Madaxweyne iyo Madax Dal oo Xaquuqdoodii Maqan Tahay Ma ilaalin Karaan Xuquuqdeena, ee Waa Inaynu Madaxdeena Siinaa Xaqooda, Si Aynu uga badbaadno Hagardaamooyinkooda!!

Garyaqaan Salidhige
Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige) isla markaana ah garyaqaan Tabliiqi-Sharci ah (Voluntary Lawyer) ayaa halkan waxaan Bulshada JSL aan ugu soo gudbinayaa Qormo ka mid ah qormooyinkayga Hiilka-Sharci, ee illaahay (SWT) loogu dhowaanayo waana sidan:-

Waxa xaqiiqo ah in Madaxweyne iyo Madax Dal oo Xuquuqdoodii ay maqan tahay aanay ilaalin karin, dhawri karina xuquuqaha kala duwan ee ay leeyihiin bulshada JSL ee ay madaxda u yihiin!!

Runtii waxa xaqiiqo ah in bulsho badani ay u qaadan kari la’yihiin inaad tidhaahdid Qof Madaxweyne ah ama Wasiir ah, ama Agaasime guud ah. ama Suldaan ah iwm, ayaa xuquuqi ay ka maqan tahay!! Runtii waa arin aad loo qariibsanayo oo Bulshada badankeedu aanay kaa siddiqayn. Waayo, ‘Dhibaato ayeynu Raaxo Moodaynaa’!!

Waxaynu nahay Bulsho Xeerarka iyo Dawladnimaduba ay ku qaloocdeen, qaloocaasina uu warab iyo qaloocba uu geliyey dhammaan nolosheenii kale.

Waxaynu nahay oo uu illaahay inaga abuuray Bulsho dun wanaagsan, oo Han-weyn, oo ah Qabaa’il, oo illaahay (SWT) uu ku manaystay Diin Islaa ah iyo Dhaqan Suuban, isla markaana uu ku beeray Dhul hodan ah iyo Boqcad Dhuleed tii ugu Wanaagsanayd oo Cidhifkii Qaaradda Afrika ee xigtay xaga dalalka islaamka. Khayraadka Dalkeenu ee HAWADA, BADDA, DHULKABA waa kuwo inaga badan oo Boqolaal kun oo sanadood Qaarado badan lagu biilin karo. Waa Nimco haddii Illaahay (SWT) loogu Mahadnaqo la inoo sakhiri karo manaafacaadsigeeda.

Waxaynu nahay Bulsho weligeedba (intii Dawladnimada la qaatay [from 1960 2012]) aan arag wax Maamul iyo Dawlad wanaag ah (Good Governance) iyo Dawlad dadkeeda xaqsiinaysa iwm. Waxa ina Xukma madax iyo Mutacalimiin Quus ah, oo Aaminsan inaan la is-xaqsiin karin; inaan Caddaalad Garsoor oo Madaxbanaan la heli karin, Waxayna yihiin kuwo Aamibsan  ‘YURUB BAA LA ISKU XAQSIIYAA’ iyo ‘Afrikaan baynu nahay’ iyo aragtiyo kale oo khaldan oo caynkaas ah oo Raqiis ah oo Maskaxdooda ku Qufulmay. Laakiin, waxaynu nahay ummad u abuuran GOBONIMO, laakiin aan weli helin Dawlad wanaagsan iyo Madax Hilin iyo dariiqo wanaagsan inoo horkacda, oo Bulshadeena u qaabaysa una hor kacda IS-XAQ-SIINTA. Haddaba, waa in aynu kala roonaanaa, oo haddii xagooda (xaga madaxdeena Siyaasiyiinta ah) ay ka iman weyday fikradda fiicani, waa inay xageena (xaga shicibka) ay ka timaadaa, oo waa inaynu abuurnaa jewi ‘IS-XAQSIINEED’, si taas lagu suurto gelin karana waa inaynu Bulsho ahaan gudanaa Waajibaadkeena Dastuuriga iyo Diinigaba ah. Waa inaynu ku dedaalnaa in aynu ahaano kuwo ummadda u horseedi kara dariiq wanaagsan oo kudayasho mudan oo Illaahay (SWT) aduu iyo aakhiroba uu inagu abaal mariyo.

