Qabiil, Qaran Ma Dhiso – W/Q: Axmed Rashiid (Q.2aad)

axmed rashiidMujtamaca waa in laga wacyi-geliyaa in qabiil aanu qaran noqon karin “Maxaadse Ka Taqaan Qabiilka & Ilbaxnimada S/land”?”Qaranimo iyo Qabiil”(QARAN iyo QABIIL MEEL MA WADA GALAAN).

Maxaad ka taqaan ereyga Qabiil iyo Qabyaalad ?

Inkastoo ay dooduhu aad u farabadan yihiin, haddana sababta loo isticmalaa way sahlan tahay waxaana lagu soo koobi karaa hal eray oo macno keliya ah, run ahaantii hadana waa ereyo sharaxaad badan iyo waqti inooga baahan waayo haddii aad weydiisid dadka xaga qabyaalada ku dheereya micnaha hoos ahaaneed ee ereyga qabiil uu xambaarsan yahay waxay ku dhiibayaan micno ka gadisan kan xaqiiqadiisu xambaarsan tahay qaar ayaa kuula kacaaya , waa xulufaysi ku dhisan hab beeleed ,halka ay qaar kalena sooba qadimayaan maah maahdii ahayd “Oodi Ab Kadhow”
Qolooyin kalena waxa ay ku siinayaan micne kale oon ka run sheegayn ,hadaba hadii aan feker ahaan ka bixiyo sharaxaad guud ereyga qabiil, waxaan u kala qaadi karaa laba macne oo kala gedisan, kalena fog oo la isku kabay laakiin markii magacooda lagu howl galo isku yimaada waana labadan erey (QAB) IYO (IIL)

QAB:- waa erey xambaarsan isla weyni iyo faan, Halka IIL:-na uu yahay erey loo isticmaalo xabaasha halka ugu hoosaysa Laakiin hadii sida kale loo dhigo,labadaan erey waxaa ka dhaxeysa wada shaqayn fiican, tusaale ahaan Somalidu waxay ilaa fac hore dhex mari-jirey dagaal ku salaysnaa hab-beeleed, kaasoo aan horumar lagu gaadhi jirin.

Hadii aan sii sharaxno habka ay labadan magac isula shaqeeyaan,tusaale ahaan berigii hore marka ay labo beelood xurgufi dhex marto, beelina beesha kale kamay haybaysan-jirin, markii ay arini dhex martana , ayagoo huwan shaadhkoodii Qab ama sida dadka qaar u fasiraan isla weyniba, ayey iyaduna beesha kale dhinaceeda huwan jirtay shaadh la nooca kaasi xaafada kale, iyadoo beeshaa kale ee wax kala galeen haba yaraatee waxba iskaga tirin-jirin.

Halka uu Abwaan ku cabiray xaaladu markay sidaas noqoto:- asagoo odhanaaya “Qab-Qab Dhaafay Bay Laba Qabiil Qaran Ku Weydaa” Sidaasi daradeed ayaanay labadaas beelood aanay faraha isla gefi jirin, markii uu isku dhac hubaysani yimaadana, waxaa fursad u banaanaan jirtay, magaca intiisii kale ee (IIL), waayo markii lays laayo waxa iilka la geyn jiray rag badan oo intii ay noolaayeen maslaxada ka soo horjeeday, sidaasna waa sida ay wada shaqayntu uga dhaxeyso labada macne oo aan muuqaal ahaan is lahayn laakiin ku wada shaqeeya , xaga adeega qabyaalada.

Muddooyinkan danbe ayaa dhaqanadii aan ka soo guurnay, isla-markaana ilbaxnimadeenu ay suulisay, ayaa waxa soo ifbaxay dad sheeganaya ganacsato, siyaasiyiin, madaxdhaqameedyo  iyo qaar la midda  oo marin-habaabisay haybadii iyo dhaqankii wanaagsanaa u rogay dukaamo yaryar dabakayooyin, oo aad maalin kasta arkayso dad caaddo ka dhigtay maalin-masruuf, milgihii ay lahayeena ka dhigtay dhaammeel uu u daadiyo hadba ninka dan ka lihi.

Waxaad arkaysaa dhalinyar badan oo ku murmeysa qabyaalad, iyagoo isku faanaya anagu halkaasaanu degnaa, intaasoo madaxa sare baanu leenahay dowladda , g/wakiilada intaas oo xildhibaan baanu soo saarnay , intasoo tujaara baanu leenahay iyo waxaan iyaga macne buuran u samaynaynin ,isla-markaana waxa miyi iyo magaaladiiba isugu biirtay laba isu cadaw ahaa oo ah siyaasad iyo qabyaalad., kana dhigay dadkii qaar sida sim-kaadhadhka la gashado telefoonada, hadba cid dangaara wadataa ay u isticmaasho,ama ay ka dhex hadlayso, Waxaana fiican in laga waantoobo hunguriga la siisanaayo midnimada iyo wada tashiga umadda,lagana koro waxyaalaha warxumo tashiilka, lana wada ilaashado nabadgalyada Somaliland, “Dan ayaa laga hadlayaa” ,”hadaanu reer hebel  nahay ma ogolin“, “Anaga waan raacsanahay iyo “Waanu ka soo horjeednaa”, “bilaa shuruud hebel halagu soo daayo”

Arimaha qaar ayaa sida looga hadlayo , waa in la waantoobo hababka dad badan oo mashruucyo balaadhan wataa ay markiiba soo geliyaan ama u rogaan dhinaca beelaha, ama hab gudi horumarin loogu adeegsado dano gaar ahaneed ku saleysan Hunguriga dhinaca ganacsiga ah ama hadaanu reer hebel  nahay ma ogolin , halka qaar kalena shaqsi la xidhay ku dhawaaqaan in bilaa shuruud hebel halagu soo daayo, ma dhacayso in ay qaran iyo qabiil ay is galaan, falalka qaar dadka sidan u dhaqma , waxaa fiican inay ogadaan inayna sidan milgo ahayn, nin weliba sida u doono ayuu u wadayaa maaha, xadhig xidhana ma leh ,hala ilaaliyo Nidaamka iyo sharciga umadda u yaalla, waa in la joojiyaa  turjumaada qaldan ee arimaha qaar laga sameynaayo, isla-markaana colaadaha iyo kala fogaanshaha waa in laga hortagaa lakiin aan durbaanka loo tumin. LA SOCO QAYBTA 3aad……

 

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,

TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND