Kordhinta Awooda Gobollada

Prof. Abdihakim Yusuf Kheire

 

Sirta siyaasaddu waa Iswaafajinta mabaadiida guud ee qaranimo ee cadaaladda, sinaanta & dimoqradiyada; iyo danaha joogtada ah ee kooxaha.  Sida  axsaabta, beelaha iyo goboladda ee ku hirdama derajada, mansabyada & miisaaniyadda qaranka ee kooban. Hadii labadan jinaax la isu dheeli –tiri waayo dawladnimadu way burburtaa.  Burburka waxaa sababaya baahida oo sii korodha & dhiisha oo sii gudhaysa. Fikriyan, Mansabyadda & Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee Somaliland way kooban yihiin dadkana ma wada gaadhi karto. Arrintani waxay sababtay qaanabaad, dhaliil iyo tuhun.  Guushii doorashadii Madaxtooyada ee June/26/10 waxay caabisay damacii & dareenkii dadka. Carqaladan waxa lagaga gudbi karaa iyadoo  bulshada loo habeeyo nidaam kale oo la kordhiyo awoodda fulineed & sharci-dejineed ee gobollada dalka.

Prof. Abdihakim Yusuf Kheire

Qawmiyaddaha Caalamku waxay soo maraan saddex marxaladood, sida ilmuhu markuu uurka hooyadii ku jiro, ka hor intaanay u xuub-siiban shacab dawlad ah. Marka hore dadku waxay u habaysan yihiin nidaam beelaysan (dhibic-dhiig ah). Marxaladan dadku waa yacyacood is-aaminaaduna way ku yar tahay tiro ayaana laysku muquuniyaa ee tayo ka dheer. Horjoogayaashana waxaa lagu xushaa xal. Dadkuna waa isku wada garaad waxaana hogaamiye u noqda hadba ninka beesha magaceeda wax ku soo boobi kara (Waa nin wixiisa dhacsada!). Nolol maalmeedkoodana waxaa mashquuliya  khilaaf iyo muran joogto ah. Nidaamkooda siyaasadeed & dhaqaalena wuxuu ku salaysan yahay saami-qaybsi aan abadan isu dheeli-tirmayn!  Yaa ugu baahi badan ama ugu haboon laguma qaybsadee, anaguna intaanu helnay, baa lagu muusanaabaa.

Marxalada labaad beeluhu waxay u gudbaan bulsho (xinjir). Nidaamkan bulshadu waxay isku habaysaa heer degaan (Gobol-Degmo). Saaxada siyaasaddana shakhsiyadaha bulsho weynta oo dhan wax tari kara baa haldoor u noqda oo xul ah. Tayo baa lagu xisaabtamaa halkii tirada lagu taami jiray. Mar saddexaadka bulshadu waxay u xuub-siibataa shacab (waslad) waxayna isu habaysaa heer axsaab & ururro ku salaysan afkaar, xirfado & mabda’yo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale & diimeed. Danta guudna waa hadafka qaranimo.

Fikriyan waxay ila tahay in Somaliland maanta ka gudubtay marxaladii koobaad (beelo) una gudubtay marxaladii labaad (bulsho). Doorashadii Madaxtooyada ee  June/26/10 waxay ahayd bilowgii marxalada labaad.  Madaxweyne Silanyona waxaa doortay dadweyne u bislaaday inay ka xoroobaan koofiyad baclaha dagaal oogaha ah ee magacooda guud ku qadhaabta. Tolow adhigu daasadda ma ka ilbaxaa? Maanta bulshadu  waxay diyaar u tahay in caddaalad lagu dhaqo oo shakhsiyadda la xoreeyo (liberate the individual). Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc) wuxuu inagula dardaarmay gabaygii Guubaabo:

Abtirsiino reer hebel ah iyo oday-ku-faan tuura.

Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtiloowdeee….

 

Laakiin akhristow ogsoonow in hogaamiyayaal beeluhu ay ugu haraati xunyihiin markay saaxada siyaasadda ka sii baxayaan! Sifadii lagu qaybsaday Ciidanka Ilaalada Xeebaha (CIX) aan soo bandhigo tusaale ahaan. CIX waa ciidan takhasus cayiman leh (dabaasha). Sidee baa lagu xushay? Beelo. Horjoogayaashi waxay ku andocoodeen sidii caadada u ahayd marxaladii beelaha in qabiil lagu qaybsado qaniimadan. Siday ku haboonayd? In degaan xeebeed lagu xusho: Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Karin, Maydh-Xiis & Las-Qoray: Beelaha Somaliland ma beel baa ka maqan?  Maxaa talo ah?  Waa in bulshada loo habeeya heer Gobol-degmo si looga gudbo carqaladaha beelaha xiqdiga ku salaysan si awooda & shaqada dawladda kor loogu qaado dalkana loogu wada baahiyo.

