Kayntii Lammaanaha!

 

Kaynta lammaanuhu waa xidh jiq ah oo goobo u eg. Dhir waaweyn ayaa ku wareegsan, kuwaas oo faraqyada laamahoodu madaxa isla galeen, kana qariyeen qorraxda

intii kale ee ku hoos noolaa. Ilayska fallaadhaha cadceedda ayaa si maqiiqan ku soo jiidha caleemaha geedaha daboolay, goobtan quruxdu dhex ceegaagto si ay u daawadaan xayawaanno tiro badan ayay hoy u tahay. Waa meesha kali ah ee laga helo deegaankan ugaadha qaybaheeda kala duwan. Barwaaqada Rabbi dhigay, waa ay jirtey in aan la dheefsan jirin, haseyeeshee, hadda sidaa way ka duwan tahay.

Sheeko hore ayuu xambaarsan yahay magaca kayntani. Qof kasta oo degmadan arka amase maqla, wuxuu is waydiiyaa sababta loogu bixiyay magacan lammaanaha, ama Xaawo iyo Aadan oo ay dadka qaar yidhaahdaan. Rooble waa wiil dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo hilboon. Aabbihii inanlayaal ayuu ahaa. Carruurtooda afar ayaa isaga ka roonaa da’ ahaan, saddexna way ka yarayeen.
Maanta oo dhan, baadi ayuu raadinayay, wuuna xanuunsanayay. Isaga oo heedadawsan ayuu geelii kanbalka keenay, goor casar gaaban ah. Intu jaan iyo cidhib isku duduubay go’ yar oo uu sitay, ayuu hurdo uu isku illawsiiyo kaarka hayay dhag ka siiyay.

Wali isaga oo gam’in ayuu ku war helay dhangadda bogga loo galiyay. Inta uu sasay ayuu isla booday.

– “Waar geelii mee” ayuu waydiiyay walaalkii oo dhawr sanno ka weyni.

– “Wa ka daaqaya qoortaas” ayuu ku warceliyay isaga oo is cuncunayaya.

– “Dhaqaaq oo soo duub, xeradan ku xaree iyaga oo aan midi ka dhinnayn.”

– “Waayahay”.

Si daal ka muuqdo ayuu uu buquufiyey, isaga oo cagaha jiidaya. Wuxu hiifayay noloshan dhibka badan. Naftiisa ayuu la hugmayay. Kadinkii geela ahaa ayuu ku shubay xeradoodii, dhacantiina u adkeeyay. Isna dhabbo dhanka waqooyi ka xigtay ayuu cagta saaray. Talo wuxuu ku gaadhay in aanuu magaalada ka sokeyn.
Daal, harraad, gaajo ayaa iskugu darsamay. Calooshii baa cuslaatay oo qaadi kari waayay. Jabaq ayaa uga baxday meel dhaw, halkiibu naftii kula luuday. Nasiib wanaag reer jees ah ayuu kula kulmay. Reerkii ayuu martiyay. Si wacan ayaa loo sooray. Habeenkaa iyaga ayuu u hoyday.

Aroortii hore ayuu odaygii reerku soo kaxeeyay, oo keenay waddo baabuurtu soo marto, wuxuuna u sheegay in uu dhawr cisho ka hor soo maray halkeer. Dhawaanna u filaayo innuu soo mari doono. Isaga oon hadalkiiba dhammeyn ayuu soo muuqday. Halkii buu guudka uga baxay baabuurkii. Rooble wuxuu u socday habaryartii oo bandarka deggan, meherad caan ahna ku haysata.  Darawalkii ayuu sheegay halka uu rabo in lagu dejiyo. Bartii ayaa lagu dejiyay. Habaryartii ayaa sheedda ka aragtay, wayse yara garan wayday kolkii hore. Isagu wuu ku soo cararay. Markuu u soo dhawaaday ayay iyana xaqiiqsatay inuu Rooble yare yahay. Bariido boholyow ku maquuqdo ayay is weydaarsadeen.

