Maxaa Laga Filan Karaa Hogaanka Cusub Ee Dalada Dhalinyarada Sonyo? – Abdifatah Sh.Nuux

Tan iyo maalintii dalka dib loogu soo noqday ayaa horumarka wadanka ,hiigsiga dhalinyarada & wax qabadkuba ay ahaayeen qaar isa soo tarayay kuwaas oo maalinba heer marayay, taasina ay sababtay in ay wadanka ka hir galaan hayado caalamiya kuwaas oo si toosa uga hirgalay guud ahaanba Gayiga Somaliland, hadaba hayadahaaasi si ay u gutaan waajibaadkooda ku saabsan dhinaca horumarka una helaan cid ay shacabka u mariyaan mucaawimooyinka iyo ka shaqaynta arimaha bani’aadnimada ayaa ay taasi sababtay inay samaysmaan ururo aan dawli ahayni  ( NGOs)  kuwaas oo  aan ku shaqo lahayd arimaha siyaasada balse si toosa ula shaqeeya hayadaha caalamigaa si wixii deeq iyo horumar ahba ee wadanku u baahan yahay loogu mariyo shacabkooda si ay u fududayso hawlaha ay qabanayaan hayadahaa caalamigii, hadaba dadkeena oo aad moodo in ay si khaldan u fahmeen  ururada aan dawliga ahayn ayaa markaliya ku qamaamay in qofkastaa uu samaysto urur aan dawli ahayn,  sababta ugu wayn ee loo samaysanayaana ay tahay damac galay qaar ka mid ah shacabka si ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan deeqaha loogu dhiibay dadka danyarta ah , hadaba inagoo ka war hayna arintasi ayaa korodhka maanta ururada aan dawliga ahayni ee wadanka ka hirgalay tan iyo maalintii xornimada aan dib ula soo noqonay ay kor u dhaafaysaa 400 urur, taasi oo Af -kala qaad iyo u qaadan waa  ku abuurtay in badan oo ah shacabka reer Somaliland , hadaba dhalinyarada reer Somaliland ayaa dhidibada u taagay inay aasaasaan dalad midaysa taasi oo magaceeda marka la soo gaabiyo la yidhaa SONYO, taasi oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 54 urur kuwaasi oo ka kala jira guud ahaanba gayiga Somaliland min bari ilaa galbeed,hadaba dalladan dhalinyarada ee sonyo ayaa ahayd mid iyadu kulminaysay dhalinyarada guud ahaantood wallow aynu odhan karno caqabado badan ayaa soo waajahay kuwaas oo wax yeeleeyay habsami u socodkii dallada dhalinyarada ee SONYO, Dalada heer qaran ee SONYO waa goobta qudhe tilmaamsatay inay matasho dhalinyarada  qaranka, arintaas suura galnimadeeda waxa laga yaaba inay  dhaliso dood, balse horta aan isla qaadano erayo gaara, iskuna dayo inan idin qeexo waxan uga jeedo si an doodu uga bixin ujeedadeena guud:  hadaba si aan fikirkeena aan dalada ka haysano  aan u soo yara dhaweeyo aynu eegno awooda iyo kartida dalada SONYO, si aan u barbar dhigno shaqada laga rabo ama ay masuul iskaga dhigtay inay fuliso, hadaba dallada SONYO waxaa la unkay oo dhidibada loo taagay mudo haatan laga joogo toboneeyo sano, wakhtigaas oo koox dhalinyaro ah oo isku tagay ay hal abuuren fikirkan, waxay ahayd guul taariikhi ah oo ay tariikhduna xusi doonta,hadaba hogaanka sare ee dallada dhalinyarada waxaa isaga danbeeyay dhawr qof oo karti iyo awoodba lahaa, wallow aan odhan karo caqabadihii dhalinyarada dhexdooda ka jiray ayaa cagta la hadhay oo daladu kumay wada guulaysan hadafaadkii iyo mabaadiidii aasaasiga ahaa ee loo aasaasay, hadana marnaba ma dafikiri karno kaalintii ay ka soo qaateen wacyi galinta dhalinyarada iyo doorkii horumarkaba,

