Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

Qodobka 1aad
Dhismaha Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

1) Waxa halkan lagu aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, kaas oo noqonaya Mac’had gaar ah oo qaabilsan cilmi-baadhista iyo daraasaynta wax-soo-saarka beeraha dalka.

2) Mac’hadku waxa uu noqonayaa hay’ad Dawli ah oo madax-bannaan, waxaana uu yeelanayaa jiritaan qaanuuni ah iyo shaambad u gaar ah, waxaana uu ku dacwayn karaa, laguna dacwayn karaa magaciisa, sidoo kalena ku qabanayaa hawlaha khuseeya shaqadiisa.

3) Mac’hadku waxa uu hoos imanayaa (Line Ministry) Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Qodobka 2aad
Ujeeddada Mac’hadka

Ujeeddada loo aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waa:
1) In uu horumariyo wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyada oo la raacayo cilmi-baadhis.

2) In lagu dhiso qaab-dhismeed Dawli ah oo kobciya aqoonta beeralayda, isla markaana ku tababara beeralayda farsamooyinka falashada beeraha, iyadoo lagu salaynayo deegaannada beer roobaadka, beeraha waraabka iyo deegaannada u nugul abaaraha.

3) In uu sameeyo daraasado iyo cilmi-baadhis lagu curinayo tiknoolajiyad casri ah oo lagu horumarinayo beeraha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalagyada beeraha, loona gaadho isku filnaasho dhinaca cuntada ah.

4) In uu xidhiidhiyo, isla markaana isku duwo hawlaha cilmi-baarista ee xarumaha cilmi-baadhista iyo jaamacadaha, sidoo kalena fuliyo natiijada climi-baadhista.

5) In uu noqdo xarun cilmi-baadhiseed iyo maktabad ururisa mac’luumaadka guud ee la xidhiidha arrimaha beeraha.

6) In uu bixiyo adeegyada la-talinta ee dhinacyada cilmi-baadhista iyo tababarka beeraha.

7) In uu ku tababaro shaqaalaha beeraha iyo beeralayda habka fidinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha ee casriga ah.

Qodobka 3aad
Shaqooyinka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Shaqooyinka Mac’hadka cilmi baadhista waxa ka mid ah:
1) Diyaarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

2) Diyaarinta qorshe hawleedka iyo barnaamijyada cilmi-baadhista beeraha iyo hirgelintiisa.

3) Go’aaminta mudnaanta cilmi-baarista, iyadoo lagu salaynayo siyaasadaha dalka ee horumarinta beeraha.

4) Qabashada cilmi-baadhista horumarinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyadoo lagu salaynayo siyaasada iyo istiraatiijiyadda cilmi-baadhista beeraha.

5) Abuuridda xarumaha cilmi-baadhista beeraha ee gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo loo eegayo ku haboonaanshaha carrada iyo deegaanka.

6) Ka qayb qaadashada kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada dadwaynaha iyo gaar ahaan beeralayda ee la xidhiidha hirgelinta natiijooyinka cilmi-baadhista iyo fidinta habka beer falashada.

7) Ururinta, habaynta iyo faafinta mac’luumaadka la xidhiidha hawlaha cilmi-baadhista beeraha ee dalka.

8) Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha.

9) Kor u qaadidda aqoonta beeralayda ee ka faa’iideysiga khayraadka biyaha iyo waraabka iyo habsami u isticmaalka biyaha.

10) Daraasaynta iyo qiimaynta saamaynta abaaruhu ku yeeshaan wax-soo-saarka beeraha iyo soo-jeedinta xalkooda.
Qodobka 4aad
Qaab-Dhismeedka Mac’hadka

Qaab-Dhismeedka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa uu ka kooban yahay;
1) Guddiga Sare ee Mac’hadka,
2) Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka,
3) Xarumaha Cilmi-baadhista, iyo
4) Waaxaha & Shaqaalaha kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’haka.