Mushkiladda dalku Waa MADAXDA iyo QASRIGA Madaxtooyada

Mushkiladda ugu weyn ee dalka ka jirtaa waxay tahay waa Madaxda dalka iyo Qasriga Madaxtooyada. Haddii labadaasi ay inoo hagaagaana wax kastaaba way inoo hagaagi doonaan, haddii labadaasi ay inaga xumaadaana waxa xaqiiqo ah in wax waliba ay inaga xumaanayaan. Sababta ay inoo dhibaataynayaana waa waxa maqan Xuquuqihii Madaxda iyo tii Dawladda ee u suurta gelin lahaa inay Dawladdu guto Waajibaadkeeda; Dawladnimadeenu waa QABYO, waxay u baahn atahyna waa in Dib u dhisid iyo Dib u habayn lagu sameeyo dhamman Dhismeyaasha Dawladnimo iyo Hay’adaheeda kala duwanba (Re-establishment and Re-setting on Public Institutions and thier Organizations) Madax Dawladeed oo cusubina waxay wax ku qaban kartaa waa marka ay hore jiraan Shuruuc iyo Xeer Nidaamiyeyaal Maamul (pre-existing laws and Regulations) kuwaasi oo wax ku oolnimada waxqabadka dawladnimo (effective government) lagu suurto gelin karaa. Laakiin Sharci ahaan ma aha sidan ASQADA ah ee madaxdeenu ay maanta wax u maamulayso, Sidana kuma sii ahaan karno Dawlad. Madaxdan maanta waxay talada dalka hayeen muddo yar oo hal sano iyo badh ah, laakiin Dawladda iyo Qasrigan Madaxtooyaduba hortood ayey dhisnaayeen, sidaas darteena ma haboona in Madaxdan maanta ay isku aragto kuwo iyagu abuuray Dawladda, sidoo kalena ma haboona inaynu ianaguna u argno sidaas. Madaxdaasina waxay kala yihiin sida:-1) Madaxda dawladda; 2) Madaxda Dhaqanka (Suldaanada, cuqaasha iwm); 3) Madaxda Xisbiyada; 4) Madaxda Diinta iwm. Dhamaan madaxdani waxay yihiin kuwo dhexdooda is bahdilaya, oo si naqdiyaaya, oo is xaqiraaya, oo badhba badhka kale ayuu masaxayaa karamkooda iyo dadnimadooda. sababtuna waxay tahay waxaan jirin wixii kala hagi lahaa iyaga iyo Hay’adahoodaba. Waxaan u kala soocnaynayn Shaqooyinkooda iyo Masuuliyadooda. xaalku si kastaba ha ahaadee Bulshada dan yarta ahi way ku dhex dhimanaysaa Tafaraaruqooda iyo is bahdilaadoda, waxaana lumaya Midnimadii, Nabadgelyadii iyo dhamaan Qiyamkii Bulshada JSL. Ma aha arimo laga sii aamusnaan karo.

MADAXDA (M/weynaha) DALKU waa:-

Qeexitaanka iyo tilmaanta Madaxdweynaha iyo Madaxda kaleba waxaaynu kaga hadli doonaa mawduuc gaar ah iyadoo aynu ka eegidoono dhinacyo badan oo ah culuunta Diinta, Sharciga, Siyaasadda, iyo Aragtiyaha kala duwan ee Fuqahada iyo Faylasuufyada Qaanuunka iyo Siyaasadu ay ku kala tegeen iwm.

Qeexitaan kooban:- Madaxweynuhu waa 1- Astaanta Midnimada Ummadda; 2- Waa Wasladda ama xubinta ugu qaalisan bulshada, waxaana ka farcama dhammaan qaybaha kala duwan ee madaxda iyo Bulshada rayidka ah.

QASRIGA MADAXTOOYADANA waa :-

Qasriga Madaxtooyaduna iyadoo si gaar ah iyo mawduuc gaar ah aan kaga hadli doono Muhimaddiisa iyo Dhibaatooyinkiisaba, ayaa is dhismahaas Qasriga waxa ka farcama dhammaan dhismeyaasha kala duwan ee Dawladda. Waxaana loo baahan yahay oo lagama maar maan ah in dhakhso loo sameeyo Sharcigii dhismaha Dawladda (Government Organisation Act), Sharcigaas oo la’aantiis aanay suurtoobayn in Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka loo sameeyo Shuruuc iyo Xeer-Nidaamiyeyaal maamul, Mawduucan oo faah-faahsana kala soco qormooyinkayga dambe ee Hiilka Sharci.

DHALIILAHA MADAXTINIMO EE MAANTA:

Markaad dhanka dhaliilaha aad ka eegto: Madaxtimadu dalkeenan maanta waxa yihiin ‘Fursado Xad-gudub’ oo lagu kasbado dhaqaale faro badan oo xaaraan ah, isla markaana ah fursado lagu kasbado saaxiibo badan oo ah dad madax ah oo kale iyo Fursado lagu kasbado Macaariif badan Ganacsato iyo Tujaar ah oo dhaqaale leh. Ninka ama Qofka madaxda ahi waa WEYD oo uma doodi karo dadka uu xukumayo ee uu kaderajo sareeyo ee dawladda u shaqeeya, oo ma raadin karo xuquuqaha ka maqan. Laakiin bal iska daa inuu u dooda’e, waxaaba uu wax ka dayaa ama uu ku deeq bartaaba Mushar ku sheega yar ee ay qaataan shaqaalihiisu, kaas oo isaga oo iska dhisaaya cid kale yidhaahda “anaguna hay’ad ahaan waxaanu cid hebel ugu deeqnay lacagta intaas le’eg!!?”

Madaxda dalku waxay usii kala kala xad-gudub iyo hagardaamo badan yihiin waa sida ay u sii kala sareeyaan!!? Runtii waa arimo Illaahay (SWT) laga magan galo.

Laakiin marka dhanka kale aad ka eegto: Waxa xaqiiqo ah in madaxda dalku ay yihiin kuwo dulman oo dhibaato iyo duruufo adag oo fara badani ay ku xeeran yihiin, waxaana jira wax badan oo ku dirqiyaaya inay xumaantaas dhex dabaashaan iyo inay noloshooda iyo nolosha qoysaskooduba xumaadaan oo xaaraan-quutayaal ay noqdaan. ‘Oodo Dhacmeed Siday u Kala Sareeyaan Baa Loo Kala Guraaye’, waxa baadhitaano iyo deraasado fara badan oo anigu aan sameeyey aan ku ogaaday oo iiga soo baxday in madaxdu ay yihiin kuwo Dalkooda iyo Dadkoodaba ku dhex dulman.

XALKU WUXUU YAHAY INAY BULSHADU GUDATO XUQUUQDA MADAXDEEDA

Anigu Garyaqaan ahaan, waxaan ogaaday, xalku yahay in haddii Bulshadu ay gudato xuquuqda iyaga ku baaqatay ee madaxdooda iyo dadkuba ay ku leeyihiin, isla markaana ay hantaan dhibaatada naftooda ka imanaysa, si waafaqsan aayadaha kala ah sida Aayadda 59aad ee Suuradda Al-Nisaa iyo Aayadda 105aad ee Suuradda Al-Maa’ida iyo Axaadiista Rasuulka (NNKH) ee la xidhiidha mawduucyadaas, in Illaahay (SWT) uu isna Dammaanad qaaday inay dadkuna (Bulshaduna) ay helaan Xuquuqahooda, isla markaana in Illaahay (SWT) uu kaga filnaaday Bulshada cid kasta oo dhibaato iyo Hagardaamoba istidhaahda gaadhsii ee ka midka ah dadka halowga ah ee xummo raadiska ah ee ka baadiyoobay raacitaanka xaqa.

Waa Maxay XUQUUQAHA KA MAQAN MADAXDA DALKA?!!:

Xuquuqaha madaxda dalku ay leedahay ee kaga maqan xaga bulshada ay madaxda u yihiin waxaa ka mid ah sida:-

1- Xaqa Garwshiiyaha: Madaxdu waxa mudan yihiin in bulshadu ay joojiyaan cidla ka wareerka oo ay madaxdooda uga garaabaan Dhibaatooyinka iyo duruufaha adag ee ku xeeran;

2- Xaqa Nashasho: Waxa xaqiiqo ah in madax aan haysan waqti ay ku nastaan, in bulshadoodana ay ku ridayaan nashaso la’aa; la soco qormada ‘Madaxweyne iyo Madax dal oo Dalkoodii Nasan Kari Waayey, una Nasho Tegay Dalal Shisheeye’

3- Xaqa Ixtiraam: Madaxdu iyadoon lagu kala soocin Qabiil, deegaan iwm, waxay mudan yihiin in bulshadu ay ixtiraamaan u muujiso madaxdooda;

4- Xaqa Caawinta: Madaxdu waxay bulshadooda xaq ugu leeyihiin inay ka caawiyaan wixii hawl ah ee kala soo gudboonaada, ama ay madaxdu ka codsatoba;

5- Xaqa Xusuusinta: Madaxdu waxay xaq u leeyihiin in bulshadu ay xasuusiyaan wixii ay hilmaamaan madaxdoodu ee macruuf ah ee ay garan karaan ama ay la og yihiinba;

6- Xaqa si Macsi la’aan ah u Addeecidda: Mawduuca arinkani waa mid xasaasi ah, isla markaana ah xaqa ugu muhiimsan ee laf dhabarta u ah xuquuqaha ka maqan madaxda, arinkaas oo ah mid mudan in si gaar ah looga hadlo loona faahfaahiyo dhibaatooyinka iyo xanuunada ka dhasha bixin la’aanta xuquuqahan oo bulshada ku baaqata. Xanuunadass oo ay ka mid yihiin ‘XANUUNKA QAYBI OO XUKUN (Devide and Rule)’ iwm.

7- Xaqa La Talinta iyo Si asluubaysan u tilmaamidda;

8- Xaqa Maamuusidda iyo inaan la ihaanayn (aan La ihaanayn);

9- Xaqa Daymo fiican ku eegid Qoysaska Madaxda;

10- Xaqa si asluub leh oo ladifan ugu sheegid Dhaliishooda iyo wixii ka khaldamay;

11- Xaqa u rajayn wanaag, Guul, u ducaynba;

12- Xaqa ka Saamixid wixii xad-gudub iyo deelqaaf ah ee xagooda kaga yimaada. ee aanay u qasdiyin;

13- Xaqa Dhaqaalaynta Madax dhaqameedka (Suldaanada, Cuqaasha, Garaadada iwm);

14- Xaqa dhakhso u bixinta Qaadhaanka Reeraha ee ku beegma xubnaha Qabiilka ama Jilibadu ka kooban yihiin;

15- Xaqa u Samaynta Xeerar dhaqan oo Nidaaminaya Madaxdhaqameedka Qabaa’ilka oo Qeexaya Hawshooda, Derajadooda, Maamuuskooda, Anshaxooda, Doorkooda Masuuliyadeed ee Qaran ahaan, Nidaamka Xidhiidhkooda Dawladda, iwm si waafaqsan Qodobka 57aad ee Dastuurka JSL;

16- Xaqa Xurmaynta, Dhaqaalaynta (Daryeelida), ilaalinta, iyo Tariikh ka Qorida Odayaasha iyo Dadka waaweyn ee Gaboobay ee Bulshadu ay ka kooban tahay;

17) Xaqa Xurmaynta Golaha Guurtida iyo Ka Reebidda DUMARKA, Waayo waa ODAYAAL ee ma aha Gole ‘HABRO’. Odaynimada iyo Habarnimadu mid waliba waxay leedahay karamkooda iyo Maamuuskoodaba iyadoo laga duulaayo (Rightious persons to Right positions) Marwadan maanta Golaha Guurtida ku jirtana waxa keenay duruuf ee ma aha mid ku timid Doorashp, xulasho iwm

18- Xaqa Samaynta Golaha Guurtida Xeerar Doorasho oo Dadban oo ku haboon Dhaqanka diinta, iyo Qiyamka ummadda. Waayo G/Guurtidu waa Gole Siyaasadeed Dhaqan ( oo Saami Qabiilo ku yimaada), iwm.  G/Wakiiladuna waa Siyaasadeed Casri ah oo doorasho toos ah lagu yimaado oo Rag iyo Dumar kuwii ku bataa aan loo kala eegayn.

Waa Maxay Xuquuqaha BULSHADU Ay Ka Rabto Madaxdeeda?

 Xuquuqaha maqan ee Bulshadu ay madaxdooda ku leedahay waxa ka mid ah sda:-

1- Inay Mideeyaan Xooga (Cududa), Jeebka (Dhaqaale) iyo Fikirka dhammaan Muwaadiniinta JSL, oo isu geynta awoodahaas ay si siman wax ugu qabtaan bulshada JSL, isla markaana aanay Kala qayb-qaybinin, oo Badhkaayoba badhka kale madaxa isula dhicin, iyo i n laga ilaaliyo Habmaamulka Xukun ee ah ‘Kala Qaybi oo Xukun’ (Devide and Rule);

2- Inay Muunad iyo Hormuud lagu daydo ay inoo noqdaan, oo Tubta Toosan ay inagu Hagaamiyaan;

3- Inay inoo sameeyaan Shuruuc, Xeerar iyo Nidaam Dawlanimo oo wax kala hagta ay inoo sameeyaan;

4- Inay Taariikhahayaga ay qoraan teeda wanaagsan ee ku dayashada mudan;

5- Inay nooga Faa’iideeyaan Dadkayaga Maanta Da’da ah ee sii Gaboobaaya ee leh Aqoonta Dhaqanka, Diinta, iyo Culuumta Siyaasadda iyo Nidaamka Dawladnimo;

6- In aanay Fasaqin Dhaqankayaga iyo Qiyamkayaga Suuban oo aanay naga dhigin FAQASH, GUULWADAYAAL, NACAMLEYAAL, iwm;

7- Inay Nooleeyaan Dadnimadayada, Odaynimadayada, iyo Ruuxdayadaba, oo iyadoo laga faa’iidaysanaayo baahiyaha iyo duruufaha qalafsan ee markaa ku xeeran aan NALAGA BAHDILIN ODOYAASHAYADA, GUURTIDAYADA, MADAX-DHAQAMEEDKAYAGA, HAL-DOORKAYAGA iyo DADKA TALO QABEENKA AH ee ‘AHLUL XALLI-WALCAQDIGA’ ah;

8- In Dhinacooda (Madaxda) aan nalooga soo Dhicin, iyo aanay nasiisan Qiimo yar oo Shilimo ah;

9- In Ammaanada ay noo hayaan ay noo xafidaan, oo hadhoow marka xilkoodu dhamaado iwm ay si wanaagsan noogu soo wareejiyaan, sidii Marxuum Mj Ex– Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed cali (Tuur), iwm;

10- In ay dawladnimadayada loo qaabeeyo hab Qofnimo Qaanuuneed, oo ah mid leh Qiyam; mid leh Dadnimo; mid leh Garasho-Guudnimo, Aragti-Guudnimo, Hab-u-Fikir Guudnimo, Wax-qabad-Guudnimo, Hadal-Waayeelnimo, Ficiltan iyo Dulqaad Odaytinimo, Garasho-Raganimo, oo Fogaan-arag ah; oo Xilkasnimo iyo Xishoodba leh; oo Fekeraysa, oo wax Dersaysa, Baadhitaan samaynaysa, oo qaabka Go’aan-qaadashadeedu aanu Caadifi ahayn, oo aanu Hebelo-necayb, Xisbinimo nacayb, iyo Qabiilo nacayb midna ahayn;

11- In Bulshadayada ay noogu qaabeeyaan hab Bulsho ku ku dhisan oo si quman looga hago Warbaahinta xorta ah ee madaxa banaan, oo la diyaariyo barnaamijyi wacyigelineed, kuwo waxbarideed oo dadweynaha lagu barayo sida ay dawladnimadoodu guud ahaan ay u shaqayso; Qaybaheeda, sida ay u dhisan yihiin (Structure), sida dhexdooda ay u wada shaqeeyaan; dariiqa loo marayo adeegyadooda; iwm. Waayo maanta waa Caalam warbaahin iyo macluumaad;

12- In ay noo abuuraan waax garsoor oo leh Madaxbanaani la taaban karo; oo leh awood Sharciyeed oo ay ku xaqiijin karto in Bulshadu ay hesho Maamul Caddaaladeed oo Wax Ku ool ah, oo dhakhso ah, oo bulshadu ay ku tiirsanaan karto, miciinsan karto; oo awoodda in xuquuqaha rayidnimo ee Bulshada ay Sharciga hortiisa ku difaaci karto, kusoo ceshan karaan, oo ah Garsoor Maxkamadeed oo aan habran, oo xaq-ku-dhac leh, oo laga haybadaysto; oo baabiin karta Qoraalada-awaamiirta iyo Xeerarka khaldan ee ka soo baxa Madaxweyneyaasha, Wasiiradda, Baarlamaankaba iwm. Waayo, dalka iyo dadka JSL midna ma rabaan Xukuumad bilaa dabar ah oo leh awoodo fara badan oo Xad-gudub; sidoo kalena Marabaan Xildhibaano iyo Baarlamaan leh awoodo dabar la’aan ah; Laakiin waxay yihiin Bulsho u haraadan oo doonaysa inay helaan Caddaalad-Garsoor Maxkamadeed oo wax ku ool ah oo Madaxda siyaasiyiinta ah iyo Tujaartuba ay ka haybadaystaan; si arimahaas lagu xaqiijin lahaa iyo sidii Hawlwadeenada iyo Garsooreyaasha Dalkaba loo sugi lahaa, oo Qaran ahaan loo Dammaanad qaadi lahaa Noloshooda, nolosha Qoysaskooda, Habmaamuuskooda, Xuquuqahooda, iyo Daryeelkoodaba, waxaanu ballanqaadaynaa in haddii Illaahay (SWT) idmo aanu u hawlgeli geli doono oo aanu idinla garab geli doono.

13- In Madaxweynahan iyo Madaxdan dalka ee maanta ay noo qoraan Taariikhdii, Magacyadii, Sawiradii, Doodihii, Ajendayaashii, iwm ee Odayaashii Dhaqanka ee dalkan JSL dhidibada noogu aasay ee ka qaybgalay Shirarkii BURCO 1991-kii, Shirkii TAWFIIQ ee Sheekh, Shirkii BOORAMA 1993-kii, iyo Shirkii HARGEYSA ee 1997-kii ee noo qoray HESHIIKII BURCO, AXDI QARAMEEDKII BOORAMA, hab-Nabadayntii BEELAHA, hab-Qoristii DASTUURKII ku Meelgaadhka ahaa, Dastuurkan maanta iyo iwm, oo ay ahaadaan DHukumentiyo lawada heli karo oo ah Qoraal, Maqal iyo Muuqaalba. Waxaanu u baahanahay inaanu helno iyadoo aan sheeko ahayn oo dhokumentiyo ah Habkii Gobonimada lahayd, Axraarnimada ahayd, Geesinimada lahayd, Habrasho la’aanta ahayd ee Odayaashii dhaqanka ee metelayey Qabaa’ilka JSL ee ay shirarkaas dhexdooda, u Garnaqsanaayee, u Doodayeen, u Xisaabtamayeen ee iyagoo ka duulaya mabda dhaqan ee yidhaahda ‘Sida Cadaawahana Waa Loo Xisaabtamaa, Sida Walaalahana Waxbaa La isu Siiyaa’, Odayaashaas oo kala ahaa Odayaashii Dhulbahante, Warsangeli, Gadabuursi, Isaaq, iwm. Waayo, waxaynu la’nahay oo hadal mooyaane ay dawladdu sugi kari la’dahay Dhokumentiyadii iyo Taariikhdii 1960-kii ee xuquuqihii Dawladnimo ee Ummadda. Markaa si aanay u dhicin dhacdadaas Dayacaadda ah oo kale waa in si dhkhso ah Dawladdu ay ugu hawlgashaa una samaysaa Xafiis iyo Hay’ad gaar ah oo Sharciyadeeda la soo mariyey baarlamaanka dalka, oo ururisa, baadidoonta oo xataa Naadisa ciddii waxuu ka haysa oo loogu balanqaado lacag abaalmarin ah, tan iyo tii 1960-kiiba. Waayo waxaynu ognahay in Odayaashii, waxgaradkii, saraakiishii SNM iyo Guurtidiiba ay badankoodii dhinteen, wixii ka noolna ku dhex fasaqmeen Maamul-xumada Dawladda, oo xataa Xaaji CABDIKARIIMKAAS (C/waraabe)  maanta sii nool aanay dawladdu waxba ka qorin oo aanay ummadda waxba uga reebin. Waayo ma aha in si fudud naloo yidhaahdo waxaynu nahay UMADA-HADAL (Oral society) anagoo ah Umad taariikheed iyo Gobonimo oo haddii Dawladdu ay bulshadeeda u qaabayso ay noqon lahaayeen Bulsho Qoraal. Arinba Allaa Leh.

14- In ay naga ilaaliyaan wixii dilay ee Burburka u horseeday Dawladnimadii Soomaaliya ee aynu hore qaybta uga ahaanjirnay ee ahaa DULMIGA, EEXDA, QABIILAYSIGA, QARAABO-KIILKA, EEXDA iwm. Inshaa’ Allahu. ILAAHAY (SWT) Wanaaga iyo Tawfiiqdaba ha ina Wada Waafajiyo. AAMIIN, AAMIIN.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

By: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)