Turkiga oo War Xasaasi ah Ka Soo Saaray Xiisadda Bariga Dhexe iyo Dagaalka Iran vs Israel

Ankara (SLpost)- Dowladda Turkiye ayaa ka digtay cawaaqib-xumo saamayn ku yeelata ammaanka Gobolka Bariga Dhex oo ka dhalan kara gacan-ka-hadalka dhexmaray dowladaha Iran iyo Israel oo uu ugu dambeeyey weerarkii Tehran xalay ku qaadday dalka Yuhuudda.

Dowladda Turkigu waxa ay dhalleecayn u jeedisay Israel oo ay ku tilmaantay inay ku xad-gudubtay shuruucda caalamiga ah kaddib markii ay diyaaradaheedu duqeeyeen Safaaradda Iran ee Magaalada Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil sar-sare oo u dhashay Dalka Iran.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay Xukuumadda Ankara si weyn uga hawl-gashay jawaab-celinta Dowladda Iran ka bixin-doonto weerarka Israel u geysatay safaaradda oo sida war-saxaafadeedka lagu sheegay walaac xooggan ku buuran Dowladda Turkiga.

“Waxaanu in badan ka dignay khatarta ka dhalan karta dhiigga shacabka ee Israel ku daadinayso Gaza. Weerarkii Israa’iil ku qaadday safaaradda Iran ee Dimishiq oo baalmarsan sharciga caalamiga ahina wuxuu sii kordhiyay walaaca aanu ka qabnay. Aargoosiga Iran ee weerarkan iyo dhacdooyinkii xigay waxay mar kale muujiyeen in xaaladda isu beddesho dagaal ka qarxa Gobolka.

Intii aanu dhacin weerarkii xalay, waxaanu la hadalnay dolwadaha Iran iyo Mareykanka oo aanu boorinay in la arrinta la xakameeyo, annagoo (Turkiye) labada dhinac u kala dab-qaadaynay. Waxaanu qaadnay dadaallo lagama maarmaan u ah sidii aanay falcelinta (Iran) u noqon mid horseedi karta dagaal ballaadhan.” Sidaa waxa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Dowladda Turkigu waxa ay farriin u dirtay Iran iyo dalalka Reer Galbeedka, waxaanay ballan-qaadday inay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagaga baaqsan karo colaad sal-ballaadhan oo dhaawac u geysan karta xasiloonida Gobolka Bariga Dhexe.

“Waxaanu maanta mar kale farriin cad u diraynaa uguna baaqaynaa Iran iyo waddamada reer Galbeedka ee la shaqaynayaa Israa’iil in gebi ahaanba la joojiyo colaadda. Dhankayaga, waanu sii wadi doonnaa dadaallada aan kaga hortagayno wax kasta horseedi kara isku dhacyo waaweyn oo Gobolka ka qarxa.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Gebo-gabadii waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inay heegan buuxa geliyeen ciidamada qalabka-sida iyo hay’adaha Ammaanka isla markaana ay si dhow ula socdaan xaaladda iyo wax kasta oo khatar gelin kara ammaanka Dalka Tukriga.

Dalka Iran ayaa xalay saqdii Dhexe weerar ballaadhan ku qaadday Israel iyagoo adeegsanaya Gantaalaha riddada Fog iyo diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Hubka Xambaarsan (Suicide Drones). Sidoo kale, 155 Gantaal oo isugu jira Kuwa Qaaradaha Isaga gudba (Ballistic Missiles) iyo kuwa Is-wada (Cruise Missiles), kuwaas oo intooda badan la soo riday ka hor intii aanay gaadhin goobihii loogu tala-galay.

Sida warbaahintu qortay, Laba Gantaal ayaa gaadhay bar-tilmaameedkii loogu tala-galay iyagoo khasaare iyo dhaawacyo gaadhsiiyey saldhig Militari oo fadhiisin u ah Diyaaradaha dagaalka ee Israel.

Dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ka qayb-qaatay difaaca hawada Israel, iyagoo soo riday gantaalaha iyo Drones-ka Iran intooda Badan.

Si ay maanta qoreen saxaafadda dalka Iran, hubka dalka Iran u adeegsatay weerarkii xalay, ayaa qiimahooda lagu qiyaasay in ku dhow $65 Milyan.

Sidoo kale, warbixinno ay maanta baahiyeen saxaafadda Israel, ayaa lagu sheegay in iska difaacista weerarkii xalay uu Dowladda Israel iyo saaxiibadeeda Reer Galbeedka ku kacay in badan Hal Bilyan oo Dollar.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net