Mulkiilaha, Maamulka iyo Shaqaalaha DAHABSHIIL oo tacsi tiiraanyo leh u diraya Marxuum Gen. Maxamed Saqadhi Dubbad

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Gnacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Siciid Maxamed Siciid, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadaha Dahabshiil waxay tacsitiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo Ciidanka Booliiska Somaliland ee uu ka baxay marxuumGeneral Maxamed Sanqadhi Dubbad oo ku geeriyoodey dalka Imaaraadka Carabta. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.