Way kaxaysay oo xaafaddeedii ayay geysay. Waxbarasho ayay ku dartay. Maskax fayoobaan heersare ah oo uu qabay, ayaa u fudaydisay in uu ka mid noqdo ardayda foolaadka ah ee dugsigooda. Rooble ammintuu abyey tacliintiisii dugsiga sare, wuxuu ku biiray ciidammada milatariga. Fasaxa oo kaliya ayuu u iman jiray habaryartii, waayo degaan aan kiisii ahayn ayaa loo beddelay. Hawl ka nasashadii kowaad wuxu helay sannad iyo badh markuu shaqada ku jiray. Gurigii habaryartii ayuu soo abbaaray.

Irridda ayuu soo garaacay maalin.

“Waa Ayo” ayaa cod dumar oo ku cusubi tidhi.

“Waa anigee”

“Adigee?”

“Rooble Warfaa.”

Waa laga furay. Inan aad u qurux badan ayaa furtay albaabka. Iyadu waxay ku dhaygagtay wiilkan joogga quruxda badan leh, ee tuutaha milatariga xidhan. Isna sidoo kale inanta quruxdeeda ayuu la dhaygagay. Waxa la moodaa in labadooduba alwaax qotoma yihiin. Iyada oo midiba ka kale ku maqan yahay, ayay Farax oo ay habaryartii dhashay ka soo baxday qol ku xigay albaabka.

“Yaa Deeqaay irrida tumaayay?”

Way u juuqi waayeen labadoodiiba. Midba ka kale ayuu la dhacsan yahay abuurtiisa; badweyn kale ayay dhex muquurteen. Rooble waligii inan sidan oo kale umuu fiirin. Mooji wax helayba. Iyaga oo sidii ah ayay soo gaadhay.

– “Alla waa Rooble. Ii warran walaal.”

– Siduu laydh ka fuqay ayuu la soo booday oo yidhi “nabad.”

– Soo soco.

– Waayahay.

– Inantanna is barta, abtiyo Quulle ayaa dhalay.

– Ma dhabbaa, waa tee?

– Waa Deeqa.

–  Ma Cadday ayaad tahay?

– Haa, laakiin magacaa waa tii layga daayay.

– Rooble Warfaa

Intay qosol dhool caddeyn raacisay ayay tidhi “waan maqlay. Waa ninkii reerka waagii ka soo baxsaday.”

– Maya kamaan soo cararine, iskay ayaan iskaga imid.

– Bal suga. Sowdigan muran hore leh inoo bilaabi gaadhay, wax la cabbo aan idin soo qaadee, iska sii wada sheekaysta.

Rooble aya hadalkii bilaabay oo yidhi:

“Waad weynaatay, waxaan ogaa ayaantaad dhalatay.  Xilli abaar ah ayay ahayd. Dayrtii na may di’in; gu’giina waa u raagay. Cirku waa uu qaawanaa. Golcastu waxay dhex fadhiday meel u muuqata badhtanka samada. Fallaadhaha cadceedda oo aad mooddo inay ciil raagay qabaan, waxay si toos ugu soo dhacayeen dhulka oo muddo la sakaraadaya harraad ba’an oo u la dildillaacay. Reeraha wixii rag ahaanna, sahan bay ku maqnaayeen. Wixii dumar ahaana aroor laba habeen dhax ah ayay badankoodii aadeen. Geedweyn oo hadh ah, laamihiisuna balbaallaadhan yihiin ayaan hoos jiifay. Kaligay iyo hooyada ayaa xaafadda ba joogay. Aniga baryahaa wax layga dawaynaayay dhaawac annaga oo isku booddo dhiganayna iga soo gaadhay geed sarmaan ah oo aan cagta la jibaaxay. Nabarkaas ayaa sababay inaan kobtaa joogo.

Dhawaaq ayaa ii baxay, dhagta ayaan taagay, waa cod haween mise waa xaaskii Quulle. Garabdhigga aqalkeed, sidaan u maleeyay xanuunkii foosha ayaa gudihii ay ku jirtay ka soo tuurtay. Qaylo iyo muusannow ummuleed ayay ku dhufatay. Maan awoodin inan soo kaco, maxaa yeelay jidhka in yar ayaa badqabtay. Wax qayladii ii baxdaba mar kaliya ayuu jawigii is geddiyay.  Oohin ilmo yar ayaa ku soo biirtay. Cid kale may ahayne gabadh yar oo raaska ku soo korodhay ayay ahayd, hadda waa adiga” ayuu ku soo jaray.

