Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

Qodobka 6aad
Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Gudashada xilka Guddoomiyaha marka uu Guddoomiyuhu maqan yahay ama ay banaanaato jagada Gudoomiyaha Guddidu.

2) Wuxuu ka caawinayaa Guddoomiyaha gudashada hawlaha shaqo ee GuddidaTacliinta Sare u xil-saaran yahay.

3) Gudashada waajibaadka kale ee Guddoomiyuhu u igmado.

Qodobka 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Guddida

1) Si ay u fududaato xilalka iyo waajibaadyada Haya’daha Xukuumadda, sidoo kalana xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, iyadoo la tixgelinayo sida ay isu qaadan karaan, waxa halkan lagu soo wareejiyay xilkii iyo shaqadii Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska, waxaana lagu wareejiyay Guddida Tacliinta Sare, si waafaqsan Qodobka 18aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr. 71/2015.

2) Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Saynisku waxa uu noqonayaa Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare, waxaana uu hoos tagayaa Guddoomiyaha Guddida.

Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waxa ka mid ah;

1. Maamulka iyo socodsiinta hawl-maalmeedka shaqo ee Guddida.

2. Fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Guddida.

3. Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada tacliinta sare, iyo u gudbinta guddoomiyaha guddida.

4. Hawl-gelinta iyo kormeerka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Guddida.

5. Daba-galka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda.

6. Maamulka miisaaniyada Guddida, iyadoo la raacayo xeerarka maaliyadda.

7. Diyaarinta miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka Guddida.

8. La saxeexidda guddoomiyaha qoraallada maaliyadeed ee Guddida.

9. Qaadista hadal-qoraalka shirarka Guddida iyo kaydinta go’aamada Guddida.

10. Diyaarinta war-bixinada Guddida.

11. Dhaqan-galinta awaamiirta iyo go’aamada Guddida ka soo baxa.

12. Qabashada shaqooyinka kale ee ku xusan Qodobka 25aad ee Xeer Lr. 71/2015, iyo xeerka iyo siyaasadaha Tacliinta Sare ee Qaranka.

Qodobka 8aad
Shirarka Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare wuxuu yeelanayaa shirar caadi ah iyo shirar aan caadi ahayn.

2) Shirarka Guddida waxaa guddoominaya guddoomiyaha, haddii uu maqan yahayna guddoomiye ku-xigeenka.

3) Shirarka Guddida Tacliinta Sare waxay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan shan xubnood, waxayna go’aamadoodu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

4) Agaasimaha Guud oo ah Xoghayaha Guddida, wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra’yi iyo talo balse kuma laha cod.

Qodobka 9aad
Guddi-Hoosaadyada Guddida Tacliinta Sare

Guddida Tacliinta Sare waxay yeelan karaan guddi-hoosaadyo ay ka mid yihiin;

Guddi-hoosaadka Kormeerka, Guddi-hoosaadka Siyaasadaha Tacliinta Sare, Guddi-hoosaadka Hubinta Tayada Tacliinta Sare (Quality Assurance Sub-committee for Higher Education), iyo Guddi-hoosaadyada kale ee ay u arkaan lagama-maarmaan xil-gudashada hawlahooda.

Qodobka 10aad
Qaybaha Xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare

1) Qaybaha Xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare waxay u qayb samayaan;

a) Jaamacado (Universities)
b) Kulliyado (Colleges), iyo
c) Mac’xaddo (Institutes).

2) Xarumaha Lagu bixinayo Taclinta Sare waxay noqon karaan kuwa Dawladeed ama kuwa gaar loo leeyahay oo kala ah;

a) Xarumaha Taclinta Sare ee ay Dawladdu leedahay (Public Higher Education Institutions).
b) Xarumaha Taclinta Sare ee Gaar ka loo leeyahay (Private Higher Education Institutions).
c) Xarumaha Taclinta Sare ee laga soo dhambalay Jaamacado ay wadama kale leeyihiin (Foreign Higher Education Institution Branch Campuses).

+++++++++++++++++++++++++++++++++++

Xeer Madaxweyne Lr. 10/012021

Aas-aaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin iyo kaalinta beeruhu ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soo-saarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay: Baahida loo qabo Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha oo ka masuul noqonaya cilmi-baadhista, daraasadda iyo kobcinta awoodda beeralayda dalka;

Markaan Arkay: Kaalinta iyo doorka uu Mac’hadku ka qaadan karo kobcinta iyo dhiiri-gelinta wax-soo-saarka beeraha dalka iyo fidinta hababka casriga ah ee wax beerista;

Markaan tix-galiyay: Ahmiyadda weyn ee Mac’hadkani u yeelan karo hirgalinta wax-soo-saarka beeraha oo ku salaysan aqoon iyo cilmi-baadhis casri ah;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

… Si aad u sii akhriso u gudub Page-ka 3aaad