Marwalba shaqada dawladdu waa laba: Adeega bulsho & Xakamayn maamul. Adeega bulshada sida boliiska, waxbarashada & xidhiidhka cuqaasha kharash baa ku baxa. Waxayna kala yihiin sadex: Badbaado Qaran, Dartyeelka Bulshada & Siyaasadda.  Xakamaynta maamulkuna: sida bixinta warqada wadida gaadiidka (Driver’s License) daabaqada xoolaha & duulista hawada dhakhli baa ka soo baxa. Waxayna kala yihiin sadex: Dhaqaalaha, Khayaraadka Dabiiciga ah & Hawlaha Guud.  Caalamiyan awooda fulineed ee dawladnimo waxaa loo kala qaybiyey labada darajood ee Dawladda Dhexe & Xukuumadaha Gobollada.

Dawladda dhexe waxay xukuntaa:

  • Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga,(2) Ganacsiga, (3) Gaashaandhiga, (4) Tirakoobka,  Jinsiyadda, (6) Sirdoonka, (7) Miisaanka-Cabirka; (8) Hawlaha Maraakiibta & Gaadiidka Cirka & Badda, (9) Caymiska, (10) Beeraha- Cuntada, (11) Macdanta & Khayraadka Dabiiciga ah

(12) Xalinta Aafooyinka Dabiiciga ah (13) Xakamaynta Tayada  (14) Kaluumaysiga-Khayraadka Badda (15)  Bangiyadda & Lacagta, (16) Isgaadhsiinta & Boosaha, (17) Tacliinta Sare& Cilmi-baadhista (18)  Shaqada & Hawlgabka,  (19) Daryeelka Agoomaha, Mujaahidiinta & Naafada (20) Xakamaynta Cudurada Faafa (21) Diiwaanka Ikhtiraaca (Copy Rights) (22) Miisaaniyada & Kaydka Qaranka

(23) Maxkamadda Distoorka & (24) Diinta, Diiwanka Zakada & Awqaafta.

Xukuumadaha Gobolladuna waxay u xilsaaran yihiin arimahan hoos ku xusan oo u badan adeeg bulsho & badbaadada qaran:

Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Dhalinyarada-Isbortiga, Dalxiiska, Dhaqanka, Dib-u-dejinta, Boliiska, Wershadaha, Xanaanada-Xoolaha, Deegaanka, Nalka, Gaadiidka-Wadooyinka, Gurmadka-Degdega ah, Dawladaha Hoose & Guryeynta. Akhriste  inagoo qaaciidadan adeegsanayna bal aynu soo bandhigno shan arimood oo xukuumadu ku guulasatay: (1) Kordhintii Dakhliga Dalka (2) Xidhiidhka Arrimaha Dibedda  (Marka lagu qiimeeyo wufuuda ka kala socday dalalka Holland, Denmark & Britain ee heer Wasiir ee Somaliland soo booqday mudadii xukumadani talada haysay)  (3) Badalkii lacagtii Burco (4) Labalaabkii Mushaharkii Ciidamada & Shaqaalaha Dawladda Dhexe & (5) Hagaajinta-Dayactirka Madaarada Dalka.

Macnawiyan shanta arimood ee xukuumadu ku guulasatay waa adeegyadii ay u xilsaarnayd. Dhinaca kale bal aynu u fiirsano shan arimood oo xukuumadu ku fashilantay. (1) Gaadiidka-Wadooyinka: In kastoo Xukuumada cusubi amartay in suunka la xidho marka gawaadhida la wado laakiin sanad walba maqaadiirta gaadiidka qalibanta ama dadka jiidha way sii korodhaa. Arrintan waxaa lagaga gudbi karaa marka awooda bixinta laysamada wadista baabuurta,  Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka iyo dhisida & dayactirka wadooyinka lagu xawilo Goboladda dalka. (2) Waxbarashada: Sanadba sanadka ka danbeeya natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada dalka waxaa ugu sareeya ardayda caasimada dalka wax ka barata. Arrintani waxay daliil u tahay in dalkii kala hadhay oo macalimiintii fiicnayd ku soo urureen caasimada. Marka Waxbarashada Goboladda lagu wareejiyo waxaa imanaya tartan lagu hirdamayo macalimiinta tayada leh iyo nidaamyo lagu horumariyo waxbarasha dalka. (3) Dhalinyarada & Ciyaaraha: Goormaa ugu danbaysay in la qabto Koobkii Kubada Cagta? 2007! Maxaa sabab u ah fadeexadan? Marka Goboladda lagu wareejiyo arrintan muhiimka ah sanadba gobol baa marti gelin lahaa dhalinta dalka. (4) Dawladda Hoose: Maqnaanshaha derajo dawladnimo ee heer gobol oo gardaadisa degmooyinku waxay sababtay in dawladii hoose ku fashilmaan gudan kariwaayana waajibaadkoodii. (5) Bileyska & Nabadgelyada: Ciidanka Bileysku waa sumada nusqaanta dawladnimo ee Somaliland: Gobollada ha lagu wareejiyo.

