Ma Xorbaad Ismoodaysaa? – W/Q: Saddam Carab

Saddam Carab
Saddam Carab

Si aan gabasho lahayn ayaa  loo caayayaa fikirkaaga , loo ceebaynayaa aragtidaada, waxaana la ciideeynayaa kaskaaga, la cidhib tirayaa tafta gobbeed ee kugu gibilaysan, waxa lagu saarayaa si gabbasho la’aan ah mid guneed, waxa la durayaa qofnimadaada qurxoon, waxa ladooxayaa damiirkaaga nool, waxaana la dilayaa dareenkaaga togan ee aad kaga dhiidhido xumaha kuna dhuggato wanaaga, Markii la arkay marinka toosan eed tubaysatay ayaa laguu muujiyay innaad waddo aan sax ahayn toobiyaysatay, waana lagugu qayliyay markaad qumanaatay, waayo waxa markii dambe lagugu qanciyay sidii la rabay aakhirkiina waad aqbashay.

Waxa la ogyhay dhamaan dhidibada aad ku tiirsantay, waxaa la yaqaanaa gol jilicdaada  sida fudud lagaaga dooxi karo, sidoo kale waxa daraasad & Odoros lagu sameeyay halka lagaa doorin karo iyada oo aan lagu dilinba, lagaa baabi’in karo iyada oo aan lagu biraynba, wax sidoo kale la diyaariyay marka lagu wareemow waxa aad kaga warceliso sida laguugu qancinayo iyo waxa lagugu caqli celinayaba, intaasiba way kuu darbantahay si loo fudaydiyo fulinta hawlgallada lagugu afgambiyayo, waa la haadiyay waana lahufay dhamaan hubka laguu adeegsanayo si laguu hadimeeyo, si halbawlaha laguu jaro,si xidida laguugu saaro,si  xishoodka lagaaga xayuubiyo,si sharafta lagaaga shaadhsiibo,si midnimada lagaaga madaxsaaro, siqofnimadana lagaaga qaawiyo,oo lagaa yeelo sidii lagaa yeeli karaba, Adigu se intaba, Ma Dhaadanid umana dhug lihide Waad dhoohantahay.

Dufaanada dabaylaha wata ee ka igamanaya galbeedku waxay daminayaan ilayskii kuu baxayey, waxaanay duminayaan dadabtii aad dhaxanta ka dugsanaysay, middiyaha afaysan ee haliilaya waxa lagu gawracayaa garashadaada, waxaa laguu hagoogayaa hu’ xajiin iyo xag xagasho miidhan ah,mid xaaraan iyo xasad miidhana,  waxa lagugu sidkayaa laguguna tolayaa taash wada tiin iyo qodaxa, taf wada xiqdi iyo xumaan ah, si  tubta iyo toobiyaha la rabo laguugu tilmaami lahaa, Ma dareensanid kuumana daarana dadnimo guurka, iyo dunji wacanaan diidka kugu socda hadh iyo habeen.

Afkaagii waata la oof wareemaya, la uurdooxay, ee la adhax wareejiyay, Mar uun xabaal inta loo qoday laguma riddine waata la deldelay ee nolosha lagu dil dilaaciyay, Sawnigan ku fahmi la’ ma faranjibaad ku hadashaa, ma amxaaribaa ku hadashaa, Ma Ingiriisabaad u amaano tagtaa mise Mid carbeedbaa u ololaynaysaa inaad ku badalato kaagii aad lahayd. Dhaqankaagii miyaan la dhalan gaddiyin, midkalena laguu soo dhoofin, Hidahaagii mee, Haybadaadii sawta la hiifay ee la haaraamay, sawta la galbiyay ee la gabagabeeyay, miyaan dhalintaadii la dhooba qaadin, la dhalan rogin, oo la dhaafin karkaarka, Meeye dumarkaagii miyaan la duufsan oo aan la dareersan, dibada lasoo daadin, caruurtaadiina cilma kale miyaan la barin, lagu barbarian oo lagu baashaalsiin, Maad Dhiman  Ma se Dhaadanid Umana Dhug Lihid ee waad dhoohantahay!!!