Sheekadii markuu dhammeeyay ayuu raaciyay: “ma ogtahay Deeqaay berigaa inuu abtigay igula kaftami jiray inuu i kaa siinaayo.”

“Ka warran haddaan ku diido” ayay ku tidhi.

“Dee xoog ayaan kugu guursan”.

Isaga oo ka faa’iidaysanay kaftanka uu bilaabay, ayuu ku yidhi “aniga oo aan ogayn inaad inabtiday tahay, ayaan kaa helayba kolkii hore.  Haddaad noqtayna ka ba sii fiican.

Intay marad afka saartay oo ay hooshoos u eegtay ayay tidhi “ma run baa inaad iga heshay.”

Intay neef xoog badani ka soo booday ayuu dhaar ka xagaf siiyay.“Haa Wallaahi waan kaa helay. Diyaar ma u tahay inaad ila gardaadiso jacaylka ugubka ah”

Warsan iyo weedhsan ayay kaga guddoontay.

Mid kasta neecaw naxariiseed oo meel ay ka timi aanu aqoonnin ayaa daf tidhi. Dareen kii awalba ku beermayay, kolkay is arkeen ayaa mid kale ku sii siyaaday. Iyaga oo is hor fadhiya ayay mawjado kale quuseen, marna hawada ka sarraysa ayay dhex biibeenba. Riyo reereed oo aanay ka wada hadalba ayay dhex muquurteen. Nolol lammaane oo macaan badan ayay sawirteen. Jacayl curdin ah ayay wada abqaaleen, axdi adagna way wada galeen. Ayaamo badan bay sheeko wadaageen. Isaga oo aan is lahayn wax baad joogtay ayuu waqtigii ka dhammaaday. Oohin ayay isku sii macsalaameen. In uu si dhaqso ah u soo noqonaayo ayuu niyadda ugu qaboojijay, kaddibna uu guursanaayo. Sidii bay isku nabadgelyeeyeen.

Waraaqo ayay iskaga war heli jireen. Dharaartii danbe ayay waraaq bariidadii ka duwan u soo dirtay Deeqi. Waxay u sheegtay inay miyi iyo carradii qabanayso oo hooyadeed oo xanuusatay gaadhayso, ee uu intaa u sii dulqaato waraaq-la’aantana aanu ka werwerin.

Muddo badan ayaanu wax war ah ka helin jacaylkiisii. Dharaar isaga oo dul fadhiya miis yar oo u yaallay qolkiisa oo fiirinaya sawir ay Deeqi hadyad ahaan u siisay, soo-jeedna ku riyoonaaya ayay sanqadhi uga baxday dhinaca albaabka gurigiisa. Saaxiibkii ayaa u soo galay, wuxuu u sheegay inuu u waday waraaq loo soo diray isaga. Inta uu fadhigii ka soo hinqaday, ayuu si farxad iyo degdeg ku jiro uga dhuftay saaxiibkii xaashidii. Waxa uu ka filaayay warsan oo Deeqa uga yimid. Laakiin ma ay ahayn, Farax ayaa u soo dirtay, warka ku qorannina ma uu ahayn mid wanaag ku ladhan yahay. Hase yeeshee, waxa uu ahaa mid dhiillo tuurta ku sita. Farax waxay Rooble u sheegayaysay in farriin ay u soo dirtay Deeqi una sheegtay inay ka gaadhsiiso Rooble in nin lagu daraayo isniinta. Intaan hawshaasi dhicinna dhaqso uu ugu yimaaddo, si arrinta uu uga baajiyo.

Fadhi uma yaallo Rooble. Fasax dhaqso ah ayuu soo qaatay. Deegaankii ayuu u safray. Wuxu tagay iyada oo aan weli la aroosin Deeqa. Markiiba wuxu bilaabay inuu ujeeddadiisa ka hadlo. Aabbihii oo waligiiba la degganaa reerka uu Rooble hooyadii ka guursaday ayaa isku dayay inuu wiilkiisa u caqli celiyo, iskuna taxlallujiyay inuu inankiisu Deeqa iska illawsiiyo. Kumuu se guulaysan.