Dhamaan Wasaaradahan & hayadahan kor ku xusan waa kuwa ku fashilmay gudashada xilkoodi sababayna in kalsoonidii dadku dawladda u hayeen hoos u dhacdo.  Shaqada Wasaaradahan & Hayadahan waa xalinta mushkilado xasaasi ah oo joogto ah oo meelo farabadan ka dhaca una baahan in dhaksho loo xaliyo. Macnawiyan waa shaqooyin eed badan.  Dabcan waa in madaxda u xilsaaran xalinta arrimahan noqdaan kuwo mansabyadooda  loo igmaday oo la soo doortay xarunta taliskooduna ku yaalo meel u dhow meesha tabashadu ka jirto. Islamarkaa waa marag madoon in ay muhiim tahay maanta in awoodda sharci-dejineed & fulineed ee gobollada la kordhiyaa si ay u gutaan waajibaadkooda distooriga ah.

Halka shanta ay ku fashilantayna yihiin kuwii goboladdu u xilsaarnaayeen!!!!

Sharciyan Somaliland waxay ka kooban tahay lix (6) gobol. Gobolladani way hanan karaan awoodaha dawladda dhexe ku xawisho. Siyaasiyan qaab dawladeedka Somaliland waa nidaam midaysan oo maamul-daadejintu distoori tahay. Juqraafi ahaan gobaladu waa aag degaan oo balaadhan oo ay ku dhaqmaan beelo taraxan oo duqaydooda & waxgarad-koodu si joogto ah u wada xaliyaan arrimo badan sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada,  daryeelka danyarta, Gurmadka-Deg-dega ah & biyaha iwm. Goboladu waa hab bulshadeenu u habaysan tahay oo u baahan in sharciyan la cayimo awoodahooda fulineed & sharci dejineed siyaasiyana lagu xawilo amuuraha kor ku xusan ee Xukuumada dhexe ku fashilantay.

Distooriyana Goballada dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo la soo doortay oo ku kooban xeer hoosaadyo. Mudada xilkooduna waa shan (5) sanno. Golayaasha Gobolladu  waa inay noqdaan kuwa awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda & arrimahooda bulshada. (Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland: Qodobadda; 111, Far: 1, 4, 7). Siyaasiyan qodob keliya baa si xirfadaysan xal-xidhaale shaqo guri la inoogu diray: “Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta  gole gobol/degmo iyo nidaamka doorashad xeer ayaa tilmaamaya”.  (Distoorka, Qodobka 111: Farqada, 2) Waxay ila tahay in qodobkan loo fasiri karo sidatan:  tirada Gole gobol kasta wuxuu noqon kartaa tirada xubnana Golaha Wakiilada ee gobol kasta oo lagu dhuftay sadex:

 

Fadlan hoos ka daalaco tirada Xubnaha Golaha Gobollada.

Gobolka Xubnaha Golaha Wakiilada Xubnaha Golaha Gobolka Caasimada Gobolka
1 Maroodi-Jeex 20X3 (60-6) 54* Gebiley
2 Togdheer 15X3 45 Odweine
3 Awdal 13X3 39 Saylac
4 Sanaag 12X3 36 Badhan
5 Sool 12X3 36 Caynaba
6 Saaxil[i] 10X3 (30+6) 36* Sheikh

*Doorashadii Golaha Wakiilada ee September 2005 Gobolka Saaxil wuxuu ugu haboohay laba kursi Gobolka Maroodi-Jeex si doorashadaasi u qabsoonto.

Caasimadaha Gobollada:

Caasimadaha Goboladu waa inay noqdaan degmooyinka ugu weyn gobollada dalka (oo shan ka mid ah Madaxweyne Daahir Rayale, halkuu horumarin lahaa,  ku caameeyey gobolnimo!!!). Arrintani waxay inaga badbaadinaysaa in caasimadaha Gobolada ee imika oo keliye  dhismaan sida dalku maanta ku sugan yahay.

Maanta sida qaab-dhismeedka dalku yahay xukuumaddu ma gudan karto balan-qaadyadii ololaha. Tusaale: Madaxweynuhu wuxuu ku balan qaaday xiligii doorashada in guuto deb-demis ah dalka loo samayn doono. Guutadii maanta maalin looga baahi badan yahay inama soo marin laakiin suaashu waxay tahay: Ma Boorame baa guutada la dejin, mise Berbera Mise Burco? Jawaabta: Deb-demisku waa xil heer gobol: waa in gobol walba yeeshaa guuto dab-demis oo u gaar ah.

 

By Prof: Abdihakim Yusuf Kheire,
(B.A. & M.A. Political science)
President,
Institute of Democracy & Governance,
abdihakim365@yahoo.com
Hargeisa, Somaliland