Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

Qodobka 10aad
Xidhiidhka Wasaaradda Horumarinta Beeraha & Mac’hadka

1) Mac’hadka cilmi-baadhista beeruhu waxa uu u gudbinayaa siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha ee uu diyaariyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, si uu u ansixiyo.

2) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxa uu ka hawl-galayaa sidii mac’hadka loogu raadin lahaa dhaqaale uu ku fuliyo hawlihiisa shaqo.

3) Mac’hadku waxa uu wasaaradda u gudbinayaa war-bixinaha la xidhiidha wax-qabadkiisa.

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Mac’hadka tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. Sidoo kale Mac’hadku wuxuu ku war-gelinayaa Wasiirka hawlaha uu u arko in ay ku jirto danta Qaranka ee la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha dalka.

 

+++++++++++++++++++++++++++++++++

Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

Xafiiska Diiwaanka Sekada

Markaan Arkay: Qodobada 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobada 12aad, faqradiisa 7aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin beeraha iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soosaarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay: Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumada iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr.71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laamaheeda shaqooyinka,

Markaan Arkay; In Sakadu ay tahay qaab maaliyadeed oo cibaado ah, taasoo waajib looga dhigay Muslimiinta, isla markaana ah aasaaska nidaamka dhaqaalaha Islaamka, kana mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan laalo Xeer Madaxweyne Lr. 0460/032015, kuna taariikhaysan 07/03/2015 ee lagu aas-aasay Xafiiska Diiwaanka Sekada.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta Xafiiskii Diiwaanka Sekadu uu noqdo Waax ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

3) In Waaxda Diiwaanka Sekada ee Wasaaradu ay ka masuul noqoto;

a) ku-wacyi gelinta bulshada in Sekadu tahay hannaan maaliyadeed oo Islaami ah, taasi oo ah waajib la xidhiidha in qofku ka bixiyo hantidiisa sannad kasta qadarka sekada ah ee ku waajibay.

b) Ka-guddoomidda qofka bixinaya qadarka sekada ee ku waajibay.

c) Cayimidda iyo ku dhawaaqidda sannad kasta waqtiga loo qoondeeyay guddoomidda, ururinta, qaybinta iyo maamulka sekada, si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada shacabka.

d) U-qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada, si loo cidhib tiro saboolnimada.

e) Ku-wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada iyo in bixinta sakadu ay daahirinayso, kordhinayso oo barakaynayso hantida qofka muslimka ah.

f) Dhigidda sekada xisaabta Xafiiska ee baanka dhexe ee Somaliland.

g) Hawlaha kale ee Wasiirka Wasaaraddu u xil-saaro.

Madaxweynaha JSL 

Md Muuse Biixi Cabdi

.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net