Qodobka 5aad
Xubnaha Guddida Sare ee Mac’hadka

Guddiga Sare ee Mac’hadka waxa magacaabaya Madaxweynaha JSL, waxayna ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah:

1) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha =Guddoomiye=
2) Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista ee W/H/ Beeraha =xubin=
3) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa =xubin=
4) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Camuud =xubin=
5) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Burco =xubin=

Qodobka 6aad
Xilka iyo Waajibaadka Guddida
Xilka iyo waajibaadka Guddida Sare ee Mac’hadka waxa ka mid ah:

1) Diyaarinta siyaasaddaha lagu hagayo Mac’hadka ee ka turjumaya jihada uu u socdo Mac’hadku iyo sida loo hagayo.
2) Kormeeridda hawlaha shaqo iyo habsami u isticmaalka miisaaniyadda Mac’hadka.
3) Ansixinta Qaab-dhismeedka iyo Qorshaha Mac’hadka.
4) Xaqiijinta in mac’hadku u fuliyo hawlihiisa shaqo si habsami ah.
5) Ansixinta aas-aasidda xarumaha cusub ee cilmi-baadhista, marka uu Agaasimaha Fulintu soo gudbiyo.
6) Raadinta dhaqaale uu ku hawl-galo mac’hadku, iyo.
7) Fulinta hawlaha kale ee ku xusan xeerarka dalka ee khuseeya shaqadooda.

Qodobka 7aad
Shirarka Guddida

1) Guddida Sare ee mac’hadku wuxuu yeelanayaa shirar caadi ah iyo shirar aan caadi ahayn.

2) Shirarka Guddida waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Guddida.

3) Shirarka Guddidu waxay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan afar xubnood, waxayna go’aamadoodu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

4) Agaasimaha Fulintu waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida, wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra’yi iyo talo, balse kuma laha cod.

Qodobka 8aad
Agaasimaha Fulinta Mac’hadka

1) Agaasimaha Fulinta Mac’hadka waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha JSL.

2) Agaasimaha Fulinta Mac’hadku waa in uu noqdo qof leh khibrad la xidhiidha ujeeddooyinka loo aas-aasay Mac’hadka (maaraynta iyo cilmi-baadhista).

3) Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah:

a) Maamulka iyo socod-siinta hawl-maalmeedka shaqo ee Mac’hadka, isaga oo ku shaqaynaya siyaasadaha Qaran ee Mac’hadka.
b) Metelaada iyo ku hadlidda Magaca Mac’hadka.
c) Fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Mac’hadka.
d) Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada cilmi-baadhista ee Mac’hadka.
e) Hawl-gelinta iyo kormeerka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Mac’hadka. iyo xarumaha cilmi-baadhista.
f) Magacaabidda shaqaalaha Mac’hadka, isaga oo u eegaya khibradda iyo aqoonta ay u leeyihiin booska loo magacaabayo, si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Dawladda.
g) Maamulka miisaaniyadda Mac’hadka, isagoo u raacaya xeerarka maaliyadda.
h) Diyaarinta miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka Mac’hadka.
i) Diyaarinta war-bixinaha Mac’hadka.
j) Dhaqan-gelinta awaamiirta iyo go’aammada Guddiga ka soo baxa.
k) Qaadista hadal-qoraalka shirarka Guddida iyo kaydinta go’aammada Guddida.
l) Xidhiidhinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Mac’hadka.
m) Qabashada shaqooyinka kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’hadka.

Qodobka 9aad
Xarumaha Cilmi-baadhista

1) Xarunta cilmi-baadhista beeraha ee ABURIIN iyo dhulka ay ku taalo waxa yeelanaya Mac’hadkan.

2) Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa kale oo uu ku yeelan karaa xarumo cilmi-baadiseed degmooyinka dalka, si uu u fuliyo hawlihiisa la xidhiidha daraasaynta iyo cilmi-baadhista beeraha.

… Si aad u sii akhriso u gudub Page-ka 4aaad