Bismilaahi Raxmaani Raxiim ugu horayn waxaan idinku salaamayaa slaanta islaamka ee qaaliga ah salaantaas ka bacdi waxaan halkan idiin ku soo gudbin doonaa hadii alle ka dhigo maanso yar oo gaaban iyo sheeko aay ku timi hadii eebe idmo
Waxaa I soo booqatay goor danbe oo habeenimo ah inan magaceeda iigu sheegatay sugan iina timaan tay in uu dhalay nin suldaan ah oo magac iyo maalba lagag danbeeyo oo aad bulshada dhexdeeda loo qaderiyo
Hadaba bal hadii aan lab kelmadood qiimaha inantaas ka idhaahdo.
Quruxda, qaayaha, iyo edebta uu ilahaay xubaan oo dhan ka nasahane inantaas ku manaystay waxa aan ka qaaday wareer iyo indho daraan dar..
Waayo weligeey maan arag qof la jog iyo jaamalba ah xitaa telafishanada meelaha fog fog dadka is weji bara kamaan arag iayadoo kale ah
Wax ay iila muuqatey qof ka nabad gashay walbaahrka iyo waayaha aduun ama se aanay ku badnayn.
Laakiin taas waxaa igaga sii la yaab, amankaag iyo fajacba badnaa markii aay iisheegtay in aay guurdoontahay anigana iigu timi in aan bal geyaankaas faraha badan ee hareera yaacaya aan talo iyo tilmaamba aan ka siiyo.
Malaha akhriste waxaad ku hamiday. miyaanu maxamed qudhiisu guur doon ahayn?
Oo muxuu isaguba qoftaas qaaliga ah u sii daayay ninku waa sidee ?
Waa su,aal jawaab leh saaxiib akhristoow.
Inkasta oo aay ahayd qof aan la siideyn oo aan cid kale loo quudhin hadana laba sababoodba wey iiga far baxday aniga inantaasi
1: ta koobaad wey iiga fara baxadayoo anigu waxaan ahaa markaas nin xaas ah oo caruurtiisa isga xoogsada
2: waa ta labaade waxaa la yidhi raganimada waxaa lagala baxaa meel cidhiidhi ah ama deeqsinimadu waa marka aad bixisid wax aad hayso markaas waxa ugu qaalisan.
Hadaba hadii aay inantii aniga iga fara baxaday. Waxa aan geyigeena ku ogaa nin halyeey ah oo qiimo iyo qaayoba lagu majeerto sidaas darted baan inantii ugu sahantegey . bal ninkii qaaliga ahaa ee aan meesha ku ogaa uu boos ka banana yahay nasiib wanaag ninkii iyo gabadhii wey is afgarteen waana laysu doonay weliba aroos aan weli caalamka hore uga dhicin ayaa loo sameeya.
Hadaba sheekada waxaa ku ladhan maanso aan ugu magac dhebay inantaas qaaliga ah oo qoyska fiican ka soo jeeda
Waana tane gudooma maansadii sugan
marka hore salaan wacan
Marka xiga suagneey
weedhaadi sama wada
sarbeebtaadi maansada
gabay gaagi seemane
nagu soo sugnaayoo
saxalada wareegiyo
Satalaydhkaa laga helay
marka xiga sideedaba
waa silsilad aduunyadu
midka sorta iibshiyo
sabool aan wax hayn iyo
sumcadlaha aduunka leh
sanku neefle oo idil
midba saacad baa u qoran
xidid sooryo mudan iyo
gacal iyo sokeeyeba
isa seege aadmigii
samirkiyo dulqaadkiyo
iimaan sed weeyoo
lagu kala sedroonaa
saatirkaa wax bixiyoo
midba weel ku siiyoo
uga dhigay sed gaariyo
Sina laguma waayaan
qaarbaa sunii iyo
faralkiiba seegoo
Sii daayay noloshii
si kastaba aduunyada
waalaga sacdaliyoo
Subax aan fogaynbaa
Safar looga baxayaa
Allahayoow sed khayrliyo
Safkii negiga raaciyo (scw)
Sidii roon na garansii
Aan hadalka saafoo
Kuu saxo u jeedada
suganeey warkaagii
saygaad itidhi doon
Waraka aan ku siiyee
Sahan baan u dirayoo
Safarna waaan u baxay dheer
suun iyo abaar iyo
sunbu caad kaliileed
may sababin geedigga
saac iyo barwaaqadu
sifaarka iyo geedahuhu
Waay wada sinaayeen
Sahay ma aananse wadan badan
Soolal iyo dhul kaan maray
Iyo socodkii dheeraa
Waa saatir mahadii
Hadaan helay sedkaagii
ninka saaka joogee
Saxan hooyadii tahay
Suldaan aabihii yahay
Sama talis ku caan baxay
San ku dheefle oo idil
kaa soocaday adigee
Kiligaa ku saanyaday
Jacayl baa sal iyo baar
Si yar uga abuurmoo
Seedaha wadnaha iyo
Surimada hal boowlaha
Dhiigu wuu sun sumayaa
Beerkuna ka sii daran
Suleekhaay daraadaa
Surayda isku jiidoo
Saran seeray weeyee
Adna sawjad khayrlaay
Saxan ina suldaaneey
Quruxdii suleekhiyo
Sanqaroor biciidleey
Sugaantu gabay iyo
Sarbeer waay ka culustee
Horta yuu ku seegine
Sunto oo ha sii deyn!
Nin sabool ah maan arag
saadaal ruux ku nooloo
nabsi uun sugaayiyo
Saabir qaawan ha is odhan
Soomal haadka waayuha
Sakatiga aduunyada
Saxal wareega maalmaha
Sil siladuu ka soo maray!
Aan saafoo hadalkoo
murtidana sifeeyoo
Aansargooyee maansda
cidla looma sacab tumo
been laguma seexdee
warku yuu ku seegine
kaad sugaysay inanyahay
saygaagi baan helay
ninkuu waa suldaan dhab ah
soo jireen hidiyi dhaxal
Waa halyeey ku samir badan
Wa bilaahi tawfiiq
Maxamed Cali Cige
Email; 1989.mcccderi@gmail.com
Tel: 0252 63 4240937