Hadaba hadaan dib u yara micilsano dallada dhalinyarada ee SONYO marka laga tago guulo yar oo ay gaadhay waxaynu odhan karnaa wali waxa hor taagan caqabado badan kuwaasi oo dalada ku noqday luqmatul xashar ay tahli kari waayeen gudoomiyayaashii isaga soo danbeeyay kursiga ugu sareeya daladu, hadaba hadii aan dul istaago waxaa ka mid ah, dalada dhalinyarada ee sonyo wali waxay awoodi laadahay inay midayso mabaadiida,odhaahaha iyo fikiradaha dhalinyarada guud ahaantood, sidoo kale  sonyo waxay tahli kari wayday inay seeska u dhigto dhalinyaro is ogol oo dan wada joogto ah leh, halka dallada lagaga xanto inay badanka abuurto inay kala qooqoobto dhalinyarada oo ay qolo kastaba goonidcabdifataaxeeda ula macaamisho, hadaba dallada sonyo dadka dhaliilaa waxay ku sheegaan inay tahay meel u xidhan dad gaara oo ay dadkaasi ku fushadaan danooda gaarkaa, taasi oo meesha ka saartay wax qabadkii iyo u hiilintii dhalinyarada, kana dhigtay inay dad dano gaar ah wataa ay majaraha u qabtaan, hadaba todobaadkan ayay ahayd markii ay dallada sonyo dooratay gudoomiye cusub iyo gole sare oo cusub, kuwaasi oo ku yimid sifo sharciga waafaqsan wallow aan odhan karo kamay madhaynayn qabyaaladi, hadana duruuufaha dhaqan dhaqaale ee wadanka ka jira markaad u eegto, waxaan odhan karaa sidii ugu wanaagsanayd ee doorasho SONYO dhexeeda soo marta ayaa loo doortay gudoonkan cusub,wallow aanan aqoon u lahayn gudoomiyahan cusub ee hogaanka loo dhiibay, hadana dadka arimaha dhalinyarada falanqeeya ayaa ku sheegay inuu yahay nin dagan,waayo aragnimo iyo indheer garadnimana xanbaarsan kaasi oo ku soo dhex jiray arimaha dhalinyarada mudooyinkii ugu danbeeyay, sidoo kale wuxuu wada shaqayn la soo sameeyay hayadaha calamigaa ee dalka jooga, kuwaasi oo ay ku amaanayeen inuu noqon doonto mid guta hawshiisa, waxna ka badali doona aragtida iyo mabaadiida laga leexiyay majarahooda, dhalinyarada uu  noqon doono ciwal khayr qaba oo loo soo diray, wallow aan odhan karo shaqsi kaliyi waxba kalidii ma badali karo, hadana damiirka iyo qalbiga fayowba waxay ina tusin karaan in hadii uu kartidiisa iyo daacadnimo uu isku daro oo uu dhexda u xidho inuu ku guulaysan karo inuu dhalinyarada kala habowday ee dhexdooda cadawga la isaga dhigay uu meel isugu keeni doono, sidoo kale waxaa la rajaynayaa inuu gudoomiyahan cusubi wax ka qaban doono tabashooyin badan oo ay tabanayaan dhalinyarada guud ahaantood kuwaasi oo aan ahayn kow iyo laba, balse tiro beelay,wax ka qabashadooduna ay dhalinyar badan ka dhigtay rajo beel, waxaan rajaymnayaa inuu gudoomiyahan cusubi uu noqon doono mid fikirkiisa, kartidiisa iyo odhaahisiiba ku tilmaami doono doorka dhalinyarada ay u leedahay mustaqbalkan dalka, sidoo kale uu ficil wax kaga qaban doono arimo badan oo is barkan cid ka hadashana la laayahay, sidoo kale gudoomiyaha cusub waxaa hor yaala dhagaxaan badan kuwaasi oo loo baahan yahay inaanu ku turunturoon balse loo baahan yahay inuu ka dul talaabsado si uu u gaadho hamiga iyo hanka dhalinyarada ee quusta laga taagan yahay, sidaynu ka war hayno wadanka waxaa ka jirta camal la’aan xoogan taas oo dhaxalsiisay dhalinyaradii wadanka intoodii wax baratay iyo intii kaleba inay hadh cad ka hayaamaan wadankoodii hooyo iyagoo ay u badheedhaya saxaarada iyo dhibaatooyinka xanuunka badan ee tahriibta, taasoo is libin laabtay sanadihii ugu danbeeyay shalaytoo ugu danbaysayna ay ku naf waayeen soddoneeyo dhalinyaradeedii iyo ubaxeenii ahaa,  balse dalada Sonyo oo masuul ka ahayd dhalinyaradaa ahaydna tii maanta u doodi lahayd ee hadh iyo habeenba u soo jeedi lahayd sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen kalana shaqayn lahayd xukuumada iyo wasaradaha ay khusaysaba in dhalinyarada loo sameeyo qorshe siyaasadeed  cad ( Stretregic Policy About Youth ) iyo barnaamijyo shaqooyin iyo xirfado loogu abuurayo , hadaba arimahaas iyo inkale oo badan ayaa hor yaala shir gudoonka cusub ee loo doortay hogaanka dhalinyarada SONYO, waxaanan rajaynayaa inuu daawo iyo dayax u  soo baxay uu unoqon doono dhalinyarada reer soomaliland guud ahaantood, halyeey ay xasuustaana uu noqon doono hadii uu tubta  wanaagsan cagta saaro,waxaanan u rajaynayaa inuu ilaahay u fududeeyo, xilkaa culus ee uu qaadayna isna si daacadnimo, feejignaan iyo hufnaani ka muuqato u guto, sidii loo boqray uu isna wax qabadka dhalinyarada diirada u saaro

Qalinkii: Abdifatah Sh.Nuux Jaamac (Suldanka )

MBA-Student in Jomo-Kenyata University

Email: Samriye99@hotmail.com

 Mobile: 4474468