reer Somaliland.
Haddaba shirkadda oo ka duulaysa adeegyada ay u fidiso,bulsho weynta Somaliland ee
ay sida hagar la,aanta ah ugu hawl yarayso adeegyada GUNNIMADA iyo GUULDARADA iyo Siyaasada shirkadda oo ay ka mid tahay balaadhinta iyo fidinta jeermiska Qabyaaladda oo ah furaha maanka iyo garaadka shacab-weynaha reer Somaliland ,debedyaal iyo degel joogba. Waxay shirkada QABYAALADA NATIONAL COMPANY ,furaysaa xarumo iyo goobo cusub oo ay macaamiisheedu ka heli doonaan adeegyadii looga bartay.
Adeegyadan laf dhabarta u ah, Aafoyinka asal-guuriya ummaddaha iyagu doorta qaab nololeedkan , ayay Shirkaddan liisanka Qabyaalada nasiibka u heshay,ugu bushaaraynaysaa in xarumahan iyo goobahan hoos ku qoran la idiin soo kordhiyey.
1) Goobo caafimaad( Clinics and Hospitals) oo dadka lagu bakhti wareemo,
2) Goobo waxbarsho( Secondary Schools, Colleges and Universities) oo soo saara arday aan tayo lahayn.
3) Xarumo Ganacsi oo soo dejiya Tafariiqda,laguna gado sicir-bararka,
4) Masaajido iyo Madarasado kala madhabo ah oo aflixiya, culimo mabda,ayo isu kooxaysta.
Dhammaan bulshada reer Somaliland ee sharafta leh, waxanu ogaysiinaynaa in Qabyaalada National Company(QNC) ay qaadanayso, Dhakhaatir beelaysan oo ka hawlgeli doona goobaha cusub ee caafimaadka oo la idiinka furi doono, Burao, Berbera, Boorame, Hargeisa, laascanood iyo Cerigaabo..
SHURUUDAHA LAGA RABO DHAKHAATIIRTA CUSUB
1) Waa in uu REER HEBEL ahaado
2) Waa in aanu haba yaraatee lahayn Liisan Dhakhtar
3) Waa in aanu Damiir, Anshax iyo Dareen, Dhakhtarnimo lahayn,
4) Waa in aanu qaabilin Hooyo umul arooraysa hadayna qadimin 20 doolar.
5) Waa in qiimaha qofka iyo ka neefka kawaanka lagu qalayaa isugu midyihiin.
6) Waa in Xirfada iyo aqoonta ugu saraysaa noqotaa ,qorista Anti,biotikada
Qaaxada (TB) iyo kiniinka Malariyada oo ah xanuunada loo badan yahay.
7) Waa in uu xariif ku yahay, malo awaalka xanuunada, shegaana in looga shakisanyahay,( Malaria, Qaxo, Kaadi macaan, Dhiig kar, Bawasiir,Beer xanuun iwm) , si qofkasta shaybaadhka shirkaddu u baadho oo dakhli dheri ahí ka soo galo.
8) Waa in uu dawooyinka aan tayada lahayn ee shirkadda(QNC) si hagar la,aan ah ugu kilo misaa bukaan socodka, si shirkaddu si degdeg ah u kordhiso kawaanada lagu qali doono Xaamilooyinka iyo Xoolo dhaqatada Garanwaagu muddo.
Guntii iyo gebagebadii maamulka iyo hawl wadeenada shirkadda, Qabyaalada National Company(QNC), waxay ku boorinaysaa ,Dhakhaatiirta buuxisa shuruudaha kor ku qoran inay si dhakhso leh u soo xareeyaan codsigooda, inta ka horeysa 01092015,kuna soo hagaajiyan cinwaankan hoos ku qoran, adigoo sumad(code) uga dhigaya codsigaaga Qudh-goyn u Haliil Group of Doctors.
Cinwaanka: QABYALADA NATIONAL COMPANY(QNC)
Att: Dhagar ku macaash Group of Doctors
C/O Dr, Dhiig-dareershe, Dr.Bakhtiwareen,Dr Umulodoox, Dr, Maqas-soofayste, Dr.Maqade, Dr,Mala-awaal iyo Dr- Ma-dherge. Dhakhaatiirtan oo ah horyaalka mihnadleyda caafimaadka ee ugu caansan wadanka JSL,ahna Dhagar ku macaash Group of Doctors ayaa ka hawl gala shirkada QABYALADA NATIONAL COMPANY xarumaheeda kala duwan, waxanay gacmo furan ku soo dhowynayaan, Dhakhaatiirta cusub ee Qudh-goyn u Haliil Group of Doctors, si ay ugala qayb qaataan curyaaminta iyo hagardaamaynta,kaabayaasha caafimaad ee bahweynta GUNNIMO doonka reer Somaaliland.
La soco taxanaha ku xiga.
Qalinkii. Cabdi Nuux Warsame(Madoorsame)
Indepedent Researcher and Social Activist.
madoorsame@gmail.comphone: 063485084