Dowladda Iran oo Ansixisay Qorshe Jawaab u Noqonaya Weerar kaga Yimaadda Israel iyo Xulafadeeda

Ali Bagheri.

Tehran (SLpost)- Dowladda Iran ayaa sheegtay inay mar hore ansixiyeen tallaabada laga qaadayo haddii Israel samayso khalad kale oo ku xad-gudbaya xuquuqda dalka Iran.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo u warramay saxaafadda dalkaas, ayaa sheegay inay dowlad ahaan diyaariyeen qorshe ay isla markiiba ka jawaabayaan haddii Israel weerar ku bar-tilmaameedsato Danaha dalkooda Iran.

“Israel ma siin doono fursad hal maalin ah. Isla markiiba waxay la kulmi doontaa dhirbaaxo culus,” sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Iran, Ali Bagheri.

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa 1-dii April, 2024 duqeeyey safaaradda Iran ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana weerarkaas ku geeriyooday saraakiil sar-sare oo Gobolka Bariga Dhexe u qaabilsanaa ilaalada Kacaanka ee Iran.

Iiraan oo ka aar-goosanaysa duqeynta Israel, ayaa 13-kii April weerar sal-ballaadhan ku qaadday Dalka Israel, waxaanay weerarka u adeegsatay 110 Gantaal iyo 170 Diyaaradada is-miidaamiya ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo intooda badan lagu soo riday hubka difaaca cirka oo ay Israel kala qayb-qaateen Maraykanka, Urdun iyo Ingiriiska.

Sida aanu ka soo xigannay saxaafadda maxalliga ah, hubka uu dalka Iran u adeegsatay weerarkii habeen hore, ayaa qiimihiia lagu qiyaasay in ku dhow $65 Milyan.

Sidoo kale, Saxaafadda Israel, ayaa sheegay in iska difaacista weerarkaasi uu Dowladda Israel iyo saaxiibadeeda Reer Galbeedka ku kacay dhaqaale kor u dhaafaya in badan Hal Bilyan oo Dollar.

Somalilandpost.net

contact@somaliandpost.net