Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Qaybtii 4aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay  laba sano iyo badh(2 ½ ) jirsatay xukuumadani .

sayid-Maxamed.……..Taasi waa hantaaqooyinkii faragalinta xukuumada ee colaada aan wali dhamaan, inkastoo xubnihii dagaalka oogayay qaarkood wasiiro yihiin hadana murti ayaa tidhaa ‘milil dushii lama dhayo”.

Bal u fiirso laba sanadood oo is-xiga (2010 iyo 2011 ) khudbadihii uu madaxweynuhu kajeediyay fadhiyadii wada jirka ahaa ee baarlamaanka isagoo kahadlaya xaalada nebedd gelyada,maantana la filayo in khudbad sanadeedka  (30 January)  uu jeedin doono inay kamid tahay shaqaaqadaasi.

Sanadkii 2011

Waxaa wadanka ka dhacay dhacdooyin halis ah oo loogutalo galay in khalkhal lagu geliyo amaanka wadanka, sida:
Ciidamadii ONLF ee ka soo degey xeebta galbeedka,shaqaaqadii Kalshaale, iyo dhibtii ka soo cusbnoon aatay deegaanka Ceel-berdaale. Arrimahaas waxaanu ka qaadnay talaabooyin cadcad oo wax ku ool ah.

Kalshaale:
Markii ay arrintani dhacday dawlad-ahaan waxaanu qaadanay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka JSL si ay u kala caabiyaan malayshiya adka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumada, Golayaasha, Xisbiyada, madaxdhaqmeedyo iyo Culimada. Si nabad looga dhaliyo waxaa aanu kasoo saaranay go’aan cadaynaya in ay goobtaasi tahay dhul daaqsimeed, ciidanka qaran ku fadhiisin ku yeelanayo.

 Sanadkii 2012

Nabadgelyadu waa halbawle, waana waxa ugu qiimaha badan ee aynu haysano sanadkana waxa ina soo maray dhawr shaqaaqo oo ka kala dhacay meelo kala duwan, waxaanay kala ahaayeen Kalshaale, Ceelbardaale, Ceerigaabo Yagoori iyo Seemaal, Waana ogtihiin oo dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii daata, Waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiintii, odayadii, waxgaradkii iyo culimadii ka hawl galay, waxaana hawlgal nabadeed laga sameeyay Widhwidh, Laascaanood, Ceerigaabo, Gebilay iyo Dilla, dhamaantood waxay ku dhamaadeen is-afgarad iyo jawi nabdoon. Waxaanu kor u qaadanay hawlaha adeega nabadgelyada.

Labada khudbadoodba waxaa ku jira arinta kalshaale iyo ceelbardaale kana dhigayo qaar dhamaaday.balse shaqaaqada ceel bardaale waa ta dhalisay dilkii saddexda nin lagu dilay saameel isaguna uu ku xusay khudbad sanadeedkii 2012 ka. Waana arin buste saaranyahay laakiin aan laga faraxalan. Fidnadii kalshaalana iyada waata midheheedii la goostay ay noqdeen in jabhadihii iyo maamul goboleedyadii  ka abuurmay dagaal beelaadkaasi ay ciidankii hurdada u diidaan.

Hadaba maxaa keenay in dagaalkii ay ku naf iyo maalba waayeen boqolaal shicib iyo ciidanba leh aan weli laga gaadhin balan qaadkii madaxweyne siilaanyo ee lagu sugayay xuduudka?

Ayadoo laga war qabo in talaabo kasta oo ciidanku hore uqaado dib loogu soo celinayay xeryihii ay ka ruqaansadeen, si xukuumadu ugu badalato heshiisyo yaryar oo aan midho dhal ahayn. Balse taliyihii ciidanka qaranka ee waqtigaas Maxamed Xasan C/laahi (jidhif)  iyo Abaan-duulihiisii Ibraahin Caydiid Dhab-dhable xilkii lagaga qaaday  9/02/2012 inay dhaafiyeen ciidanka goobtii iyo ruktii saldhiga u ahayd,laguna sababeeyay in xilku meerto soo noq noqota yahay oo kolba cidii hanankarta loo dhiibo, sidoo kale diidmadii qayaxnayd ee uu kaga hor istaagay Wasaarada madaxtooyada jihaynta iyo hogaaminta dagaalka,maadaama waajibaadkiisi shaqo ay taasi ahayd.

Dagaalkan aan ujeedada cad lahayn mudooyinkii danbe, waxa uu haa mashruuc ay hagayaan kooxda madaxtooyada edega kulihi oo loo  ee kaysiiyay mid lagu sugayo xuduudaha dalka laguna gaaddhayo qaybaha dhiman. tusaale ahaan tegistii ciidanka qaranka ee magaalada Xudur  5/November/12 waxayd ahayd mid xisbiga kulmiye loogu baadi goobayo cod doorashadii G/deegaanka,  hor-galana uu ka ahaa Fu’aad Aadan Cade, laguna tilmaamay oo keliya hawlgal ciidan.

Gunaanadkii odhaahda

Mudadii laga soo doogay dagaaladii sokeeye lagana bogsaday,shacabka kudhaqani dalka waxay aheeyeen duul walaalo ah oo ul iyo diirkeeda,midnimada iyo wada-jirkooda lagu tilmaamsado tuducyadii Abwaan Hadraawi ee maansadiisii Daalo:

Dad ahaanna waa qaran

Waa duul iswada dhalay

Qolo iyo dir sooc ma leh

Dab dhexdooda kama huro

Waligood ma diriraan

Isma doco-doceeyaan

Dumar kama baroortaan

Dooxatiyo wareentiyo

Budhcad duusha kuma maqal.

……………………….

 Mudadaa yare ee dawladani joogtay waa markii 1aad ee taariikhda cusub ee Somaliland duufaano iyo dabaylo colaadeed ay dib ugu huraan.

Ciidanka qaranku markastaba amaan ayuu mudanyahay, waxaase masuuliyada dagaalkaa leh xukuumada oo ay kasoo fulayeen awaamirtu.

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com