Rooble, abtigii ayuu u tagay una warramay, si badheedhana ugu taabtay hawsha u halkan u yimid inay Deeqi ooridiisa noqoto iyana diyaar u tahay. Abtigii wuxu ugu quus gooyay in aanay taasi dhacahayn, isaguna arrinkooda markii hore aanu ogeyn, imikana in inantii nin la siiyay. Hase ahaate, uu diyaar u yahay inuu ta ka yar u guuriyo.

Rooble, taasi waa ay u noqon wayday. Habeenkii danbe ayay isaga iyo Deeqi ku tashadeen inay isla baxsadaan. Hurdo dhagid xilligay tahay ayay ka dhabeeyeen taladoodii ahayd inay isla dhuuntaan. In door ah markay socdeen, ayuu cirkii oo qallalnaa mar kaliya daruuro isku gibleen. Onkod cabsi ku abuuraya nafaha xasillan kaga sanqadhiyay. Hillaac dharaar ka dhigay dhulka oo dhanna ka walalac siiyay, dhibco waaweyn oo jihadiiba ka lumiyay labadoodiinbana soo daayay. Rooble isaga oo yar ayuu halkan ka tagay, hagaag uma kala garaanaayo arladan, Deeqana roobkii ayaa dhabadhabeeyoo meel ay ku socdaan iyo meel ay ku socdaan ayay fahmi waydy. Kolkii danbe ayay dhan ku nasiibsadeen. Xoogaa markay lugeeyeen ayay ku soo baxeen dooxo ay kayn ballaadhani ku taallo. Dhirtii ku cufnayd ayay ku yaaceen si ay uga jirsadaan dhibcahan dhabannaaniyay. Halkii ayaa waagu ugu baryay.

Aroortii markay tooseen ayay Deeqi argagaxday. Rooble ayaa ku yidhi: “maxaa kugu dhacay”. Deeqa ayaa u sheegtay inay halkani tahay kayntii libaaxa, halisna ay ku jiraan oo meeshani ay tahay goob aan cid imannin, loogana caagay libaax dadqaad ah oo kobtan ku nool. Hadalkii iyada oo aan dhammayn ayay ku war heshay wax ku dagay Rooble. Naxdin ayaa ku soo ururtay, cagaha ayaa gariiray, dhaqaaq ayay u hollan kari wayday. Oohin iyo baroor ayay isku dartay.Horteedii ayuu ku dhintay gacaliyaheedii. Iyana wuu ku xigsiiyay.

Ifisadu markii ay mudh soo tidhi ayay beeshii tabtay labadoodiiba. Raacdo ayaa la diray. Waxa la arkay inay raadkoodi u kacay dhankii kaynta libaaxa. Col baa la ururiyay si ay raq iyo ruux u soo helaan. Guutadii oo hubkoodii u dhan yahay ayaa baxday. Rooble aabbihi ayaa go’aansaday inu isagu naftiisa biimaynaayo, una badheedho bahalka dhiigga ku mamay. Jabaq aan jibaadka libaax ahayn lagama maqli jirin kaynta iyo hareeraheeda. Inkasta oo nimco ka buuxdo xidhkan isaga ayaa looga caagay. Muddo aad u badan ayuu aarkan dadqaadka ahi ku uunnaa carradan. Abidkiisna loo ma dhawaan.

Warfaa oo Rooble aabbihi ahaa ayaa daf yidhi kayntii. Wax cod ah dhagahiisa wax ku soo dhacayay garaaca wadnihiisa. Wuu gaatifaayay. Siduu hadba laan u jiidhayay, midna uga hoos baxaayay ayuu isha la helay isaga oo geed hadh weyn hoostiisa kala daadsan. Inta uu liishaamay ayuu xabbad laabta kaga halgaaday. Bab! Mid labaad ayuu u ceshay. Mid saddexaad ayuu raaciyay, ilaa u boolkiiba ku dhammeeyay. Colkii oo ordaya is lehna nolol Warfaa ku gaadhi maysaan ayaa yimid isaga oo ku dul ooyaya, raqdii Rooble iyo Deeqa. Intii ka hadhay intay soo qaadeen ayay u sameeyeen laba xabaalood oo ay ku aaseen.  Maalintaa wixii ka danbeeynay wax kayntii libaaxa loogu walqalay Kayntii lammaanaha.

Ibraahin X. Cabdi “Ibraahin Tallaabo”

Email: ibraahin02@gmail.com

Facebook: Ibraahin Cabdi