Daahir Rayaale Oo Soo Af-jaray Damacii Fashilinta Heshiiska Somaliland vs Ethiopia iyo Tuhunkii Dekedda Lughaya

Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii hore ee Somaliland

Boorama (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo magaalada Boorama kulan kula qaatay bulshada gobolka Awdal, ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi bixiyey 1 Milyan oo Dollar oo qayb ka ah Dhaqaalaha lagu dhisayo dekedda Lughaya

Daahir Rayaale waxa uu ku dheeraaday doorka ay shacabka Awdal ku leeyihiin dhismaha dowladnimada iyo horumarka Somaliland, taasoo uu xusay inay udub-dhexaad u tahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee 30-kii sanno ee u dambeeyey ka tisqaaday Gobolka Awdal.

Waxa uu shacabka Awdal ku baraarujiyey inay ka foojinaadaan duullaan siyaasadeed iyo mid bulshada oo lagu waxyeelaynayo nabadgelyada iyo horumarka reer Awdal, kuwaas oo uu xusay inay dabada ka riixayaan shaqsiyaad qurbejoog ah iyo kuwo dhaqaale ahaan ku tiirsan maamulka Soomaaliya.

Muuqaalka Hoose Kaga Hadalka Ex-madaxweyne Daahir Rayaale