Ciidanka Booliska oo Sababeeyey Xadhigga Fanaanadda Ugbaad Aragsan

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska ee Somaliland, ayaa caawa xabsiga u taxaabay fannaanadda Ugbaad Maxamuud Cabdi (Ugbaad Aragsan), waxaana asbaabaha xadhiggeeda lala xidhiidhey arrimo khuseeya dhaqanka iyo anshaxa Diinta Islaamka.

Taliska Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland oo war kooban ka soo saaray dhacdan, ayaa sheegay in xadhigga fannaanaddu la xidhiidho wax ay ku tilmaameen ‘Dhaqamo anshaxa Diinta Islaamka ka hor-imanaya oo fanaanaddu maalmihii u dambeeyey ku baahinaysay baraha bulshada.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey ciwaannada baraha bulshada ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi, taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta, dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen, waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga.”