Markii intaasiba dhacday ayaa laguu sheegay in aanad waxba ahayn, waxaa kale oo laguu sheegay in aad habeen madow gudayso, waad liqi wayday oo waadiga isa soo taagay! .. markaad aragtay in koox yar oo koobani kula jirto ayaad ugu dambayntii aqbashay maadaama oo aanad samir badan lahayn, maalintaad aqbashana waxaad tuurtay taftii gobbeed eekugu gadaamanayd, waxaanad gashatay mid gaaajo iyo faqri mase ogid oo dareenkaasi kuguma jiro, waayo waa sida laguu muujiyay inay sharaftu ku jirto.

Xor inaad tahaybaad ismoodaysaa laakiin in aanad ahayn ayaad mar dambe garawsatay, Maya Xor Baan ahay? Oo yaa kuu sheegay inaad xortahay? Sawniga is arkaya ayaa I gumaystay ee aad sheegaysaa malaha kii lixdankiibaad xasuusantay?  Lixdanna garan mayside isku noqo kaasaabaa kuu dhaamay ka aad imika ku jirto e, waabad u dhug lahayd kaas oo maad dhoohanayn laakiin kan waligaa maad dareemin inta dareentayna way yartahay,caqligaaguu daganyahay, cimraaguugu kula leeyahay daartaaduu kula fadhiyaa, dukaankaaguu kula joogaa, gaadhigaaguu kula wataa, dumarkaaguu kula qabaa, caruurtaada wuu kula dhalay oo hadaa maxaa ku daba dhigay ee intaad ku darsato labadeed uu ula dul joogaa? Hoygiisa isagoo jooga ayuu halkan kaa hagaa .. kugu hanuuniyaa halkuu rabo.. markaasaad ku qanacsantahay… Adiga oo aan dhaadanayn, Dhugna Ulahayn, Oo aad dhoohantahay.

Waxaas oo shaqo kugu socota, shaqaaqo lagu dhex dhigay, sharafna lagaa tuuray adigu Miyaad Ogtahay? Inta qudhun iyo Qashin lagugu beerayo miyaad ka war qabtaa? Oo hadaad ka war qabto maxaad ugu garab taagantahay gacantana ugu siisaa? Dareenkaagu Miyuu dhintay? Damiirkaaga se miyaa lagaa hor aasay? Dadnimadii Miyaad Xabaashay oo xabaddi kuguma hadhin? Goormaad Dib Usoo noolaanaysaa? Goormaad isleeday

dadbaydun noqon

 dumiya xumaho,

 dugsada wanaagga?

Ma dadkaan lahadlayo baan lahayn dux iyo iimaan mise cadanbaan ka heesayaa… Waxaan maqlayaa shanqadh, Bisinka iyo Tabaaragga … Codbaaba iiga dhex baxay shanqadhii wuxuu lahadlayaa kuwaan ka sheekaynayey? Oo Muxuu leeyahay? Wuu waaniyayaa, waxbuu usheegayaa, hurdadana ka toosinayaa, Waxay yihiinna wuu usheegayaa hadiideen ama ha ka doodeene, ha yeeleen ama ha ka yaabeenne wuxuu ku leeyahay:

Ma Dhaadanid kow

umana dhug lihid e

 Waad dhoohantahay

Waad Dhaga Xidhantay
Dhayaaguna kadaran

Dhinaacaad’ U jiiftaa
Warba Kuuma Dhicine

Dhulkaagii Aaway
Dhaqankaagi Aaway

Sawtan La dhalan rogay
Dadkaagu Dhimashiyo
Ku dhawaade geeriye

Maxaad u dhicin laadahay
Mise Ma dhaadanidoo
Uma Dhug lihide

Waad DHoontahay  

Waad Dhiidhiye la’dahay

Waanad Dhaga Xidhantay (Saddam Carab)

 

Alla Mahad Le

 

Ma Xorbaad Ismoodaysaa ?

Qalinkii: Saddam Xusseen carab (Saddam Carab)

saddamcarab@gmail.com